IMISA
DIIMOOD OO ISLAAMA AYAA JIRA.CAJIIB !!!
Abwaan Siciid Cabdi
Dheen
ASCWW,
Waxa yaab noqotay in afkaarta
kala duwan ee shucuubta islaamku sii badanayso wax a ad la yaabaysaa
markaad aragto laba nin oo muslim oo DAGAALAMAYA oo mid kastaa
leeyahay ALAAHU AKBAR.
Labaduba waxay leeyihiin anaa MUJAAHIDA ka kalana wuxuu ku odhanayaa
.waar anigaa mujaahid RUNA ee kaas ha maqlin.Waxaad arkaysaa magacyo
badan oo islaama oo lagu tilmaamayo ururo dagaal yahana.
1.alshabaab, 2
xisbulaah , 3 ehlusuna wal jamaacah.
4 xisbul islaam
5, xisbul itixaad, xisbul shuhadaa.
Gartay inay dhamaan yihiin xisbiyo diineed kuwaas oo Raga
hogaaminaaya aad ka rakayso shucuurta ISLAAMKA .
Sida dharka ama labiska iyo sii daynta gadhka iyo shaarubaha oo la
gaabsho
Waxaad kaloo ku arkaysaa CIBAADO BADAN iyo ayagoon lahayn WAX
BALWADA.
Markaad muqaalka sare aragto nimankan odayaasha ah waxaad ka
qaadanaysaa aragti aad u fiican .
Hadiise aan sii dhex galo afcaashooda iyo fikirkooda waxaad arkaysaa
waxyaabo badan oo aad saluugayso.
TUSAALE AHAAN
Maamulka sh shariif sh axmed raga hogaanka hayaa waa MAXKAMADIHII
Sheekh shariif laftiisa ayaa ahaa mid ka mida hogaamiyasha ururka
markii ay ethoobiya la dagaalamayeen.
Maanta cadawga ugu wayn ee hortaagan dawlada waa isla ragii
maxkamadaha ku wada jiray oo kala baxay .
ALshabaab ayaa ah kooxda sida xoogan ula dagaalamaya maamulka sh
shariif sh axmed.
Hadaba sh shariif iyo ciidankiisuba waxay ku dagaal galaan ALAAHU
AKBAR
Alshabaabna waxay ku dagaal galaan ALAAHU AKBAR.
Midkastaana wuxuu AAMINSAN YAHAY inuuu janada galaayo ama yahay xaq
u dirir
DHinaca kale sh daahir aweys oo ahaa hogaamiyihii maxkamadaha
waqtigii ciidanka ethoobiya lala dagaalamayay.
Ayaa si wayn uga soo horjeeda dhinaca dawlada iyo dhinaca alshabaab
labadaba
SADEXDA KOOXOOD mid kastaaba ta kale way la dagaalamaysaa.
waxaa taa kuu dheer KOOXDA EHLU SUMAH WALJAMAACAH oo ayaguna ah
xarako kale oo diineed oo la dagaalamysa ALSHABAAB.
isku soo wada duuboo dhamaan xarakooyinka islaamiga ah ama diiniga
ah
waxay dhamaan ka siman yihiin in midkastaaba ku jiro JIHAAD.
Waxa mid kastaaba aaminsan yahay inuu janada ta ugu fiican galaayo
haduu dhinto ama uu yahay SHAHIID.
GABAGABDII
Diinta islaamku waa mid qudha [ina diinu cinda laahi islaam]
kitaabka ilaahay swt asaguna waaa mid kaliya [alfurqaan] nabigeenu
csw waa mid kaliya [maxamed calayhi salaatu wasalaam].
Mana jiraan diin islaam oo kala duwan ama farqi u dhaxeeyo
balse waxaad moodaa in aynu si QALDAN u isticmaalayno diinta
islaamka
Waxa xaqiiqa in badankeenu yahay KURSI DOON
Waa hubaal in badankeenu wataan danahooda gaarka ah ee aanay ahayn
dad u danaynaaya diinta ISLAAMKA iyo SHACBIGA MULIMKA AH.
Waxaan ka cudur daaranayaa in aanan ahayn nin ka soo horjeeda
any koox diineed ama xisbi diineed ama maamul diineed balse kaliya
waxaan cabiray sidaan u arko dadkan wada jihaadaya ee ALAAHU AKBAR
wada leh
keebaa XAQA KU TAAGAN keebaase BAADILKA KU TAAGAN
mise tani isma oga meel ay maraysaba. EEBOW KALA HAGAAJI TANI ISKU
AAKHIRO SEEGTEE
WABILAAHI TAWFIIQ
Siciid Cabdi Dheen
dheen@live.co.uk
London UK |
|