WAR-SAXAAFADEED

Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Silaanyo
waxa uu digreeto madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/M/XERM/249-3082/032015,uu
ku magacaabay saddex wasiir, laba wasiiru-dawle, agaasime guud,
Gudoomiyaha banka dhexe, Gudoomiye ku xigeenka Gobolka hawd iyo
Maareeye ku xigeenka Wakaalada B iyaha, isla markaasina xilalkii ay
qaranka u hayeen kaga qaaday saddex masuul oo ka le.
Madaxweynuhu:-
Markuu Arkay: Qodobka 90aad, Faqradiisa 2aad ee Dastuurka
Jamhuuriyadda Somaliland;
Markuu Tixgeliyey: Ahmiyadda weyn ay Wasaaraduhu u leeyihiin Dalka
iyo dhismaha Qaranka;
Markuu Arkay: In baahi loo qabo buuxinta jagada Wasiirada
Wasaaraddaha Warshadaha, Waxbarashada, Beeraha, iyo
Wasiiru-dawlayaasha Wasaaraddaha Macdanta iyo Tamarta, iyo Biyahaee
Jamhuuriyadda Somaliland;
Markuu Ka Fiirsaday: Kartidooda, aqoontooda iyo hufnaantooda shaqo;
Markuu ku Qancay: In ay hanan karaan xilalkan loo magacaabay;
Wuxuu go’aansaday :
1-In Prof. Faarax Cilmi Maxamuud (Geedoole), laga bilaabo taariikhda
maanta uu ahaado Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare
ee Jamhuuriyadda Somaliland, (Bedel) hore wasiirkii Wasaaradda
beeraha
2-In Mudane, Shucayb Maxamed Muuse, laga bilaabo taariikhda maanta uu
ahaado Wasiirka Wasaaradda Warshadaha ee Jamhuuriyadda Somaliland
3-In Mudane, Maxamed Aw Daahir Ibraahin, laga bilaabo taariikhda
maanta uu ahaa do Wasiirka Wasaaradda Beeraha ee Jamhuuriyadda
Somaliland
4-In Mudane, Maxamed Faarax Ducaale, laga bilaabo taariikhda maanta uu
ahaado Wasiiru Dawlaha Wasaaradda Macdanta iyo Tamarta ee
Jamhuuriyadda Somaliland
5-In Mudane, Cabdisalaan Maxamed Xasan, laga bilaabo taariikhda maanta
uu ahaado Wasiiru Dawlaha Wasaaradda Biyaha ee Jamhuuriyadda
Somaliland
6-In Mudane, Yuusuf Axmed Cali, laga bilaabo taariikhda maanta uu
ahaado Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka ee Jamhuuriyadda
Somaliland
7-In Mudane, Cabdilaahi X. Jaamac Cali, laga bilaabo taariikhda maanta
uu ahaado Guddoomiyaha Baanka Dhexe ee Jamhuuriyadda Somaliland
8-In Mudane, Cismaan Cabdilaahi Hirad, laga bilaabo taariikhda maanta
uu ahaado Maareeye Ku-xigeenka Wakaaladda Biyaha Hargeysa
9-In Mudane, Warsame Faarax Ibraahin, laga bilaabo taariikhda maanta
uu ahaado Guddoomiye Ku-xigeenka Gobolka Hawd ee Jamhuuriyadda
Somaliland
Ujeedo: Xil ka-qaadis
Ku: Mudane, Cabdi Dirir Cabdi,
Guddoomiyihii Hore ee Baanka Dhexe ee JSL
Ku: Mudane, Khadar Xasan Xirsi, Guddoomiye Ku-xigeenkii Hore ee
Gobolka Hawd ee JSL
Ku: Dr. Cismaan Xuseen Warsame, Agaasimihii Hore ee Wasaaradda
Caafimaadka .
Mudaneyaal,
Waxaan aad idinku mahadinayaa muddadii aynu soo wada shaqaynay.
Xilalka Qarank a ayey dabcigeed tahay in ay meerto noqoto oo kolba
cid hanan karta loo dhiibo.
Sidaa darteed, waxaan gartay in aan idinka qaado xilalkaGuddoomiyaha
Baanka Dhex e, Guddoomiye Ku-xigeenkii Gobolka Hawd iyo Agaasimihii
Wasaaradda Caafimaadka ee Jamhuuriyadda Somaliland.
Haddaba, waxaan idinka rajaynayaa
in si niyad sami ah aad ugu wareejisaan xilalkaa si aad hayseen
Masuuliyiinta kor ku xusan ee aan xilalkaa iyaga ah u magacaabay.
ALLAA MAHAD LEH
Axmed Saleebaan Maxamed (Dhuxul)
Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.
|