Isku-xidhnaansho Ah Cabdillahi oo Xilka Laga Xayuubiyo iyo Muddo Kordhinta Kooxda Imbagathi Oo Ay Soo Kala Jeediyeen Zanawiiyo Jendayi Frazer

 

          

Wararka ka imanaaya Magaalada Nairobi ayaa tibaaxayey faahfaafin Qoto-dheer oo ku saabsan shirka loogu yeedhay Kooxda Imbagati.

Sida la aaminsanyahay ayaa ah in labada dal ee kala ah Maraykanka iyo Ethiopia ay yeesheen Shir hordhac ah oo qaab qarsoodi ah uga dhacay Magaalada Addisababa kaas oo ay ku lafa-gureen sida dantoodu ku jirto ee ay ugu talin la haayeen dalka Somalia ee colaaduhu Naafeeyeen, Mrs.Jendayi Frazer oo ah ku xuigeenka Xoghayaha Arrimaha debedda ee Maraykanka ayaa soo jeedisay in Muddada loo kordhiyo Maamulka Imbagathi,iyada oo farta ku fiiqday ama si cad u bayaamisay in loo baahan yahay in Col. Cabdillahi Yussuf laga xayuubiyo xilka Madaxweynenimo, isla makraana mid kale oo cusub lagu bedelo loona kordhiyo muddada.

Wararka ayaa sheegaya in talaabadani uu ku raacay Ra’iisul wasaaraha Ethiopia Meles Zenaawi, wuxuuna dhowaan ka dhawaajiyey in lagama-maarmaan tahay in madaxda kooxda Imbagati lagu sameey is bedel, kadib markii uu ku eedeeyay in ay ku fashilmeen ujeeddooyinkii loo igmaday, isaga oo intaa raaciyay in uu doonayo in Baarlamaanku uu sii jiro, tiro kalena lagu kordhiyo haddii shirka hadda u socda kooxda Imbagathi iyo Isbaheyisga dib u Xoreynta ee qarsoodiga ah ay ka soo baxaan natiijooyin, Mr.Meles ayaa la sheegay in uu musharixiin dhawr ah uu diyaarsaday kuwaas oo ay ka mid yihiin Col.Nuur Cadde, Axmed Cabdislaan, Gudoomiyaha Isbaheyisga, iyo Cali Geeddi. Waxa kale oo uu qorshaynayaa in Ciidamadiisa ay ka mid noqdaan kuwa nabad ilaalinta
Qaramada Midoobay ee Somaalia la keenaayo, waa hadii ay isku afgarteen shirka haatan socdaa.

Dhanka kale Saraakiisha QM iyo Midowga Yurub ayaa si xoog leh uga soo horjeeda in dawladda KMG ah uu sii hogaamiyo nin si aad ah looga neceb yahay Muqdisho oo ay u arkaan in taasi macnaheedu tahay dagaallada oo sii socda. Waxaana warar diblomaasiyadeed sheegayaan in Ra’iisul wasaare Col.Nuur Cadde uu yahay musharraxa ugu horreeya ee bedeli kara Col.C/hi Yuusuf.

Mar uu Meles Zenawi la kulmay Dr Asha-Rose Migiro oo ah ku-simaha Xoghaya Guud ee QM oo u dhalatey dalka Tanzania ayuu u sheegey in Dawlada Somalida loo dhisay aanay karti u lahayn in ay xukunto Somalia.

R’iisul wasaaraha Ethiopia ayaa muhiimadiisa ugu weyn ee uu la-guclaynayaa ay tahay in Cabdillahi Yussuf kursiga ka tuuro iyo in dhaqaale baaxad leh uu u helo Ciidamadiisa ku jooga Soomaaliya.
 

 

 

 


By: Osman Abdillahi Sool

Freelance Journalist
sooldhuub@hotmail.com