“In Aynu Xukuumadda Tirada Yar Ka Wada Muuqano Maaha Mid Suurto Gal Ah, Mudaharaadadu Waxay Inagu Celinayaan Maamul Xumadii”Axmed Muxumed Madar
 

Hargeysa, August 3, 2010 (TNN) - Siyaasiga reer Hargeysa,Axmed Muxumed Madar oo ka mid ah  m asuuliyiinta sare ee xisbiga KULMIYE ayaa shalay markii ugu horreysay ka hadlay dareenkiisa ku  aa dan guusha xisbigiisu ka soo hooyey doorashadii dalka ka dhacday iyo sida uu arko in aanu ka mid noqon Golaha Wasiirada cusub ee uu madaxweyne Siilaanyo dhawaan soo dhisay.

Axmed Muxumed Madar oo shalay shir-jaraa’id ku qabtay hudheelka Steak and Fish ee magaalada  Hargeysa, waxa uu daboolka ka qaaday inuu ku qanacsan yahay isaga iyo beeshiisu in aanay ka  dh ex muuqan xukuumadda madaxweyne Siilaanyo, isaga oo ku dheeraaday marxaladihii kala duwanaa ee loo soo maray guusha xisbiga KULMIYE iyo doorkii uu ka soo qaatay isagoo arrintaa ka  hadlaaya na waxa uu yidhi “Waxaan iskugu kiin yeedhay inaan idiin sheego dareenkayga guud ee beeshayada iyo guddigaan ka soo jeedo ka qabaan doorashadii dalka ka dhacday, sida aad wada ogtihiin waxa ku guulaystay xisbiga KULMIYE oo aan madaxdiisa ka mid ahay.

Marka hore waxaan hambalyeynayaa madaxweynaha iyo ku-xigeenkiisa la doortay ee ay  dadweyn uhu kalsoonidooda siiyeen, taasi waa hambalyo.”

Waxa kale oo uu Axmed Madar sheegay sababihii keenay in xisbiga KULMIYE ku guulaysto  doorasha da dalka ka dhacday waxa uu yidhi isaga oo ka hadlaaya arrintaas “Waxa sababay in xisbiga  KULMI YE ku guulaysto doorashada, markii xisbil xaakinkii hore ee UDUB uu ku fashilmay xilkiisii shantii  san no ee la doortay, dadweynuhuna niyad-jab ka muujiyey iyo xisbiga KULMIYE oo dadaal badan  muuji yey, isla markaana bulshada u soo bandhigay barnaamij siyaasadeed cad, kaas oo aan ka mid ahaa dadkii ka hawl galay qaab-dhismeedka dawladu ay yeelanayso dadkii ku darsaday fikirdooda, kaas oo aanu isku raacnay in la dhiso dawlad kooban oo tayo leh.dadweynuhuna taa aad bay ugu  qushu uceen, talooyin fara badan oo wanaagsan ayey u soo jeedinayeen, cid kasta oo talo siinaysaana waxay hoosta ka raacinayeen in ay ka wada muuqdaan, taas oo ah habkii Beelaha, waxa ay  madax weynaha iyo ku-xigeenkiisa waydiinayeen halka ay kaga jiraan, labadaasina laba isqabanaaya maaha.

Waxaan dadweynaha kula dardaarmayaa in aynu ka waantowno in aynu xukuumadda tirada yar ka wada muuqano aanay ahayd mid suurto gal ah, wax aynu ognahay in xukuumaddii hore in ay  wasii ro badan samaysay si loo raaligaliyo beelaha, waxa aynu ognahay waxa ay ina dhaxalsiisay, waxa aynu ognahay in qof reer loo magacaabay in aanu ummada u xaq-soorayn, oo uu reerkii loo  magac aabay ahmiyada siinaayo, filimaantaas oo dhan waynu soo aragnay waxa inoo wanaagsan in ay  da d ku ka waantoobaan, oo aynu nidhaahno waxa aynu ku taamaynay waxa uu ahaa isbedel noo  xul ay dad isbedel keeni kara, oo noo shaqeeya oo aan naga shaqaysan oo aan beelo ku shaqayn.”

Waxa kale oo uu ka hadlay Axmed Madar mudaharaadyada Hargeysa iyo Boorama ka dhacay, kuw aas oo uu sheegay in ay qawadeen saamiga ay ka heleen dawlada la soo dhisay waxa uu yidhi isaga oo ka hadlaaya arrintaas “Tabashada nocaas ah ee mudaharaadada waa mid inagu celinayaa  maa mul xumadii iyo caddaallad-daradii aynu ka dhiidhinay, dadweynaha waxaan leeyahay, in aynu beelo wax ku wada qaybsanaa waxay macnaheedu tahay in aynaan waxba wada yeelan.

Waxaan anigu shakhsi ahaan ku qanacsanahay, anigoo xisbigaygu ogyahay kaalinta aan ka soo  qaa tay iyo ta aan kaga jiro, waxaan doonayaa in aan aad iyo aad u iftiimiyo dareenka dad badan oo  da lka dibadiisa iyo gudahiisaba jooga waxa ay muujiyeen oo ah inanay ka xun yahay in laygu soo dari waayo xukuumaddii la soo magacaabay, aad iyo aadbaan ugu mahannaqayaa karaamada ay ii  muu jiyee, iyagana waxaan u qancinayaa oo aan leeyahay dawladu way tira yar tahay oo kamana wada qayb gali karno, aynu ku qanacno inta uu madaxweynu xilka inoogu dhiibay oo aynu sidaa raali ku ahaano, anigana yaan lay arkin dad ka xanaaqay markii xil la siin waayey oo wax gaara doonaayey oo aynu sideenii hore heegan u wada ahaano isuna barbar taagno una wada shaqayno.”

Ugu danbayntii waxa uu ugu baaqay xukuumadda cusub inay ka midho-dhaliyaan barnaamijkii  siyaa sadeed ee xisbiga KULMIYE, shacabku ku doortay, waxaannu uga digay in ay xukuumadda  madaxwe yne Siilaanyo ku dhaqanto nin jeclaysi iyo beel jeclaysi, taas oo uu tilmaamay inay burburisay  xuku umaddii hore, waxaannu ku soo gabagabeeyey in aanay beeshiisu marna si xil loogu magacaabo anay madaxweynaha ka dalban.

Source:Haatuf