ISKA EEG QOFKAAD TAHAY

Waxaan halkan ku soo bandhigayaa dhawr arin oo ka mida dabeecadaha
dadka.Marka aynu tilmaamayno qof dabeecad wanaagsan waxaynu ku sifaynaynaa
inuu yahay:
1 Qof waji furan oo hadal macaan
2 Qof xanaaq yar oodulqaad badan
3 Qof hadalkiisa ka ilaaliya wax yaalaha dadka dhibaya
4 Qof ay had iyo jeer ku badan tahay waaninta dadku
5 Qof ay ku yar tahay aar gudashadu
6 Qof cafis badan oon calool ku sid lahayn
7 Qof naxariis badan
Hadaba iyadoo aan la soo koobi kari sifaadka ay leeyihiin dadka ku
sifoobay dabeecada wan aag hadaan ka tilmaamo todobadaa qodob
Hadaan isu dul taagno qodob qodob
1-Qofka yeelanaya waji furan iyo hadalmacaan wa inuu yahay qof ku
kalsoon naftiisa waa inuu yahay qof aan caloosha waxba ugu hayn
bulshadan uu lakulmayo waayo qalbiga furan ayuu ka yimaadaa wajiga
furan iyo hadalka macaan
2 Sideedba waxa keena xanaaqa in naftaada wax layeelo ama hadal xun
lagu yidhaahdo markaa hadaanadad isku kalsoonayn waxaad qaadanaysaa
inaad ficiltanto oo dagdag uga jawaabto af iyo adinba waayo markiiba
waxa kugusoo dhacaya ninka iska celi laakiin hadaad u aragto nin
khaldamay waxaad helaysaa kalsooni aad ku samirto samirkuna waaka
aad ku gaadhayso dulqaad
3 Hadaad hadalka aad odhanayso aanad marka hore ee uu uurkaaga ku
jiro aanad qiimayn waxay keenaysaa inaad hadal aad adba necebtahay
aad dadka kale ku tidhaahdo laakiin hadaad hadalka aad adba
necebtahay ka ilaaliso qofka kale hadalkaagu wuxuu noqonayaa hadal
aan dhibaato lahayn
4 Hadaad had iyo jeer isku daydo inaad kofka walaalkaaya wixii
qaldan aad kawaaniso sixigmadaysan wixii wacana ku waaniso waxay
horsed utahay kalsooni ini dhexmarta iyo talo wadaag
5 Qofka haysta kalsooni naftiisa ah uma arkayo dhibaato qaladka kaga
yimaada dadka kale waayo wuu ucudurdaarayaa qofka ku qaldamay markaa
wuxuu helayaa hasilaad ka ilaalisa inuu aar guto
6 Hadii aadisku kalsoontahay hadii qofku kuuqirto inuu kugu qaldamay
wayfududahay inaad dhaafto hadii qaladkii uu kuugaystay uu islasii
saxsan yahay laakiin aad u aragto inaad ka aragti horayso iyana way
fududahay inaad cafiso
7 Waxa keena had iyo goor naxariista garashada qofka hadba inta ay
leegtahay ayay naxariistiisuna leegtahay
Markaa hadaad doonayso inaad dabeecadaad wax ka badasho waxaan kuu
sheegayaa arin fudud oo hadaad si dhaba qalbiga ugu haysa kuu
keenaysa inaad yeelato dabeecad wanaag san
Walaalkayga iyo walaashayda qaaliga ahaw hadaad xusuusato arin
kastaba intaad ka maqas hay sifaadkii nabiga scw
,oo isku daydo inaad
nabigeenii ku dayato way kuu fududaanaysaa tusaale
Marka ay noqoto xaga deeqsinimada oo aad tidhaahdo sidee buu nabigu
yeeli jiray marka wax lawaydiisto way kuu fududaanaysaa inaad wax
bixiso
Marka wax lagugu sameeyo hadaad tidhaah side nabigu yeeli jiray
marka wax loo gaysto wa ykuu fududaanaysaa inaad dul qaadato ama aad
wax cafiso markaa walaal miqyaas ka dhigo nabi maxamed naxariis iyo
nabadgalyo korkiisa ha ahaatee
Waa walaalkaa
Cabdirashiid Maxamed
Oslo
Norwey |
|