ICG
oo Walaac Ka Muujisay Puntland
Hey’adda falanqeysa xasaradaha
adduunka ee International Crisis Group ayaa warbixin ay soo saartay
xaaladda maamul-goboleedka Puntland, wa xay ku sheegtay in maamulku
uu ku dhex jiro saddex sano oo ay sare u ka cday xasillooni darro
iyo xiisad siyaasadeed.
Warbixinta ay hey’adda International Crisis Group ka qortay Puntland,
w axay ku sheegtay in maamulkaasi uu mar astaan u ahaa nidaamka hoos
ka unkidda maamul-goboleedyada dalka, loona arkay inuu ahaa mid
kamid ah meelaha ugu barwaaqada badan Somalia.
Balse hey’adda ICG waxay sheegtay in saddexdii sano ee lasoo dhaafay
uu maamulka Puntland la kufaa-kacayey amni xumo iyo xiisad
siyaasade ed, waxaana dhibaatooyinkaas asal u ah dowlad-xumo iyo
beelaha gobolk aas wada daga oo u muuqda kuwa sii kala
irdhoobaya.
EJ Hogendoorn, oo ah qoraaga warbixintan, agaasime-na ka ah
mashruu ca heya’dda ICG ee Africa, ayaan weydiiyey inuu qeexo waxa
uu ula jeedo dowlad-xumida iyo kala irdhoobidda beelaha Puntland.
EJ wuxuu yiri: Waxaan ula jeednaa in xaaladda amnigu ay xumaatay,
waxa ana taas sabab u ah mooraalka ciidanka booliiska iyo
millatariga oo aad u liita. Waxaan kaloo rumeysannahay inay jirto
dhibaato xagga hannaanka doorashada ah, gaar ahaan cidda masuulka ka
ah.
Waxaan rumeysannahay in hannaanka doorashada wax laga beddelo. Sid
oo kale, waxaan aaminsannahay in dastuurka cusub, iyo waliba
hannaankii loo maray uu ahaa mid aan hufneyn, isla markaana inuu
xiisad horleh kiciy ey, halkii uu ka yareyn lahaa.”
*Dhisitaankii Puntland*
Hey’adda ICG waxay sheegtay in askumiddii Puntland 11 sano ka hor
ahe yd tallaabo wanaagsan oo tusaale wanaagsan u noqon laheyd
Somalia int eeda kale, gaar ahaan koonfurta ay dagaalladu
ragaadiyeen.
Hey’addu waxay sheegtay in ujeeddada dhisitaanka maamulkaasi ay
ahe yd in beelaha gobolkaasi ay sameystaan maamul ay bah-wadaag ku
yihiin, oo wax ka qabta adeegyada aasaasiga ah, sida ammaanka,
waxbarasha da iyo caafimaadka.
*Kaalintii C/llahi Yusuf*
International Crisis Group waxay sheegtay in madaxweynihii ugu
horreey ey ee Puntland, C/llahi Yusuf Axmed, inuu isagu qeyb ahaan
horseeday dhisitaanka maamulkaas, isagoo leh hami siyaasadeed oo ka
baaxad weyn Puntland.
Hamiga madaxweyne Yusuf ayaa sida warbixintu qortay, wuxuu sababay
inuu isku gadaamo jufadiisa hoose, isla markaana uu fogeeyo beelaha
kale ee gobolka dega, taana ay horseedday in beelahaas, gaar ahaan
kuwa laga tirada badan yahay, inaan cadkii ay ku lahaayeen Puntland
aan loo goyn.
EJ Hogendoorn, khabiirka ICG ee qoray warbixintan, ayaa sheegay in
afar tii sano ee ugu horreysay uu maamulka Puntland gaaray guulo la
taaban karo, balse wuxuu dhalliilay jihada uu maamulku u weecday.
EJ wuxuu yiri: “Nasiib darro, afar illaa shan sano kaddib,
horumarkii la ga ar ay waxaa xagal-daaciyey madaxweyne Yusuf,
kaas oo billaabay inuu wiiqo taliskii salka ballaarnaa ee beelaha,
isla markaana isku ekeeyo tali ska.”
*Muranka dhulka*
Ka sokow dowlad-xumida iyo kala irdhoobidda beelaha, warbixinta ICG
waxay sheegtay in muranka xagga dhulka ah ee ka dhaxeeya Puntland
iyo Somaliland, inuu wiiqay maamulka Puntland. Wuxuu kaloo
murankaasi sii hurinayaa colaad u dhaxeysa beelo wada daga Puntland
iyo Somaliland, taas oo sida warbixinta ku qoran halis ku ah
jiritaanka Puntland.
Ha yeeshee halista ugu weyn ee foodda kusoo heysa Puntland, sida ay
warbixinta ICG qortay, waa mid uga imaaneysa kooxo Islaamiyiin ah,
oo inkastoo aaney hubeysneyn, haddana dareensan in la cabburiyey.
Warbixintu waxay sheegtay in ururka Al-Ittixaad uu xoog ku lahaa
deega annada Puntland, illaa haatanna uu jiro dareen Islaami ah oo
xooggan, ka as oo ka faa’iideysan kara xiisad walba oo ka dhalata
gobolkaas.
Dhanka burcad-badeedda, warbixinta ICG waxay sheegtay in maamulka
cusub ee madaxweyne C/raxman Faroole oo la tallaabooyin ammaan mudan
ka qaaday, balse in tallaabooyinkaasi aysan ku filneyn cirib-tirka
burcad-badeedda. Warbixintu waxay soo cusbooneysiisay eedeyn ah inuu
jiro xiriir ka dhaxeeya saraakiil ka tirsan maamulka Puntland, iyo
kooxaha burcad-badeedda.
Ugu dambeyntii, warbixintu waxay ku talisay in Puntland ay la
gudboon ta hay inay wax ka qabato dowlad-xumida iyo xiriirka
sii xumaanaya ee beel aha, haddii ay dooneyso inay sii ahaato
maamul awood leh.
Source:VOA
|