Isbedelka Ku Dhacay Nolosha Iyo Dhaqankii Miyiga.
qaybtii
2-aad By: Mustafe Future.
Qaybtii hore ee Mawduucan waxaynu kaga Hadalnay
isbeladda ku dhacay Oday dhaqameedkii hore iyo Haweenkii
hore waxyaabaha ay kaga duwanaayeen Haweenka Wakhtigan
jooga, waxaa iyana ka mid ahaa isbedlada ku yimi
Dhismihii Aqal somaliga iyo Hab maamuuseedkii Wacnaa ee
Guurka oo isna isbel badan laga dareemayo,
isbedalka nolosha miyigu waxay Saamayn badan ku yeelatay
Cimilada iyo Deegaanka kaasi oo Jawi ahaan aad uga
duwanaa kan magaalada Wakhtiyada Fasaxyadana dadka
Magaalooyinku u Caano doonan jireen, waxyaabaha
deegaanka iska beddelay waxaa ugu Waawayn Dhirta, waxaa
fara baas ku haya Deeganadda Baadiyaha laba Geed oo la
kala yidhaa Garanwaa iyo Kalidii noole, kuwaasi oo halka
ay ka baxaan aanay wax kale ka bixin dhulka
badankiisiina qabsaday nabaad guurna ku keenay saricii
iyo daaqii kale ee dhulka Somaliland hodanka ku ahaa,
waxaad moodaa in sanadba sanadka ka danbeeya geedka
kalidii nooluhu ku soo badanayo Deegaankii iyo Beerihii
Miyiga, kaasi oo haddii aan wax laga qaban dabar goyn ku
haya Dhirta kale wadanka.
Falashada beeraha ayaa kaalin wayn kaga jirtay wax soo
saarka dalka, taasi oo Cuntooyin kala duwan laga soo
saari jiray wadanka balse waxaa isbedelkan danbe uu
yareeyay Wax soosaarkii badanaa ee lagu tabci jiray
beeraha wadanka gudihiisa ku yaala kuwaasi oo aan laga
beerin waxyaabo badan oo wakhtiyadii hore laga soo saari
jiray sida, digirtii, sareenkii, hadhuudhkii, khudaartii
iyo waxyaabo kale oo badan oo Maanta magaalooyinka laga
soo iibsado.
Isbedalka ku dhacay miyigu waxa kale oo uu Saamayn
balaadhan ku yeeshay dhalinyaradda oo lagu yaqaanay
karti badan iyo hawl karnimo, kuwaasi oo qaban jiray
kaalinta ugu badan ee hawl maalmeedka reerka sida
Falashada beeraha, Xoollo jirka, biyo dhaamiska reerka
wakhtiyaa jiilaalka, Hawlaha kale ee kusoo kordha reerka
oo kaalinta ugu mudan ay ka qaadan jireen, balse manta
waxay marayaan heerkii ugu xumaa Mustaqbal ahaan iyo
karti darro kuwaasi oo hoy ka dhigtay Daabiyadaha (Tuulooyinka)
yar yare e u dhaw Deegaanada miyiga oo subaxda hore
illaa Saqda dhexe lagu Mirqaamo, balwadaha kala duwan ee
Qaadka, Sigaarka iyo Buuriguna jilbaha dhigaan.
Wakhtiyadii hore waxaa Ceeb ahaan jirtay in wiil
dhalinyaro ah oo aan qaan-gaadhin uu isticmaalo balwad
balse waxaa Wax iska caadiya noqotay in sagaal jirku
isticmaalo Balwadda isaga oo aan ka qarsanayn waalidkii
dhalay, hawshii reerkana aan waxba ka qabanayn illaa iyo
balwadiisa lagu laaluusho, tusaale ahaan Wiilku marka uu
galabtii qayilo, habeenkii waxa ay ugudaan ciyaaraha
Miyiga halkaasi oo habeenkii uu kusoo jeedo subaxdii
oodhana wuu hurdaa, galabtii marka uu tooso, waalidkiisa
waxa uu ku qasbaa inuu udiyaariyo balwadiisa (Qaadkiisa)
taasina waxay meesha ka saartay Ixtiraamkii iyo
Maamuuskii uu lahaa wiilka dhalinyarada ah ee baadiyaha
ku nooli.
Saamaynta isbedelka nolosha miyiga waxa aan iyana ka
maqnayn oo uu meesha saaray Milgihii iyo dariiqii
Haasaawaha loo mari jiray, wiilka dhalinyarada ahi waxa
uu u sahan tagi jiray Ganayaankiisa waxaanu mari jiray
dariiq sax ah oo sahan sugan ayuu qaadi jiray, marka uu
ogaado inanta reerka uu sahanka u dirtay oo ah gabadh
Reerkooda la yaqaano oo dhaqankooda la yaqaano, ayaa
waxa uu ka raadin jiray maalintii ceelasha agtooda marka
ay dhaanka keento iyo Beeraha xoolaha lagu eego, marka
uu helo gabadhii uu sahansaday waxa dhex mari jiray
haasaawe hufan oo aan turxaan lahayn, waxa uu dhinac ka
istaagi jiray geed iyana dhinaca kale ayay ka istaagi
jirtay, ka dibna inantu waxay ahayd gabadh xishood badan
oo aan ragga kor u eegi jirin, barigii hore waxaa la
yidhi lama guursan jirin inanta ragga eegta oo waxaa la
odhon jiray waa ma xishooto, halkaana waxaa ka unkami
jiray bilawga hore ee sheekada labada lamaane ee
iscalmaday.
Haasaawihii noocaas ahaa ee lagu yaqaanay baadiyaha ee
ku salaysnaa dhaqanka somalida ee lagu faani jiray waxaa
iska bedelay waxyaabo badan, waxaana meesha ka baxay
Gayaankii, Gacalkii, Xigaalkii, Xishoodkii, ixtiraamkii,
jacaylkii lagu yaqaanay Dhaqanka somalida, waxaana soo
baxay sheeko gaaban oo bilaa kalgacayl ah, oo bilaa
haasaawe ah, oo bilaa ixtiraam ah , oo bilaa gayaan ah
oo aan la kala garayn gacalkii iyo xigaalkii , taasi oo
meesha ka saartay Dariiqii wanaagsanaa ee loo mari jiray
guurka iyada oo la barigii hore la yaqaanay wiilka
guurdoonka ah oo la odhon jiray wiilkaasi waa Maagane,
gabadhuna ay lahayd haybad , ixtiraam, xishood, dulqaad
iyo dadnimo wanaagsan oo lagu yaqaanay haweenka somalida.
Abwaan somaliyeed oo ka hadlay dhalinyarada wakhtigan
ayaa waxa uu yidhi “Wiil muruqu duubmiyo mar haddaanu
doob jirin, Naakhuudayaashiyo maxay tari maqaaradu”
taasi waxay kuu cadaynaysaa in wakhtiyadaa hore
dhalinyaradu xooganaayeen oo Aragtida lagu kala saari
jiray doobka iyo odayga, maanta doobkii sabanka waxaad
moodaa in wakhtigu haraatiyay.
Nolosha magaalada ayaa sida lawada ogsoonyahay ku
tiirsan tan miyiga iyada oo aad moodo wakhtiyadan danbe
in ay isku dhexmilmeen oo allaabooyinka dibada laga
keenaa ay saameeyeen wax soo saarkii dalka iyo Agabkii,
maacuuntii iyo weelkii wax lagu cuni jiray, tusaale
ahaan waxaa lagu isticmaali jiray miyiga agab badan oo
Dhirta laga sameeyo oo ay ka mid ahaayeen, Xeedhada,
dhiisa, ubbada, quddaha, fandhaalka, masafta, hadhuubka,
mooyaha, tibta, iyo koorta Geela. sidoo kale waxaa jiray
Cuntooyin badan la beeran jiray lana isticmaali jiray
sida, Soorta, garawga, galayda, digirta, sarreenka,
xabagta, waxaa kale oo jiray geedo kale oo qaarkood la
cuno qaarkoodna midhihooda la cuni jiray oo iyana dhulka
ka soo baxa sida gacayrada, barashka, jooga-joogada,
mawada, xamakawga,gacayrta, tama yuluqadda, likaha,
kumbulaadhka, canbaluusha, mujulida, hohobta, dhuwanka,
xobkiska, jaleelada, gobka, maydhaxda,madheedhka,
doonbirta, manka iyo malabka, dhirtaasi oo badankeedu
ahayd daawo qaarkood lagu dawayn jiray xanuunada ku
dhaca dadka ayaad moodaa inay gabi ahaanba dabar go’day
iyada oo dhulkii ay ka bixi jireen uu qabsaday geedka
kalidii noolaha oo Xaalufin ba,an ku haya Deegaanka.
La soco Qaybta seddexaad……………
Mustafe future
Hargeisa/Somaliland
mccfuture@hotmail.com |
|