Igu qabsade dhulkayga qoribaan ka xigaa “faallo”
 

Waxyaabaha la yaabka leh ee maalmahaas dhacay waxa ka mid ahaa, in dadka reer Somaliland gaar ahaan

Igu qabsade dhulkayga qoribaan ka xigaa “faallo”.


Waxay ahayd 26 june 1960, maalintii ay dadka reer Somaliland ka xoroobeen heeryadii gumaystaha ingiriiska, maalintani waxay shacabka Somaliland u ahayd maalin aad u farxad badan qof kasta oo dareen wadaninimo ku jirana ku dhalisay dareen jidhiidhico leh.


Maalintaas waxa xigay in dadka reer Somaliland (British protectorate) ay doortaan inay si bilaa shuruud ah kula midoobaan walaalohooda somaliya. Shacabka reer Somaliland waxay ku cadaadiyeen kuna khasbeen madaxdii xiligaas ee somaliland in la dadajiyo la midowga dadka walaalaha yihiin ee Somalia (Italian protectorate).

Waxyaabaha la yaabka leh ee maalmahaas dhacay waxa ka mid ahaa, in dadka reer Somaliland gaar ahaan intii maalmahaas hargaysa joogay ay raagsadaan midowga, ayna dhacdayba in dad ay hayso shucuur wax wada wadaagis ay ka daataan dayrka maxkamada goodirka magaalada hargaysa. Waxaana madaxdii uu halkaas wada tashiga ama shirku uga socday ku adkaatay inay hawshooda sii wataan waxaanay u xadhko xidheen inay muqdisho tagaan oo heshiiska midowga soo sexeexaan.

Kalgacaltooyada iyo wanaaga ay hayeen dadka reer Somaliland wakhtigaas kamay helin badalkeedii dadkii ay walaalaha ahaayeen ay ula tageen. Waxay la kulmeen xaqiraad iyo waxyaabo aanay ka filanayn walaalohood. Xumaanta dadka reer solailand lagula kacay kumay ekayn oo kaliya intii muqdisho joogtay, ee waxa ay markii danbe usoo talowday caradii ay ka yimaadeen ee Somaliland .

Wax kaleba iska dhaafoo madaxdii reer Somalia ee markaas xilka haysey waxay isku dayeen inay kala qoqobaan dadkii walaalaha ahaa ee Somaliland wada daganaa iyaga oo u kala qaybqaybinaya qabiil qabiil, waxay xidhidhxidheen dhamaan madaxdii u dhashay dadkan ee ka damqaday arintan.


Gafka iyo dhibaatada dadkan lagula kacay kuma ekayn oo kaliya kala qayb qabin iyo isku dir, ee waxaa loogu daray xasuuq aan loo kala aabo yeelayn (genocide) oo intiisa xooga badani socotay intii u dhaxaysay 1981-1991. waxaa dil toogasho lagu xukumay aqoonyahankii, ciroolihii, caruurtii hooyooyinkii iyo qofkasta oo ka damqaday falalkaas iyo xasuuqaas waxshinimada ahaa.


Wakhti waliba waayo leh, naxariista ilaahayna lagama quusto. Waxaa ilaahay mahadii noqotay in dad aqoonyahan, saraakiil iyo shacab isugu jiray oo u dhashay dadkani ay sameeyeen ururkii SNM. Ururkani waxa uu ilaahay ku guuleeyay inuu dadkiisa ka gilgilo heeryadii gumaysi iyo xasuuqii ku socday.


Dhiig badan oo daatay ka dib, markii dalka laga xoreeyay ciidamadii afweyne waxay dhamaan beelihii daganaa lixda gobol ee Somaliland shir ku yeesheen magaalada burco 18 may 1991, iyaga oo madaxweyne iyo kuxigeen ugu doortay C/raxmaan Axmed Cali iyo Xassan Ciise Jaamac.

Nabadaynta iyo horumarinta Somaliland kuma jogsan oo kaliya shirkaas ee waxaa mar kale beelihii daganaa somaliland isugu yimaadeen magaalada borama bishii 23 feb sanadkii 1993, waxaana madaxweyne loogu doortay 5 may 1994 allaha u naxariistee marxuum Mahamed xaji Ibrahim Cigal iyo C/raxman aw Cali Faarax.


Daacadi ma hungowdee waxa ay ergadii beelaha Somaliland mar kale 23 feb 1997 dib Madaxweyne iyo ku xigeen ugu Doorteen Marxuum Mahamed xaji Ibrahim Cigal iyo Daahir Rayaale Kaahin oo hada ah mdaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland.


31 may 2001 ayay ahayd maalin kale oo farxad leh oo ay dadka reer Somaliland u dareereen u codaynta dastuurkii ugu horeeyay ee ay si madax banaan u yeeshaan.

97% waxay dadka reer somaliland ku codeeyeen codka haa taas oo cadaynaya go’aanka ay ku gaadheen inaanay mar kale ka suuroobayn inay si dhib yar ku galaan heeryo gumaysi oo kale, waxa kale oo iyana taas barbar socday nidaamka xisbiyada badan oo uu markaas Marxuum madaxweyne Cigaal gacanta ku hayey hirgalintiisa.



Qoraxdii timaadaba

Muxuu qalinku sheekiyo

Hadba qodob la yaabliyo

Mahadhooyin qorayaa.



3 may 2002, 3:00 pm ayay markale dadka Somaliland ku warheleen oo idaacadaha ka dhagaysteen in Madaxweynohoodii, halyeygii nabada somaliland Marxuum Mahamed xaji Ibrahim Cigal uu ku geeriyooday magaalada Pretoria ee dalka K/afrika oo uu u joogay arimo caafimaad. inta badan shacabka reer Somaliland iyo wadamada jaarku farta ayay dhexda ka qaniinsanaayeen, waxaanay u malaynayeen in nabada ay yagleeleen burburi doonto, mase noqon arinku sidaas oo “Rabi iyo ragbaa u baxay”. Marxuum Sh. Ibrahim Sh.yuusuf Sh. Madar, xaaji cabdi waraabe iyo golihii guurtida ee nabada u lugayn jiray ayaa warankii murugada ka gooyay dadkooda iyo dalalka jaarka, waxay kala daabaasheen dalkooda arinka adag ee soo foodsaaray.

Sida dastuurka dadku u codeeyeen 11 bilood ka hor dhigayay, waxaa xilkii Madaxtinimada dalka ay golaha guurtida ee labadaas oday ka hormuudka yihiin u dhiibeen madaxweyne ku-xigeenii dalka oo markaas ahaa Mudane Daahir Rayaale Kaahin halka jagada madaxweyne ku-xigeenka uu qabtay Mudane Axmed yuusuf yaasiin.


Madaxweyne Daahir iyo Axmed yuusuf kuma aysan joogin halkii uu arinku taagnaa, waxa ay sii kobciyeen horumarkii dadkoodu hiigsanayeen, waxa ay sii adkeeyeen nabadii, waxa ay dalka ka suurto galiyeen doorashooyinkii ugu horeeyay ee dimuqraadi ah ee nidaamka xisbiyada badan, waxaa ugu horeysay doorashadii golaha degaanka oo qabsoontay 15 dec 2002, aanay kusoo baxeen saddexda xisbi qaran ee Kulmiye Udub iyo Ucid. Waxaa ku xigtay doorashadii madaxtooyada oo qabsoontay 14 april 2003 oo mar kale ay dib ugu guulaysteen Madaxweyne Daahir iyo Axmed yuusuf. iyo tii ugu danbaysay ee baalmaanka oo qabsoontay 29 sep 2005.

Sidoo kale waxa ay madaxweyne Daahir Rayaale iyo Axmed yuusuf dalka ka suurto galiyeen in la diiwaangaliyo dadka u dhashay wadanka si loo kala garto muwaadinka dalka u dhashay Iyo ka ajinabiga ah, sidoo kale waxa ay diiwaan galinta ulajeedooyinkeeda ka mid ahaa si ay dalka uga qabsoomaan doorashooyin xor oo xalaal ah.

Aan u dhaacoco dulucda “Ku qabsasho dhulkayga qoribaan ka xigaa” maqaalkayga ee badweynta taariikhda somaliland ila xulay. Waxaa in badan dhagahayga kusoo dhacdhaca marka aan warbaahinta dhagaysanayo eray xanuun badan igu haya oo kasoo baxa afka hogaamiyayaasha somaliya, waxay soomaalidu ku maahmaahdaa “tiisaba daryeelaa tu kalana ku dara” , aniga oo ka mid ah dhalinyada Somaliland waxaa ii cuntami la, in dadka taariikhda aan soo sheegnay leh (Somaliland) ay cagaha ku martaan hogaamiyayaal dadkoodii iyo dhulkoodii iyo caruurtoodii ololiyay.



Hadii aanu nahay dhalinyarada dadkan iyo dalkan Somaliland u dhashay, waxaa naga xusuusin ah kuwii shalay wax wada wadaaga hormooddka ka ahaa dadkan reer Somaliland ayay ahaayeen, maantana kuwa jecel jaarnimo iyo daris wanaag waa anaga. Hadiise aad jeceshihiin inaad dhulkayaga nala maamushaan, oo aad dab ugu shidaan sida aan caradiina iyo caruurtiina dabka ugu shideen oo kale, anaga marnaba taasi noo cuntami mayso, halkudhagayaga ama go’aankayaga ugu danbeeyaana waxa uu noqonayaa “Igu qabsade dhulkayga qoribaan ka xigaa”.


 




Ali Sh.Ahmed-yasin

Hargeisa Somaliland
aliyare45@hotmail.com
aliyare45@yahoo.com