ILA QOSOL

 

 

Nabad akhristayaal,
 

Bariido kaddib, beri waxa jirey qolyo
xer ah oo Ilaahay dartii iyo diinta ku walaaloobey. Marka ay xubn aha xerta ka tirsani wada hadlayaanna waxay caado u lahaayeen, in ay isku yidhaahdaan; ikhwaan oo ah erey carabi ah oo macnihiisu yahay; walaal.

Nin xertii ka mid ah, ayaa xertii ka tegey oo reerkoodii dib ugu noqday oo weliba guursaday.
Markii warkii guurkiisu soo gaadhey xaruntii xerta, ayaa laga daba diray laba nin oo saaxiibadii ah oo lagu yidhi," Una soo duceeya, hambalyada xertana gaadhsiiya."
Labadii nin ayaa soo ambabaxay oo u yimid, saaxiibkood oo intuu maalmahaasi
todobabaxay
aanay ka qasnayn!

Haddaba, markii ay labadii nin saaxiibkood arkeen; ayay si wacan oo hambalyo ku dheehan tahay u ba riidiyeen oo ay isku duubeen -iyaga oo ku dhawaaqaya ereygii caanka ahaa ee ikhwaan!
Dabadeedna saaxiibkood wuxu kaftan ahaan ugu yidhi,"Waar naga taga ikhwaanna noo maydaan ahay ne, imikaannu ikhwaan helleye!!" Isaga oo ikhwaankan u-la-jeeda gabadha uu guursadey.
 Eesh kalaa kaftan!

 

 



Cabdullaahi Maxamed Cumar
Email: timacadde56@hotmail.com