Is-bedelku Waxa Uu u
Baahanyahay Wakhti iyo Samir
Dad ayaa malinkasta dhaliila dawladda cusub kuna eedeeya in aaanay
fulin is-bedelkii ay ballanqaadday wakhtigii ololaha doorashada.
Muddo 3 bilood ah ayaa laga joogaa markii xukuumadda cusub ee
madaxweyne Axmed Moxamed Siilaanyo xilka dalka la wareegtay. Waxaa
xilka dalka lagala wareegay maamul dib-u-socod ah oo dalka ka jiray
7 sano oo hantida ummadda dhacayay, horumarka dalka curyaaminayay,
sumcaddiisana dilayay. Marka dal siyaasaddu is-bedesho waxaa sida
qaalibka ah yimaadda laba is-bedel oo kala ah: Is-bedel maamul iyo
is-bedel horumar, waxaana marka hore lagu dhaqaaqaa is-bed elka
xagga maamulka si loogu gogol-xaadho is-bedelka xagga horumarka.
Arrintaas is-bedealka siyaasaddu waxay keentay markaas in dawladda
cusubi ku dhaq aaqdo dhawr tallaabo oo lagama maarmaan ahaa
lana xidhiidha is-bedelka xagga maam ulka si dalka looga saaro
xaaladdi darrayd ee uu ku sugnaa intaan la gaadhin is-bedelka
horumarka.Tallaabada kowaad waxay ahayd in maamulkii Daahir Riyaale
laga safeeyo d alka lagana wareejiyo jagooyinka muhiimka ah ee
la xidhiidha arriimaha siyaasadda, dha qaalaha, bulshada, iyo
ciidamada taas oo la fuliyay inteedii badnayd. Tallaabada labaad oo
weli socota waxa weeye in dib-u-habayn lagu sameeyo maaliyadda iyo
dhaqaalaha dalka, lalana xisaabtamo dadkii ka tirsanaa maamulkii
hore ee hantida ummadda lunsana yay mudadii 7da sano ahayd ee
ay xilka hayeen, hantidaas oo u kala baxda mid lacage ed, mid
dhuleed, mid dhismayaal iyo mid gaadiidba. Tallaabada saddexaad oo
iyaduna so cota waxa weeye in dib loo soo nooleeyo xidhiidhka
Somaliland la leedahay beesha caal aamka si maalgelin loogu
sameeyo dalka. Is-bededalka xagga maamulka oo horudhac u ah is-bedelaka
xagga horumarka waa is-bedel weyn oo loo baahnaa lagama maar
maan na ahaa oo ay qarinayaan kuwa wax dhaliila.
Haddaba iyada oo xukuumadda cusubi talada dalka hayso muddo ka yar 4
bilood laguna jiro tallaabooyinkii dalka lagu saxayay dibna loogu
habaynayay ayaa waxaa la yaab leh in dadka qaar ku dhaliilaan
waxqabad la`aan kuna eedeeyaan inaan lahayn is-bedelkii laga sugayay.
Dadka dhaliilahan soo jeediyaa waxay u badanyihiin hadhaagii iyo
saxaafaddii Udub oo waayay hantidii ummadda ee ay ku mameen mudadii
7 sano ahayd oo ay dhacayeen, waxa wehesha dad kooban oo aan weli
fahmin kala horraynta iyo laxaadka hawlaha is-bedelka ee dal u
baahanyahy. Is-bedel habeen ma dhasho waxaanu u baahanyahay wakhti
ku filan iyo samir badan.
Ummadda Somaliland waa dad muslimiin ah, Diinta Islaamkuna waxay aad
u ammaantaa samirka loo samro dhibaatada, loo samro cibaadada,
lagana samro macsida iyo xumaa nta. Wax maangal ah maaaha in
is-bedelka horumarka ee la dhawrayo uu ku yimaado bilo mana jirto
adduunka meel muddo gaaaban lagu gaadho horumar la taabankaro.
Culaysku (Mass) waxa uu
baahanyahy wax lagu miisaamo, dhererku (Length) waxa uu u
baahanyahay wax lagu cabbiro, dureeruhu (Liquid Volume) waxa uu u
baahanyahay wax lagu qiyaaso muggiisa, is-bdelka bulshaduna, sidaas
oo kale, waxa uu u baahanyahay w akhti la sameeyo. Dalalka
horumarka gaadhay waxay is-bdelka horumarkaas ku gaadhe en
samir iyo wakhti. Ma jiro adduunka is-bedel iyo horumar aan dhib loo
marin, wakhti dheerna lagu gaadhin. Marka dakhliga gudaha la habeeyo
lana helo maalingelin shishee ye waxaa hubaal inuu bilaabmayo
is-bedelka xagga horumarka ah oo la taabankaro lag ana
helidoono shaqooyin badan mashaariicda horumarinta dalka iyo
adeegyada bulsha da. Dhaliilahan loo jeedinayo xukuumadda
cusub ee la xidhiidha xagga wax qabadka iya da oo aan weli
sannad gaadhin maaha kuwo macquul ah waase arrin loola jeedo in lagu
khalkhalgeliyo dalka lugtana uu kula jiro cadow sokeeye iyo cadow
shisheeye oo ka soo horjeedda qaranimada Jamhuuriyadda Somaliland ee
waa in aad looga feejignaadaa. Is-bedelka waxaa keena laba dadaal oo
kala ah: Hoggaan wacan ee dal ka jira iyo dadaal ummaddeed, labadaas
dadaalna way haysaa Somaliland maanta. Ummaddu waa inay u samirto
is-bedelka laga filayo xukuumadda cusub oo runtii aad ugu ammaanan
hawlaha ay fulisay ilaa hadda
Hantida ummadda ee la lunsanayay mudadii todobada (7) sano ahayd ee
Maamulkii Daa hir Riyaale waa in aan marnaba loo naxariisan
ciddii lunsatay, waana arrintaas ta loo ba hanyahay in la
dhaliilo haddii xukuumadda cusubi wax ka qabanweydo. Hantida
ummad da malaha shakhsiyaad iyo beelo gaar ah. Waxaa leh ummadda oo
dhan waana hantida la rabo in lagu hormaryio shaqooyinkeeda,
wadooyinkeeda, caafimaadkeeda, waxbara shadeeda, biyaheeda,
difaaceeda, nabdgalyadeeda iwm. Haddii aan si adag looga daba
tegin hantida ummadda ee la lunsado, ciddii lunasatana sharciga
looga naxariisto lagama baxayo musuqmaasuq iyo dib-u-dhac laga
dhaxlo. Caadifad qabyaalad lagu difaacayo hantida ummadda ee la
lunsado marnaba lama aqbalikaro. Qofka difaaca kuwa lunsada hantida
ummadda waxay la miyihiin dad difaacaya tuugo.
Ibrahim
Hassan Gagale
Ibrahim_hg@yaho.com
Taariikh: October 16, 2010 |
|