Jaaliyada dibada ee Beelaha Hawiye oo Shahaado gudoon siiyay Madaxweyne ku Xigeenka Somali-land Mudane Axmed Yusuf Yassin

Jaaliyada dibada ee Beelaha Hawiye oo Shahaado loogu magacdaray Gobnimo-soor , gudoonsiiyay Madaxweyne ku Xigeenka Somaliland Mudane Axmed Yusud Yassin

Xaflad si heer sare ah loo soo Agaasimay ayna ka soo qayb galeen Mas'uuliyiin uu ka mid ahaa Ku simaha Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland isla markaana ah madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Yuusuf Yaasiin, Wasiirka Gaashaandhiga Somaliland Abdullahi Ali Ibrahim, wasiirka Caafimaadka iyo dhanka kale Jaaliyada dibadda ee Beelaha Hawiye ayaa manta waxay ka dhacday Qasriga Madaxtooyada ee Somali-land.

Xafdaladan soo dhaweynta ah ee Madaxweyne ku xigeenka iyo qaar ka mid ah wasiiradu u sameeyeen jaaliyada Beelaha hawiye ee dibada ayaa waxa ay ka dhacday Qasriga madaxtooyada ee Somaliland iyadoo ay Jaaliyada dibada ee Beeleha Hawiye waxa ay halkaasi ku Gudoonsiiyeen Shahaado sharafeed ay ugu magacdareen GOBANIMO-SOOR ku simaha Madaxweynaha ah-na Madaxweyne Ku-Xigeenka Somali-land Mudane Axmed Yusuf yassin iyo Xubno Wasiiro ah oo ay ka mid ahaayeen wasiirka Gaashaandhiga Somali-land, Wasiirka Caafimaadka iyo wasiiru Dowlayaal.

Waxaa ka mid ahaa sidoo kale Xubnihii kulankaasi ka Qeyb galay Gudoomiyaha Jaaliyada reer Koofureed ee dagan Somali-land Mudane faarax Giindho, Ing. C/qadir Wardhere, Ing Maxamed Axmed, Boqor Mustafe Xasan Cali, Mustafe Xaaji Cabdi Warsame iyo Jaaliyada Soomaaliyeed ee dibada oo uu Hogaaminayay Cali Cabdi Wardheere (Cali Yare) iyo Liibaan Maxamed Cosoble.

Ugu horayn waxaa halkaasi ka hadlay Cali Yare oo ku Hadlayay Magaca Qurba Jooga Soomaaliyeed gaar ahaan Jaaliyada Hawiye ee Dibada waxa uuna ku dheeraaday amaanta ay Mudanyihiin Madaxda Dowlada,Xisbiyada Qaranka, Ciidamada Qaranka Somali-land iyo Shacabka reer Somaliland isagoo uga Mahadceliyay Soo dhaweyntii walaalnimo,iyo gacantii gacaltooya-nimo oo ay u fidiyeen walaalahood ku soo barakacay

" Waxaan aad ugu Faraxsanahay in aan maanta ku Suganahay Madaxtooyada Somali-land si aanu uga mahadcelino Madaxda Dowlada ,Xisbiyada qaranka,iyo Shacabka reer Somaliland meel kasta ay joogaan Gaar ahaan ku simaha Madaxweynaha ah-na Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyada Somali-land Mudane Axmed Yusuf Yassin"

" Hadii ay in badan dhacday in afka lagala xishooday ku dhawaaqitaanka Madaxbanaanida iyo qaranimada Somaliland, Jaaliyada Soomaaliyeed gaar ahaan kuwa Reer Muqdisho waxa ay cod dheer ku sheegayaan ineey raali ka yihiin isla markaana aanu hiil iyo hooba la garabtaanahay Madaxbanaanida walaalahaya reer Somaliland.

Waxaa hadalkii qaatay Madaxweyne ku-Xigeenka Somali-land Axmed Yusuf yaasiin waxa uuna u mahadceliyay jaaliyada Hawiye asaga oo ku amaanay talaabada wanaagsan ay qaadeen isla markaana sheegay inuu ku faraxsanyahay inuu maanta arko Hawiye doonaya caalamkana cod dheer ku maqashiinaya Aqoonsiga Somali-land sida ay u garab Taaganyihiin Gooni isku taga Somali-land.

" waan idinka aqbalnay Shahaadadan Sharafta leh oo aad Gudoonsiiseen Shacabka iyo Madaxda Somali-land, maahan mid iska timid shahaadadaan ee waa Mid aan Mudanahay waana idinka Gudoonay waanu idinkaga mahadcelineynaa waanan ku faraxsanahay booqashadiina waxaanan idin leeyahay ku soo dhawaada Somaliland oo ah meel la idinka jecelyahay.
" Shacabka Jooga Somali-land ee ka yimid Soomaaliya Horay wax dhib ah uma arag hadana ma arkayaan dadka Wada Warxumada ee Dhahaya Somali-land dhibaato ayay gaarsiisay Soomaaliya taasi waxaan idiin sheegayaa in ay been abuur tahay hada waxaa Idinla socda Gudoomiyaha Beesha Hawiye hadad Diyaar tihiina baabuur ayaad qaadanaysaan oo manta soo Kormeera Shacabka Soomaaliyeed ee Ku Nool Somali-land sida sharafta leh oo ay ku Nool Yihiin" ayuu yiri Madaxweyne Ku-xigeenka Somali-land axmed Yuusuf Yaasiin.

Source:dayniile