Itoobiya Iyo Somaliland Oo Kala Sexeexday Heshiis Iskaashi Oo Amniga
La Xidhiidha

Hargeysa,July 27,2011 (TNN)- Xukuumadda Somaliland iyo Dawlada
deegaanka Soomaalida ee dalka Itoob iya ayaa maan ta si rasmi ah u
kala saxeexday heshiis iskaashi oo la xidhiidha dhinaca amniga,
waxaana la sii daayay gaa diid ka tagay Somaliland oo ku xidhnaa
Itoobiya.
Heshiiskan waxa u saxeexay Itoobiya Madaxweynaha dawlada deegaanka
Soomaalida Cabdi Muxumed Cu mar halka Somaliland-na uu qalinka ugu
duugay Wasiirka wasaaradda Arrimaha gudaha Dr. Maxamed Cabdi Gaboose.
Madaxweynaha dawlada deegaanka Soomaalida Cabdi Muxumed Cumar, ayaa
ka hadlay ahmiyada uu heshi iskani leeyahay waxaanu yidhi "Si
wanaagsan ayaanu u dhamaysanay dawlada Somaliland iyo dawlada Fede
raalka Itoobiyana waa laba dal oo danahooda siayasadeed, dhaqaale
iyo bulshaba isku xidhan tahay.heshiis qadiimiya oo soo jireen ahna
ay lahaayeen labada shacbi."
"Somaliland iyo Itoobiya waa laba dal oo dantoodu isku xidhan tahay
oo aan kala maarmi Karin dhinac kasta oo laga eego. Markaa waxaan
halkan ka caddaynaynaa inaanu dhamaynay wax kasta oo nabad diidku ka
f aa'iidaysan karo, waxa kale oo aanu daboolay wax kasta oo
galdaloolo ah waxaana aanu kala saxeexanay heshiis waafaqsan mid
waafaqsan sharciga iyo shuruucda isla markaana xeerinaya isku
socodka shacbiga labada dal iyo daris wanaaga,"ayuu yidhi
Madaxweynuhu.
Dhinaca kale, Wasiirka Arrimaha Gudaha Dr. Maxamed Cabdi Gaboose oo
ka hadlay heshiiskan waxa uu yidhi "Heshiiskani waxa uu ku taagan
yahay tiirarka mustaqbalka loo jeexayo iskaashiga labada dal, wuxuu
leey ahay dhinacyada Nabadgelyada, dhaqaalaha, horumarineed iyo
siyaasadeed. Waxaan u mahad celinayaa Madaxweynaha dawlada deegaanka
Soomaalida kaalinta uu ka qaatay heshiiskan, waxaan iyagana u mah ad
celinayaa Guddidii heshiiskan soo diyaarisay iyo madaxdii labada dal
ka socday ee illaa Salaasadii wada fadhiyay ee wax isla faaqidayay."
"Waxaanu u xaqiijinaysa cid walba oo tuhun yar ka qabtay xidhiidhka
Somaliland iyo Itoobiya iyo cid walba oo doonaysay inay ka
faa'iidaysatos waxaan u sheegaynaa inaanu nahay saaxiibo gacmaha is
haysta hore na u ahayn,"ayuu yidhi Dr. Gaboose.
Wasiirku waxa uu sheegay inay labada dawladood balan qaadayaan inay
si wada jir ah ula dagaalamaan w ax uu ku tilmaamay nabad diidka iyo
Argagixisadda.
"Waxaanu si wada jir ah oo isku niyad ah aanu ula wada dagaalami
doonaa Argagixisadda iyo Nabad diidka iyo wax kasta oo wada
jirkayaga xumaynaya,"ayuu yidhi Wasiirka daakhiligu waxaanu intaasi
ku daray "Wa xaan uga mahad celinaynaan inuu Madaxweynaha dawlada
deegaanku ogolaaday in wixii heshiiskaasi ka ho reeyay oo ay ka mid
yihiin Gaadiid Somaliland ah oo aad u badan oo illaa konton ah oo ku
xidhnaa Itoobiya in ooda laga qaadayo."
Source;Somaliland.Org
|