Hoyga ay nabadi taalaa gobanimo u hoyataa

 


Akhristeyaal, 30 maalmood ayaa inaga xiga sanad guurada markii dalkani uu dib ula soo noqday xoriyadiisa. markasta oo sanad guuro laga soo wareego dib ula soo noqoshada xornimada Somali landna, waxaan filayaa inay haboon tahay inaan taariikhda dib u milicsano taariikhda iyo tacabka dhulkan loosoo maray. Waxa kale oo lagama maarmaan ah inaan qiimayn ku samay maxaa dalkan iyo dadkan u kordhan mudadaa 20 sano ah ee uu xoriyadiisa dib ula soo noqday.

Maqaalkani waa mid aan ugu talo galay inaan taariikhda labaatankaa sano si kooban idiinku  xasu usiyo, aniga oo isku dayi doona inaan si kooban oo xaqiiqda u dhaw, aan u soo kobo.


Ugu horeyn aan idin xasuusiyee, dalkeena Somaliland baaxada dhulkiisana lagu qiyaasay 137600 km2, wuxuu xad la wadaaga dalalka Itobiya, Jabuuti, Somalia iyo Yemen oo dhinaca bada cas aynu xad kala wadaagno. Dadka reer Somaliland waa dad isku duuban, isku qaran ah, isku dal ah, isku dad ah, isku dhaqan ah, isku diin ah, necebna gumaystaha. Waxaan ku tilmaamai karaa  shac abka ugu gumaysiga neceb somalida iyo Geeskaba. Waxa taas markhaati u ah dagaaladii aadka u balaadhnaa ee ay gumaysiga iyo xukumadihii lagu hungoobay ee midowga somaliya ay kala hor tageen.

Waxay ahayd 26 june 1960, maalintii ay dadka reer Somaliland ka xoroobeen heeryadii  gumayst aha ingiriiska, maalintani waxay shacabka Somaliland u ahayd maalin aad u farxad badan qof kas ta oo dareen wadaninimo ku jirana ku dhalisay dareen jidhiidhico leh.

Maalintaas waxa xigay in dadka reer Somaliland (British protectorate)ay doortaan inay si bilaa  s huruud ah kula midoobaan walaalohooda somaliya. Shacabka reer Somaliland waxay ku  cadaadiy een kuna khasbeen madaxdii xiligaas ee somaliland in la dadajiyo la midowga dadka walaalaha yi hiin ee Somalia (Italian protectorate).

Waxyaabaha la yaabka leh ee maalmahaas dhacay waxa ka mid ahaa, in dadka reer Somaliland gaar ahaan intii maalmahaas hargaysa joogay ay raagsadaan midowga, ayna dhacdayba in dad ay hayso shucuur wax wada wadaagis ay ka daataan dayrka maxkamada goodirka magaalada hargaysa, waxaana madaxdii uu halkaas wada tashiga ama shirku uga socday ku adkaatay inay hawshooda sii wataan waxaanay u xadhko xidheen inay muqdisho tagaan oo heshiiska midowga soo sexeexaan.

Midowgii maxaa laga dhaxlay?

Kalgacaltooyada iyo wanaaga ay hayeen dadka reer Somaliland wakhtigaas kamay helin  badalke edii dadkii ay walaalaha ahaayeen ay ula tageen. Waxay la kulmeen xaqiraad iyo waxyaabo aan ay ka filanayn walaalohood.
Xumaanta dadka reer somailand lagula kacay kumay ekayn oo kaliya intii muqdisho joogtay ee waxa ay markii danbe usoo talowday caradii ay ka yimaadeen ee Somaliland.

Wax kaleba iska dhaafoo madaxdii reer Somalia ee markaas xilka haysey waxay isku dayeen inay kala qoqobaan dadkii walaalaha ahaa ee Somaliland wada daganaa iyaga oo u kala qaybqaybinaya qabiil qabiil, waxay xidhidhxidheen dhamaan madaxdii u dhashay dadkan ee ka damqaday arintan.

Gafka iyo dhibaatada dadkan lagula kacay kuma ekayn oo kaliya kala qayb qabin iyo isku dir ee waxaa loogu daray xasuuq aan loo kala aabo yeelayn (genocide) oo intiisa xooga badani socotay intii u dhaxaysay 1981-1991. waxaa dil toogasho lagu xukumay aqoonyahankii, ciroolihii, caruurtii hooyooyinkii iyo qofkasta oo ka damqaday falalkaas iyo xasuuqaas waxshinimada ahaa.


Halgankii dib u xorenta dalka


Wakhti waliba waayo leh, naxariista ilaahayna lagama quusto. Waxaa ilaahay mahadii noqotay in dad aqoonyahan, saraakiil iyo shacab isugu jiray oo u dhashay dadkani ay sameeyeen ururkii SNM. Ururkani waxa uu ilaahay ku guuleeyay inuu dadkiisa ka gilgilo heeryadii gumaysi iyo xasuu qii ku socday, dhiig badan oo daatay ka dibna, markii dalka ka xoreeyeen mujaahidiintu ciidamadii afweyne.

Dib ula-soo noqoshadii Madaxnbanaanida.


Nabadayntii: Kadib xorayntii dalka, waxay dhamaan beelihii daganaa lixda gobol ee Somaliland  sh ir ku yeesheen magaalada burco 18 May 1991, iyaga oo madaxweyne iyo kuxigeen ugu doortay C/raxmaan Axmed Cali iyo Xassan Ciise Jaamac.

Nabadaynta iyo horumarinta Somaliland kuma jogsan oo kaliya shirkaas ee waxaa mar kale  beel ihii daganaa somaliland isugu yimaadeen magaalada Borama bishii 23 Feb Sanadkii 1993, waxaana mar labaad madaxweyne loogu doortay 5 may 1994 allaha u naxariistee marxuum Mahamed xaji Ibrahim Cigal iyo C/raxman aw Cali Faarax.

Daacadi ma hungowdo. Waxa ay ergadii beelaha Somaliland mar kale 23 feb 1997 dib  Madaxwey ne iyo ku xigeen ugu Doorteen Marxuum Mahamed xaji Ibrahim Cigal iyo Daahir Rayaale Kaahin oo hada ah mdaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland.

Samayntii iyo u codayntii Dastuurka: 31 may 2001 ayay ahayd maalin kale oo farxad leh oo ay dadka reer Somaliland u dareereen u codaynta dastuurkii ugu horeeyay ee ay si madax banaan u yeeshaan.

97% waxay dadka reer somaliland ku codeeyeen codka “Haa” taas oo cadaynaya go’aanka ay ku gaadheen inaanay mar kale ka suuroobayn inay si dhib yar ku galaan heeryo gumaysi oo kale, waxa kale oo iyana taas barbar socday nidaamka xisbiyada badan oo uu markaas Marxuum madaxweyne Cigaal gacanta ku hayey hirgalintiisa.


Geeridii naxdinta lahayd iyo talaabadii xigtay:

Murtibaa abwaanbaa ahayd:

Qoraxdii timaadaba, Muxuu qalinku sheekiyo, hadba qodob la yaabliyo, mahadhooyin qorayaa.

3 May 2002, 3:00 pm ayay mar kale dadka Somaliland ku warheleen oo idaacadaha ka  dhagayst een in Madaxweynohoodii, halyeygii nabada somaliland Marxuum Mahamed xaji Ibrahim Cigal uu ku geeriyooday magaalada Pretoria ee dalka K/afrika oo uu u joogay arimo caafimaad.
Inta badan shacabka reer Somaliland iyo wadamada jaarku farta ayay dhexda ka  qaniinsanaay een, waxaanay u malaynayeen in nabada ay yagleeleen burburi doonto, mase noqon arinku  sid aas oo “Rabi iyo ragbaa u baxay”. Marxuum Sh. Ibrahim Sh.yuusuf Sh. Madar, xaaji cabdi  waraab e iyo golihii guurtida ee nabada u lugayn jiray ayaa warankii murugada ka gooyay dadkooda iyo dalalka jaarka, waxay kala daabaasheen dalkooda arinka adag ee soo foodsaaray.

Sida dastuurka dadku u codeeyeen 11 bilood ka hor dhigayay, waxaa xilkii Madaxtinimada dalka ay golaha guurtida ee labadaas oday ka hormuudka yihiin u dhiibeen madaxweyne ku-xigeenii  da lka oo markaas ahaa Mudane Daahir Rayaale Kaahin halka jagada madaxweyne ku-xigeenka uu qabtay Mudane Axmed yuusuf yaasiin.

Bilowgii Dimuqraadiyada iyo nidaamka xisbiyada badan: Madaxweyne Daahir iyo Axmed yuusuf  k uma aysan joogin halkii uu arinku taagnaa, waxa ay sii kobciyeen horumarkii dadkoodu  hiigsanay een, waxa ay sii adkeeyeen nabadii, waxa ay dalka ka suurto galiyeen doorashooyinkii ugu  hore eyay ee dimuqraadi ah ee nidaamka xisbiyada badan, waxaa ugu horeysay doorashadii golaha  d egaanka oo qabsoontay 15 dec 2002, aanay kusoo baxeen saddexda xisbi qaran ee Kulmiye Udub iyo Ucid. Waxaa ku xigtay doorashadii madaxtooyada oo qabsoontay 14 april 2003 oo mar kale ay dib ugu guulaysteen Madaxweyne Daahir iyo Axmed yuusuf. iyo tii ugu danbaysay ee  baarlm aanka oo qabsoontay 29 sep 2005.

Sidoo kale waxa ay madaxweyne Daahir Rayaale iyo Axmed yuusuf dalka ka suurto galiyeen in la diiwaangaliyo dadka u dhashay wadanka si loo kala garto muwaadinka dalka u dhashay Iyo ka  aj inabiga ah, sidoo kale waxa ay diiwaan galinta ula-jeedooyinkeeda ka mid ahaa si ay dalka uga qabsoomaan doorashooyin xor oo xalaal ah.
Hana qadka Somaliland iyo kusii durkista ay kusii siqayso dhinaca maamul wanaagu halkaas kuma dhamaan. 26 juna 2010 ayay ahayd markii ay dadka reer Somaliland u dareereen dooradhadii afraad ee ay codkooda si xor ah ugu kala doortaan mushaixiin ku loolamayay jagada madaxweynaha.


Axmed Maxamed Maxamuud oo ka sharaxnaa xisbiga Kulmiye, Faysal Cali Waraabe oo ka sharaxnaa UCID iyo Daahir Rayaale Kaahin oo ahaa Madaxweyhinii dalka isla markaana mar kale u sharaxnaa xisbigiisa UDUB. Loolan iyo tartan adag oo dhex maray xisbiyada, waxa 1 July ay gidida dorashooyinku ku dhawaaqeen in musharixiinta xisbiyada Xisbiga kulmiye Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo iyo Ku Xigeenkiisa C/raxman Sayci ay ku Guulaystay Doorashadii Madaxtooyadda Somaliland, codadka ay xisbiyadu kala heleena waxa uu ahaa sidan:


KULMIYE 266,906 oo u dhiganta 49.59%
UDUB 178,881 oo u dhiganta 33.23%
UCID 92,459 oo u dhiganta 17.18%
 

Markii lagu dhawaaqey natiijada doorshada waxa Musharaxa guulaystay iyo shicibka  somaliland ba u hambalyeey wadamo badan oo ka mid ah bulshada caalamka, waxaana xilka loo dhaariyey 27 july 2010.

Koboca Dhaqaalaha: Horumarka Somaliland ku amaanantahay inkasta oo uu u badan yahay  dhin aca amaanka, hadana waxa kale oo aan tusaalayaal usoo qaadan karnaa dhaqaalaha. Inta bad an waxa uu dhaqaaluhu ku tiirsan yahay lacagta ay qurbajoogu dibada uga soo diraan dadka ay qaraabada yihiin.


Waxa Somaliland ka hir galay ganacsi xor ah, dhismayaal casriga ah. Dib u dhiska dalku waa  horu mar la taaban karo oo ay shicibka dalku ku talaabsadeen. Waxay tani amaan u tahay wadamada geeska, waana mid muujinaysa kartida iyo hawlkarnimadooda shicibka somaliland.


Horumarka Waxbarashada: Kadib dib-ula soo noqoshadaii madaxbanaanida, waxa maalinba  maali nta ka danbaysa soo kobcayey horumarka iyo koboca waxbarashada Somaliland. Inkasta oo aan dhamaan dalka tacliintu gaadhin, hadana waxa wax la taaban karo ah horumarka ay gaadhay  w axbarashadu, ha ahaato mid dawladeed ama mid gaar loo leeyahay. Bilowga 20-kii sano ee lasoo dhaafay, 10% ayaa caruurta fursad u helay inay dugsiyada aadaan, halka maantana in ka badan 60% ay waxbarashada bilaabaan wakhtigii loogu talo galay.


Guntii iyo gabagabadii, walow aanay wali Somaliland helin citiraaf caalami ah oo ay ku gaadhi ka rto horumar ka badan ka ay maanta gaadhay, hadana waxa muuqda dadaal iyo horumar balaad han oo ay sameeyeen shacbi weynaha iyo dawladu, waxaanan odhan karaa laguma khasaarin  di b-ula soo noqoshada aan maalmo kabacdi 20-guuradeeda u dabaal dagi doono, somalilnadna waa hoyga gobanimada iyo nabada dhulka somalidu degto.

Alla mahad leh.

 

 

 

 

 

 

Ali Sh. Axmed Sh. Ali