Jaaliyada Reer Somaliland ee Magaalooyinka To ronto iyo Otawa ee Dalka Canada oo Deeq La cageed Soo Gaadhsiiyay Gudida Horumarinta Gobolka Gabiley

 

Gabiley (Longlivesomaliland News)- Gudoomiyaha Gudida Horumarinta Gobolka Gabiley Mahamuud Yuusuf Xaaji Cabdi ayaa Gabiley News u xaqiijiyay inay  jaa liyadaha reer Somaliland ee Wadanka Canada gaar ahaan magaalooyinka   Ott awa iyo Tronto soo gaadhsiiyeen lacag dhan $25,931 (shan iyo labaatan kunn sagaal boqol iyo kow iyo sodon doolar) gudida horumarinta gobolka Gabiley, deeqadan oo ay ugu talo galeen inay kaga qaybqaataan dhismaha dhakhtarka cusub ee magaalada Gabiley.

Gudoomiyaha Gudida horumarinta isagoo ku hadlaya afkiisa iyo afka gudida  ho rumarinta Gobolka waxuu uga mahad celiyay muwaadiniinta reer Somaliland ee jecel horumarka wadankooda meelkasta oo ay joogaan, gaar ahaan waxaa uu gudoomiyuhu carabka ku adkeeyay jaaliyadaha magaalooyinka Otawa iyo  Tor onto, oo uu sheegay inay kasoo bexeen kaalintoodii ay ku lahaayeen dhismaha dhakhtarka Guud ee Gobolka Gabiley.

Mahmoud Yousuf waxaa kale oo uu mahadnaq u diray XAWAALADA QARAN oo uu sheegay inay lacagtaasi kusoo dirtay khidmad la,aan, kuna soo gaadhsiisay gudida horumarinta dagdag iyo bilaa kharash.

Waxaa kale oo uu gudoomiyuhu hambalyo gaar ah, u dirayaa gudida isku  xilqa antay soo ururinta lacagta qaadhaanka dhakhtarka ee qadarkaa leeg oo uu runtii gudoomiyuhu sheegay inay u hureen wakhti faro badan sidii qaybtooda uga qaadan lahaayeen dhamaystirka dhismaha dhakhtarkaasi. Gudida  dhaqaa laha soo ururisay ee uu gudoomiyuhu sida gaarka ah ugu hambalyaynayo waxaa ka mid ah:-


1) Jamaal Xaji Maxamed Musse Gedi

2) Aadan Cabillahi Hanfi

3) Maxamud Yusuf Ducaale (Diktoorka)

4) DR. Maxamed Rabi

5) DR. Siciid Muxumed Maax

6) Maxamed Muxumed Libaan

7) Axmed Cali Sabayse

8) Maxamed Cabdillaahi Suweyn

Mahmoud Yousuf waxaa uu sheegay in dhakhtarku yahay bilaw loona baahan yahay sidii loo dhamaystiri lahaa, dhamaystirkiisuna inuu u yaalo dhamaan bahwaynta horumarka jecel ee reer Somaliland gaar ahaan reer Gabiley, hadday noqoto ganacsato, aqoonyahan, odayaal, dumar, dhalinyar iyo siyaasiba.

Waxaa kale oo uu gudoomiyuhu baaq u diray baaq jaaliyadaha kale ee hadhsanina inay soo gaadhsiiyaan deeqda ay ugu talo galeen inay kaga qaybqaataan dhismaha dhakhtarka, si uu dhakhtarkii u dhamaystirmo ayuu yidhi gudoomiyuhu


Caawimadanina maaha tii ugu horaysay ee nooceeda ah ee ay muwaadiniinta reer Somaliland soo gaadhsiiyeen dhismaha dhakhtarka guud ee Gobolka Gabiley.





Ahmed Sh Nour Ducaleh

ahmed_biito@hotmail.com