WAR-SAXAAFADEED
Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Siilaanyo
waxa uu caawa Digreeto Madaxweyne oo Summadeedu tahay JSL/M/XERM/249-3730/122015
uu Magacaa bis,Xilka qaadis iyo Bedel ku sameeyey Masuuliyiin kala duwan oo ay ka
mid yihiin Gudoomiyey aasha Gobolada, Agaasimeyaasha Guud, La-taliyeyaasha
Madaxweynaha iyo Xubno kale oo dhawra.
Madaxweynuhu:-
Markuu Arkay: Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;
Markuu Arkay: Qodobka 110aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;
Markuu Tix-geliyey: Ahmiyadda ay Guddoomiyayaasha Gobolladu u
leeyihiin
Qaranka;
Markuu Arkay: In baahi loo qabo buuxinta jagooyinka Guddoomiyeyaasha
Gobolka Dalka;
Markuu La Tashaday: Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha;
Markuu Arkay: In ay hanan karaan, aqoon iyo kartina u leeyihiin
jagooyinkaas;
Wuxuu Go’aansaday
1. In Mudane, Maxamed Ibraahin Aadan (Qabo), laga bilaabo taariikhda
maanta uu ahaado Guddoomiyaha Gobolka Togdheer ee Jamhuuriyadda
Somaliland. (Hore La-taliye Madaxweyne)
2. In Mudane, Jaamac Yuusuf Axmed, laga bilaabo taariikhda maanta uu
ahaado Guddoomiyaha Gobolka Saaxil ee Jamhuuriyadda Somaliland.
3. In Mudane, Farxaan Xasan Cabdi, laga bilaabo taariikhda maanta uu
ahaado Guddoomiyaha Gobolka Sellel ee Jamhuuriyadda Somaliland.
4. In Mudane, Axmed Maxamed Xaashi, laga bilaabo taariikhda maanta
uu ahaado Guddoomiyaha Gobolka Daadmadheedh ee Jamhuuriyadda
Somaliland.
5. In Mudane, Jaamac Ciise X. Shaacuur, laga bilaabo taariikhda
maanta uu ahaado Guddoomiye Ku-xigeenka Gobolka Xaysimo ee
Jamhuuriyadda Somaliland.
6. In Mudane, Naaleeye Axmed Sheekh Jaamac, laga bilaabo taariikhda
maanta uu ahaado Guddoomiye Ku-xigeenka Gobolka Sanaag ee
Jamhuuriyadda Somaliland.
7. In Mudane, Jaamac Dheeg Cartan, laga bilaabo taariikhda maanta uu
ahaado Guddoomiye Ku-xigeenka Gobolka Buuhoodle ee Jamhuuriyadda
Somaliland.
MAGACAABIDA AGAASIMEYAASHA GUUD
MADAXWEYNUHU:-
Markuu Arkay: Qodobka 90aad, Faqradiisa 3aad, Xarafka (kh) ee
Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;
Markuu Tixgeliyey: Ahmiyadda ay Agaasimayaasha Guud ee Wasaaraduhu u
leeyihiin dhismaha Qaranka;
Markuu Arkay: In baahi loo qabo buuxinta jagooyinka Agaasimeyaasha
Guud ee Wasaaradda Qorshaynta Qaranka iyo Horumarinta ee JSL;
Markuu La Tashaday: Madaxda ay khusayso;
Markuu Ku Qancay: In ay hanan karaan, aqoon iyo kartina u leeyahay
jagooyinkaas;
Wuxuu go’aansaday
8. In Mudane, Saleebaan Siciid Cali, laga bilaabo taariikhda maanta
uu ahaado Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta ee JSL.
9. In Mudane, Xasan Cumar Hoori, laga bilaabo taariikhda maanta uu
ahaado Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Qorshaynta Qaranka iyo
Horumarinta ee JSL.
10. In Mudane, Maxamed Sheekh Cumar Xasan, laga bilaabo taariikhda
maanta uu ahaado Agaasimaha Guud ee Komishanka Maamul Wanaagga ee
Jamhuuriyadda Somaliland.
11. In Mudane, Cabdi-naasir X. Daa'uud Warsame, laga bilaabo
taariikhda maanta uu ahaado Agaasimaha Guud ee Wasaaradda
Dib-u-dejinta ee JSL.
12. In Mudane, Cabdi-rashiid Axmed Guuleed, laga bilaabo taariikhda
maanta uu ahaado Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Ganacsiga iyo
Maalgashiga Caalamiga ah ee JSL.
13. In Mudane, Shariif Ibraahim Cumar, laga bilaabo taariikhda
maanta uu ahaado Agaasimaha Guud ee Xafiiska Diiwaanka Sekada
Jamhuuriyadda Somaliland.
MAGACAABIDA LA-TALIYEYAASHA MADAXWEYNAHA JSL
MADAXWEYNUHU:-
Markuu Arkay: Qodobka 90aad, Faqradiisa (3)aad ee Dastuurka
Jamhuuriyadda Somaliland;
Markuu Tixgeliyey: Ahmiyadda ay La-taliyayaasha Madaxweynuhu u
leeyihiin Dalka iyo Dhismaha Qaranka;
Markuu Arkay: In baahi loo qabo buuxinta jagooyinkaa;
Markuu Ka Fiirsaday: Kartidooda, aqoontooda iyo hufnaantooda shaqo;
Markuu ku Qancay: In ay hanan karaan xilalkaa;
Wuxuu go’aansaday
14. In Mudane, Cawil Cali Ducaale, laga bilaabo taariikhda maanta uu
ahaado La-taliyaha Madaxweynaha ee Ictiraaf Raadinta iyo Arrimaha
Wada-hadallada Jamhuuriyadda Somaliland iyo Soomaaliya.
15. In Mudane, Cabdillaahi Cabdi Xaaji Cumar (Cabdillaahi Jawaan),
laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado La-taliyaha Madaxweynaha ee
Arrimaha Doorashooyinka Jamhuuriyadda Somaliland.
16. In Mudane, Fahmi Cabdi Bidaar, laga bilaabo taariikhda maanta uu
ahaado La-taliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Hay'addaha Caalamiga Ah
iyo Kuwa Maxaliga Ah.(Bedel Gudoomiyihii hore ee Saaxil)
MAGACAABIDA XUBNAHA GUDDIDA KOMISHANKA MAAMUL WANAAGA
MADAXWEYNUHU:-
Markuu Arkay: Qodobka 90aad, Faqradiisa 3aad, Xarafka (j) ee
Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;
Markuu Tixgeliyey: Ahmiyadda ay Xubnaha Komishanka Maamul-wanaagu u
leeyihiin Dhismaha Qaranka;
Markuu Arkay: In baahi loo qabo buuxinta Xubnaha Komishanka
Maamul-wanaagga;
Markuu Ka Fiirsaday: Kartidooda, aqoontooda iyo hufnaantooda shaqo;
Markuu Ku Qancay: In ay hanan karaan xilalkan loo magacaabay;
Wuxuu go’aansaday
17. In Mudane, Mukhtaar Cismaan Cabdi, laga bilaabo taariikhda
maanta uu ahaado xubin ka tirsan Komishanka Maamul-wanaagga ee
Jamhuuriyadda Somaliland.
18. In Mudane, Mukhtaar Yaasiin Cali, laga bilaabo taariikhda maanta
uu ahaado xubin ka tirsan Komishanka Maamul-wanaagga ee
Jamhuuriyadda Somaliland.
19. In Mudane, Axmed Jaamac Maxamuud, laga bilaabo taariikhda maanta
uu ahaado xubin ka tirsan Komishanka Maamul-wanaagga ee
Jamhuuriyadda Somaliland.
20. In Mudane, Carab Nuur Xandulle, laga bilaabo taariikhda maanta
uu ahaado xubin ka tirsan Komishanka Maamul-wanaagga ee
Jamhuuriyadda Somaliland.
MAGACAABIDA MAAREEYE KU-XIGEENKA TELEFISHANKA QARANKA
21. In Mudane, Mustafe Maxamuud Qodax, laga bilaabo taariikhda
maanta uu ahaado Maareeye Ku-xigeenka Telefishanka Qaranka Madaxa
Bannaan ee Jamhuuriyadda Somaliland.
MASUULIYIINTA XILKA LAGA QAADAY.
1. Mudane, Cali Cawil Cabdi Guddoomiyihii Hore ee Gobolka
Daadmadheedh
2. Mudane,Cabdirisaaq Waaberi Rooble Guddoomiyihii Hore ee Gobolka
Sellel
3. Mudane, Ismaaciil Cabdi Xassan Guddoomiye Ku-xigeenkii Hore ee
Gobolka Sanaag.
4. Mudane, Maxamed Jibriil Yoonis Agaasimihii Guud (Hore) ee
Wasaaradda Dib-u-derjinta
5. Mudane, Xuseen Cabdillaahi Jaamac Guddoomiye Ku-xigeenkii Hore
Komishanka Maamul Wanaagga
6. Mudane, Qaasim Xasan Mataan Maareeye Ku-xigeenkii Hore ee TV-ga
Qaranka
Dhammaan waxaan idinka Mahad celinayaa Mudadii aad Xilalka Qaranka
soo hayseen. xilalka qaranka ayey dabcigeeda tahay in ay meerto
noqoto oo kolba cidii hanan karta loo dhiibo.
Sidaa darteed, waxaan gartay in aan idinka qaado xilalkii aad
qaranka u hayseen. Haddaba, waxaan idinka rajaynayaa in aad si niyad
sami ah ugu wareejisaan xilkii aad qaranka u hayseen Masuuliyiinta
Cusub een u soo igmaday Xilkaasi isaga ah.
Masuuliyiinta ay khusayso arrintanina waxaan farayaa inay sida ugu
haboon ugu kala wareejiyaan masuuliyiintaasi Xilalka.
ALLAA MAHAD LEH
Af-hayeenka Madaxweynaha JSL
Xuseen Aadan Cige (Xuseen Deyr)
|