Horumarka Berbera iyo
Socdaalkii Madaxweynaha
Hargeysa January 14th, 2011 (TNN)-Madaxwaynaha Somaliland Mudane
Axmed Maxamed Max amuud (Siilaanyo), iyo weftigii uu
hogaaminayay ee socdaalka muddada labada maalmood ah qa atay ku soo
gaalaa-bixiyay magaalo xeebeedda Berbara ee xarunta gobolka Saaxil,
booqasha da Madaxwaynaha ee gobolka Saaxil ayaa calaamad u ah sida
Xukuumadda cusubi u danaynay so horumarinta gobolka Saaxil oo
muddo labaatan sannadood ku dhow adeegyadiisa bulshadu ay aad u
hooseeyeen, isla markaana sannadba sannadka ka dambaysa ay hoos u
sii dhacaysay horumarka magaalada B erbera.
Socdaalka Madaxwaynuhu wuxuu ku soo beegmay xilli adeegyada bulshada
ee magaalada Berb ara ay samaynayaan horumar isasa soo taraya,
waxaanu xadhiga ka jaray mashaariic fara ba dan oo shantii
bilood ee u horeeyay xil haynta xukuumadda cusub ka hirgalay
magaalada Berbe ra, kuwaasi oo isugu jiray waddooyin laami ah
oo laga sameeyay xaafadaha magaalada iyo dhis mayaal cusub oo lagu
soo kordhiyay marsada iyo Madaarka Berbera.
Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), waxa uu magaalada Berbera
ka sheegay in xu kuumaddiisu ahmiyad weyn siinayso kobcinta
ilaha dhaqaalaha iyo horumarka magaalada Berb era. Waxaanu
tilmaamay in uu ku diirsaday dhaqdhaqaaqyada horumarinta ah ee lagu
sameey ay goobaha adeegyada bulshada ee magaalada Berbera, waxaanu
bogaadiyay maayarka Ber bera, Maareeyaha Dekeda iyo
Badhasaabka gobolka Saaxil.
Socdaalka Madaxweynaha ee Gobolka Saaxil, ayaa dadka wax indho
indheeyaa ay ku tilmaame en inuu farriin u yahay Badhasaabada
iyo Iskuduweyaasha laamaha dawlada ee gobolka kale waxaanu dareen
siiyay in masuul kasta uu ka doonayo waxa uu bulshada u qabtay
mudadii uu xilka hayay. waxaanu mudadii lababada cisho ahayd ee uu
socdaalka ku joogay soo indho indh eeyay dhammaan laamaha
dawlada ee gobolka Saaxil, isagoo warbixin ka dhegaystay masuu
liyiinta hayadaha dawliga ah.
Maayarka Berbera Cabdalle Maxamed Cali oo warbixin siinayay Weftiga
Madaxwaynaha ayaa s heegay in dadwayne badani waydiiyaan
sababta uu hore ugu qaban waayay waddooyinkan la amiga ah ee
dawladda hoose dhistay, isaga oo arrintaasi si kaftana uga hadlayay
waxa uu yidhi “Madaxwayne waxa la I waydiiyaa su’aal ah maxaad hore
ugu dhisi waydeen waddooyinkan iminka aad dhisteen, waxaan ugu
jawaabaa Berberi waxay la bili tahay Madaxwayne Axmed Siilaanyo.
Waxqabadkanina waa burjigii dawladda cusub.”
Madaxwaynuhu waxa uu booqday muddadii uu kormeerka ku joogay
magaalada Berbera, Mad aarka, Haamaha Shidaalka, Dhismihii Warshada
fadhida ee sibidhka, xarunta dawladda hoose, xarunta maamulka
gobolka Saaxil iyo xaabaashii Madaxweynihii hore Marxuum Maxamed
Xaaji Ibraahin Cigaal.
Dhinaca kale dadwaynaha magaalada Berbera ayaa si aan kala hadh
lahayn u soo dhaweeyay weftigii madaxweynaha, waxaanay sheegeen in
ay uga mahad celinayaan in uu ku yimaado go bolka Saaxil,
booqashadii ugu horaysay ee uu ku tago magaalo ka baxsan caasimadda
Harga ysa, tan iyo markii uu la wareegay xilka madaxtinimada
Somaliland 27-kii July ee kal hore.
Si kastaba ha ahaatee, socdaalka Madaxwaynaha ayaa wax badan ka
bedelaya qaabkii ay u sh aqayn jireen masuuliyiinta laamaha
dawladda oo lagu eedayn jiray fadhiidnimo iyo musuqmaas uq.
Socdaalkii weftiga madaxwaynaha ayaa guul ku soo dhamaaday, waxaana
socdaalkii ugu horeeyay ee uu ku tago gobol ka mida gobolada dalka.
Source: Somaliland.org
|