O G A Y S I I S………O G A Y S I I S………O G A Y S I I S

 



Jaaliyada Somaliland UK (SSUK) waxay dadweynaha ka soo jeeda Somaliland ogaysiinaysaa labada arrimood ee halkan ku xusan.

Waxa soo dhawaaday waqtigii la xusi laha munaasabada 18 May 2016 ee loogu
diyaargaroobi laha dabal dega sanad guuradeedii 25, markaa sidii caadada inoo ahayd waxaanu ka codsanaynaa bulshaweynta ama cidii danaynaysa inay ka qayb qaadato qabashada xafladaas inay isugu yimaadaan xafiiska SSUK – 114 Mile End Road, E1 4 UN maalinta Axada ee soo socota 21.02.2016 saacado markay tahay 4.00 galabnimo.
Halkaasoo la iskula meel dhigi doono qabanqaabadeeda.

Waxa xusid mudan in la gudbiyay codsigii BANAANBAXA sanadkan ee lagu taageerayo aqoonsiga Somaliland hawshiisona socoto.

Wixii faahfaahina kala soo xidhiidha numberadan: 07506702129, 07764865665, 07504635232.

Qofkastoo danaynaya aqoonsiga Somaliland waa inuu ka qayb qaato codsigan (Petition): “Britain must recognize Somaliland”
waxa dadweynaha ku nool UK ha ahaado qof jinsiyaad haysta ama daganaansho laga codsanayaa inuu galo internetka oo uu ku qoro kalmadaha dusha ku qoran, dabeedna uu buuxiyo macluumaadka laga codsan doono oo aan daafsanaynba magaciisa, addresskiisa iyo emailkiisa intaa ka bacdina emailkiisa eego oo uu hubsinada ansixiyo.

Waxa xusid mudan in ilaa iyo hadda 832 qof oo kaliya ay codsigooda gudbiyeen.
 


Wa billahi tawfiiq
Gud/SSUK