Imaaraadka oo Mashiin Nooca Dabka Dhaliya ah ugu Deeqay Wakaallada Korantada Hargeysa

 


Amiirka dalka Imaaraadka Carabta Sheekh Xamdaan Binu Zaid Al-Nahyaan, ayaa ugu deeqay hay’adda Korantada ee magaalada Hargeysa mashiin weyn oo ah nooca dabka dhaliya.

Mashiinkan oo awooda dab-soo-saarkiisu tahay 1650KVA, waxa siday wakiilo ka tirsan hay’adda Bisha Cas ee Imaaraadka oo uu leeyahay Amiir Xamdaan, kuwaasoo Maareeyaha Hay’adda Korantada Mr. Xuseen Cilmi Warsame uu kala wareegay.

Xaflad ballaadhan oo loo sameeyey kala guddoomashada deeqdaas oo maanta lagu qabtay Huteelka Hargeysa Club ee magaalada Hargeysa, ayaa waxa ka qaybgalay Wasiirada Daakhiliga iyo Madaxtooyada, Maayarka Caasimadda, Maareeyaha hay’adda Korantada, Guddoomiyaha hay’adda Shaqaalaha, xildhibaano ka tirsan labada aqal ee Baarlamanka iyo martisharaf kale.

Guddoomiyaha hay’adda Korantada Mr. Xuseen Cilmi Warsame oo furitaankii xafladaas hadal ka jeediyey, waxa uu ugu horreyn aad ugu mahadnaqay Sheekh Saalax Al-jabiri oo siday mashiinkan, kaas oo uu sheegay inuu gacantiisa ku keenay xarunta, arrintaas uu ku tilmaamay mid layaab leh oo aanay filayn.


Mr. Xuseen Cilmi waxa uu xusay in mashiinkani uu qayb ka yahay waxyaabo badan oo Amiirka dalka Imaaraadku Somaliland u ballanqaaday inuu ku caawin doono, kadib safar dabayaaqadii sannadkii hore uu dalkaas ku tagay wefti uu hoggaaminayey Madaxweyne Rayaale, kuwaas oo qaarkood hore u yimaadeen sida riigii biyaha qodayey, kuwo kalena soo socdaan.

“Madaxweynuhu safarkii uu ku tagay Imaaraadka waxa uu kula kulmay Amiir Xamdaan oo uu ka dalbay arrimo badan oo dalkeena lagu horumariyo, qaar wey yimaadeen sida riigii biyaha, mashiink anina waa deeqda awalkeedii xagga korantada waxa soo daba socda mashiin kale iyo qalabkii lagu fidinayey, markaa saaka annaga cid naga farxad badani ma jirto,” ayuu yidhi Maareeyaha hay’adda Korantadu.

Mr. Xuseen Cilmi waxa kale oo uu sheegay in mashiinkani uu yahay mid aad qaali ah oo qiyaastii qiimihiisu uu noqonayo ilaa $300,000 (saddex boqol oo kun dollar), isaga oo xusay in mashiinka kale ee u soo socda iyo qalabka kaleba uu aad uga qaalisanaanayo. Waxaannu si weyn ugu mahadnaqay amiirka Imaaraadka Sheekh Xamdaan.



Xildhibaan Khadar Aadan Xuseen
(Khadar Ambassador) oo ka mid ah Golaha Wakiillada Somaliland oo xafladaas ka hadlay, ayaa sheegay in wax kasta oo shacabka reer Somaliland la siiyo ay aad ugu baahan yihiin, isla markaana ay aad ugu mahadnaqayaan dalka Imaaraadka, isaga oo ka dalbay inay ka sii siyaadiyaan mucaawanadooda ay Somaliland siinayaan.



“Wakaaladda Xoogga korantada waxaan leeyahay waxa la idiinka baahan aad si wanaagsan u ilaalisaan, waayo idinka ayey masuuliyaddu idin saran tahay. Waxaanan isleeyahay in aynu wax dambe helnaa waxay ku xidhan tahay sidaynu u xannaanayno wixii ina soo gaadhay,” ayuu yidhi Xildhibaan Khadar Ambassador, waxaannu intaa raaciyey, “Waxa kale oo an ka cosdan lahaa maamulka Wakaallada Korantada inkasta oo aan ogahay in awoodu yar tahay haddana caasimadda ma wada gaadho laydhku, markaa aniga oo ku hadlaya magaca dadkii aan wakiilka ka ahaa waxaan odhan lahaa qorshaha ku darsada in si dhakhso ah loo fidiyo korantada caasimadda oo hadda ku kooban maagalada badhtamaheeda.”



Maayarka Caasimadda Eng. Xuseen Maxamuud Jiciir oo isna halkaa ka hadlay, ayaa shaaca ka inay soo socdaan laba mashiin oo ah qaar aad u muhiim ah oo kalyaha lagu baadho, kuwaas oo uu iyagana Somaliland ugu deeqay amiirka Imaaraadka Sheekh Xamdaan Binu Zaid, isaga oo arrintaa ka hadlayeyna waxa uu yidhi;

“Waxa kale oo farxad weyn leh in laba mashiin oo ah kuwa kelyaha lagu sifeeyo ay soo socdaan iyo weliba dhakhtarkii tababarayey, waa arrin aad u muhiim ah maxaa yeelay waad ogaydeen in qofka kelyuhu xannuunaan loo qaadi jiray Jabuuti ama Imaaraadka. Markaa waxaannu leenahay Sheekh Xamdaan Ilaahay hakaa abaalmariyo caawimadaas ummadda reer Somaliland-na way ku soo hambalyeynayaan oo mid ay iloobayso maaha.”

Ugu dambayntii Wasiirka Madaxtooyada Md. Nuur Amiin oo xafladaas soo xidhay, ayaa sheegay in mucaawanadani ay ka mid tahay midhihii ka soo baxay wadahadaladii dhexmaray weftigii Madaxweyne Rayaale iyo amiirka dalka Imaaraadka Sheekh Xadmaan, isla markaana uu mashiinkani yahay mid loo baahnaa oo wax weyn ka tari doona horumarka caasimadda.



“Imaaraadka Carabtu waa daaqad weyn oo inooga furantay caalamka carabta aad iyo aad baanu u soo dhaweynaynaa aniga oo wakiil ka ah Madaxweynaha iyo Golaha Wasiiradaba,” ayuu yidhi Wasiirka Madaxtooyadu.
 

Oodweynenews