Ismaaciil Yare Iyo Fadeexadihii Uu Kaga Tagay Kursiga Ugu Mudan Golaha Wasiirada Somaliland

 

run ahaantii qalinka umaan qAadan inaan ujawaabo Ismaaciil Aadan Cisma an mana mudna in wakhti lagu lumiyo jawaab laga bixiyo hadalada maan gaabnimadu kamuuqato ee uu Ismaaciil yare kuhadlo , balse waxaan jecel ahay inaan wax yar kataataabto fadeexadihii uu Ismaaciil yare kaga tagay kursiga ugu mudan golaha wasiirada ee madaxweyne rayaale u magacaab ay dhamaadkii sanadkii 2002

Ismaaciil Aadan cismaan waxa loo magacaabay wasiirka wasaarada daakhiliga dhamaadkii sanadkii 2002 wakhtigaas oo dalku uu kujiray marxalado kala guur ah oo ahayd maalmo yar kahor doorashooyinkii golayaasha dagaanada markii loo diyaar garoobayay
Ismaaciil wuxuu markiiba isku dayay inuu wax kabadelo liisaskii musharixiintii golayaasha degaanada ugu tartamayay xisbiga udub isagoo khilaaf hor leh kadhex abuuray musharixiintii utartamaysa doorashada degaanka ee udub iyo xisbiga udub laftiisii taasi o meelaha qaar keentay in mudanayaal golayaasha degaanada katirsan oo udub kasoo baxay ay u ololeeyaan siilaanyo wakhtigii doorashada madaxweynaha

markii golayaashii degaanada dalka ladoortay Ismaaciil wuxuu markiiba khilaaf hor leh kadhex abuuray golayaashii degaanada dalka dhammaan isagoo kahor joogsaday dhamaanba awooihii dastuuriga ahaa ee ay xaqa ulahaayeen isla markaana wareegto kumamnuucay in golayaasha degaanadu ay qabsan karaan shir aan caadi ahayn taasi oo sii kala fogaysay xukuumadda iyo mudanayaashii golaha degaanada iyo dadweynihii soo doortayba

Ismaaciil waxa uu faro galiyay oo uuboobay dhamaanba hantidii danta guud ee dhul iyo hanti kaleba lahayd, waxa loo baloodheeyay uu jeebkiisa kudhici jirtay hantida kasoo xeroota suuqa loo yaqaano gobanimo oo gabi ahaanba iibsaday dhulkii la odhan jiray xisbiga

waxa uu iibiyay oo sitoos ah uu ugu tagri falay xaruntii guud ee trafikada oo aynu ogayn inuu ka iibiyay ganacsade Aadan baradho oo isna dib ugasii iibiyay dhabshiil

Ismaaciil yare waxa aan kanabad galin oo uu cunay dhamaanba dhulkii danta guud ee laga soo reebo beeraha dadwenuhu leeyhiin marka la qorsheeyo dhulkaas oo loo qorshayn jiray in danta guud loo reebo baklse uu Ismaaciil yare sitoos aah uiibin jiray halka meelaha qaarkoodna uu dayrar waaweyn isagu kasamaystay sida dhulka danta guud ee beerta ilma laba shaagle ex woqqyiga maansoor hotel

waxa loo baloodheeyay uu si sharci darro ah kuqaatay sayladii magaalada ganacsiga ee tog wajaale oo uu bakhaaro waaweyn kadhistay

waxaynu ogayn fadeexadii dumbuluq ee kadhacday meeshii looyaqaanay injida ee falka foosha xun ee dhimashda iyo dhaawaca keenay sababtay inuu iyadana masuul ka ahaa oo uu faraha kula jiray

somalidu waxay kumaah maahdaa mayd maxaa udambeeyay kaa lasiisido e waxa lawada ogyahay falkii ugu dambeeyay Ismaaciil markuu wax walba soo dhaafay inuu kanabad gali waayay gunadii yarayd ee ciidanka booliiska SPU ay siinjitay hayada UNDP oo uu sitoos ah ucunay taas oo keentay in ciidankii oo qoryahoodii sitaa ay yimaadaan xarunta baarlamaanka somaliland iyagoo kacbanaya in gunadii yarayd ee lasiin jiray muddo dhawr biliid ah laga cunay taas oo keentay markii ay xaaladu gaadhay meel aan lasii eegan karin in Ismaaciil yare laga qaado xilkii uu qaranka uhayay

waxa iyana aan meesha kamaqnayn oo guud ahaanba bulshada somaliland wada ogsoontahay xaalad abuurkii iyo mushkiladihii uu markasta kukicijiray Ismaaciil yare wakhtigii uu xilka hayay

haddaba waxa wax lalo yaabo ah Ismaaciil yare oo naanays iyo magac xun kusagootiyay kursigii ugu mudnaa golaha wasiirada somaliland ee daakhligu inuu maanta cid ku sheego khaayinul wadan ama uu idhaahdo maxakamad hala soo taago

haddiii cid maxakamad lasoo taagayo cidda maanta loo baahanyahay in sharciga lahorgeeyo oo lagula xisaabtamo xilkii qaranka ee uu hayay siduu ugu tagri falay iyo hantidii umadda ee uu boobay ninka ugu horeeyaa waa Ismaaciil yare

ugu dambayn waxaan xukuumadda somaliland usoo jeedinayaa in loo saaro guddi soo baadha hantidii qaranka ee Ismaaciil yare lunsaday isla markaana lahorgeeyo maxkamad si loo mariyo wixii uu mutaystay waxaan shaki kujirin in Ismaaciil aanay jirin meel ufayawi maanta markaa mudane madaxweyne waa in laga soo celiyaa hantidii qaranka ee uu dhacay Ismaaciil yare wakhtigiui uu wasiirka ahaa si, aanay uhicinh in masuul dambe oo xil qaran hayaa u lunsado hanti qaran


shacbi weynaha reer somalilandna waxaan leeyahay Ismaaciil yare waa ninkii aynu naqaanay ee caamka ku ahaan jiray beenta iyo xaalad abuurka hadalka maanta kasoo yeedhay ee uu leeyahay Axmed siilaanyo ayaa latooganayay oo askartii madaxweynahaa kujirtayna waa midaanay waxba kajirin ee uu doonayo inuu kulmiye ku xodxoto si ay u ilaabaan godbihii qaawanaa ee uu kagalay



wabilaahi tawfiiq

 


AXmed Aw Cabdilaahi khaliif

Finland