ILA QOSOL

Nabad akhristayaal,
 

Soomaalidu sida caadada ah, culimada diinta aad ayay u ixtiraamtaa - gaar ahaanna beryihii hore Soomaalidu xoog ayay wadaadka iyo weedhiisaba u tixgelin jireen.

Qadarintaasi culimada diinta la qadariyaana saddex arrimood ayay midkood salka ku haysaa:
 
  1. Qaddarin lagu qaddariyo diinta Islaamka ee ay xambaarsan yihiin
  2. Duco laga rabo- inta ay nool yihiin iyo baryo la baryo marka ay dhintaan! Miyay shareecaddeenna Islaamku bannaysay, in qabuuraha la baryo? Ama la baryo cid aan Alle (SWT) ahayn?
  3. iyo inkaartooda oo laga baqo inta ay nool yihiin.

Haddaba qolyo Soomaaliyeed oo meel degganaa ayaa sannad walba siyaaro u tegi jirey xabaalo ka durugsan oo uu ku aasnaa wadaad karaamo lagu sheegay. Waxayna halkaasi geyn jireen xoolo lagu soo qalo oo siyaaro ah!


 

Qolyahaasi qabuuraha fog sannad walba tagi jirey, qabuuro ayaa duleedkooda ahaa. Waxa kale oo had iyo jeer soo martiyi jirey, wadaado xer ah oo kutubtooda sita.


 

Haddaba, nin ka mid ah beeshii meeshaasi taalley ayaa maalin su'aal keenay oo yidhi,"Waaryaadhaheen, maxaynnu sannad walba u tagnaa qubuuraha reer hebel ee aynnu xoolaheenna ugu soo qalnaa ee qabuuraheennan innoo diidey??"

Ninkii waxa loo sheegay, in aanay qabuurahooda ku aasnayn culimo. Sababta ay qubuuraha reer hebel u tagaan taasi tahay!

Dabadeedna, intuu ninkii cabbaar aamusnaa oo uu fikiray ayuu yidhi, " Oo haddii arrintu sidaasi tahay, kuwan kutubta sita ee martida innagu diley; miyaynnu mid dilno oo aasanno!!"

Dil oo duco ka doon

Waa diin la'aan!
 

 

 


 

Cabdullaahi Maxamed Cumar

Email: timacadde56@hotmail.com