Horumarinta dhul-daaqsimeedka xoolaha

 



Assalaamu Calaykum maamulka websiteka Timacade News Network iyo bahda suxufyiinta ka hawl gasha.

Ka dib markii aan arkay arrimo iyo hadalo baryahan dambe si daba joog ah loogu tebiyay saxaafadda iyo websiteyada,kuna sahabsan mashaariicda horumarinta dhul-daaqsimeedk a xoolaha ee degaanada Aroori iyo Qool Caday, oo ay hirgelinayso Wasaaradda Xannaan ada Xoolohu, waxan jeclaystay in aan ra’yigayga ka dhiibto.

Aniga oo ah muwaadin Somalillander, aqoon & khibrad badanna u leh,muddo dheerna ku soo dhex jiray, kana shaqaynayay horumarinta dadka reer guraaga ah, horumarinta xool aha iyo daryeelka caafimaadkooda, kana shaqeeyey dalka gudihiisa iyo dibidiisaba, aad i yo aad baan ugu farxay markii aan ogaaday mashruucan isaga ah ee ay wasaaraddu Xan aanada xooluhu waddo.

Dadka qaarkood oo isu abaabulaya kooxo ayaa qabsaday kulano shir beeleedyo ay saxaa fadda ugu gudbinayaan hadalo ay ku muujinayaan diidmo qayaxan iyo ka soo horjeed m utuxan,oo markaad u fiirsato aan ku qotomin wax khibrada, aqoona,xaqiiqadana ka fog. Waxaan aad uga xumaaday markii aan dhegaystay hadalo qadhaadh oo ay soo bandigee n dadkanu, oo watay hanjabaad iyo caga juglayn. Qaarkoodna waxaabay ka dhawaajiyee n in dagaal ka sokeeyo fulinta mashruuca, dagaalkaasoo ay kala mid dhigeen dagaalkii SN M ay ku xoreysay dalka.Taasi maaha mid meesha qabata,dalkuna waa nabad, Rabina wax aan ka baryeynaa inuu noo siyaadiyo, aamiin.

Haddaba arrintan ay dadkanu ku hadaaqeen, dad badan oo weliba degaanka ka soo jeed a uma ay cuntamin , aniguna kuma raacsani dadkaa. Waxaan is weydiiyay su’aashan: Max aa ku kalifay dad muwaadiniin ah in ay ka hor yimaadaan horumarinta xoolaha iyo wax ka qabadka daaqsiimaha? Ka dib markii aan darsayna laba arrimood ayaa ii soo baxay:

Waxan ogaaday dadkanu inay yihiin dad magaala-joog u bandan iyo in yar oo kale oo ay soo duufsadeen, dabeeetana is xulafaystay, iskuna soo abaabulay kooxo iyagoo dano ga ar ah leh, sida hunguri siaaysadeed oo qaarkood ay qabaan iyo ka soo horjeed siyaasiin kale. Isla markaana ma wada matalaan beel weynta degaanka ku dhaqan ee xoolo dhaqat ada ah. Waa dad aan lahayn damiir iyo aragti fog. Waxay ku dabaqayaan qaylo dhaantoo da siyaasadaysan arrin maal maalmahan ka jirta dalka (the real politik) oo ah kolba ciddii ama kooxdii ujeeddo iyo dan gaar ah wada lihi inay qabsadaan war-saxaafadeed iyo shir-beeleed ku-sheeg aanay badweynta beeshu u dhammayn. Waxa la yaab leh iyaduna, inka stoo ay sheeganayaan inay isu ujeeddo yihiin, haddana waxa cad inay dano kala duwan  l eeyihiin, oo si ay si guud ahaan ah u adeegsanyaan tan. Si kale aan u dhigo ‘ninba awrkiis u ku kacsanayaa’ si u gaadho tiisa u gaarka ah.


Waxa kaloo ii muuqday in ayna kooxdani laba socon hababka ama qorshe cilmiyeedka qar nigan jira ee horumarinta iyo kordinta wax-soo saarka xoolaha iyo tayaynta degaanka ay ku noolyihiin xooluhu loo addegsado. Sidaynu wada ogsoonahay dadkeenu waa xoolo dha qato, reer guraa ah (80%), xoolaheenana waxa lagu dhaqaa miyiga.

Waxaa jira Dalal badan oo Afrikaan ah ,sida Ethiopia, Kenya, iyo Sudaan, oo iyaguna xoolo dhaqato reer guuraaya leh ,oo aynu kala midnahay waxyaabo la xidhiidha horumarka kha yraadka nool (xoolaha) iyo wixii la xidhiidha. Laakiin wadamadunu, waxay adeegsadaan h abab ku haboon kobcinta wax soo saarka xoolohooda. Tusaale ahaan, balaan jaleecno dal kan jaarkeena ah, Ethiopia, oo ah dal ay ku nool yihiin qoomiyado reer guuraya oo Sooma ali ka mid tahay. Waxana laga wadaa mashaariic loogu talo galay horumarinta xoolaha iyo dhul daaqsiimeedyada (Livestock and Rangelands Development Projects).

Waxaa wax lala yaabo ah, sida ay dadkani uga soo hor jeedaan mashruucan faaiidadiisa iyo wax tarka uu u leeyahay dad iyo xoolaba iyo sidaanay xog ogaal ugu ahayn maanta halka adduunku marayo, heerka laga gaadhay xanaanada xoolaha, daryeelka dhul daaqsi meedka, ka hor tagga aafooyinka iyo nabaad guurka. Aqoon la'aani waa iftiin la'aan,waa gudcur iyo gabalkoo dam kuu yidhi.

Su'aasha is weydiinta mudani waxay tahay,innagoo og in laf dhabarta dhaqaale ee Dalke ena Somaliland ku dhisan yahay ay tahay dhoofinta xoolaha nool,caqliga saliimka ahi ma inna siinayaa inaynu dar yeeli weynno ama dayacnno daaqsinkii ay ku noolaan lahayn xo olaheenu waqtiyada ay yaraadaan roobabku (jiilaalka ) ama baadkuba yaraado ?

Dadka ka soo horjeeda mashruuca ayaa ku andacoonyaya in dhul daaqsimeedyada Aroori iyo Qool Cady la xidhayo oo loo xidhayo dad tujaar ah oo qaarkood yihiin ajnabi. Anigu in taan ka ogahay, Wasiirka Xannanada Xooluhu wuu caddeeyay, aadna wuu u qeexay in aa n la wada xidhayn dhulka oo la xidhayo qaybo ka mid iyadoo la adeegsanayo habaka daaq siinta wareegta (Rotational Grazing Scheme), qayaha kalena ay u furanaan doonaan xoo laha iyo isticmaalka dadka. Qaybaha la xidho marba qayb ayaa la furayaa xilliyo ku habo on (sida xilliga jiilaalka) si ay u daaqaan xooluhu. Ujeeddada habkan ayaa waxay tahay si marba qaybta xidhan ciideedu fursad u hesho ay ku nasato, doog iyo cagaar fiicanna yee lato dhirtuna u magoosho. Waxa la ogyahay in habkaasu joojinayo ama xakamaynayo x aalufka ka yimaada xoolo ka tirada badan baaxadiisa (overstocking). Waxa kale oo iyadna yaraanaysa nabaad guurka (soil erosion) sida balaadhan uga jira degaanada ee ka keent o raafka xooluhu iyo daaqsiinta joogtada ah (overgrazing). Wasiirka Xannaanada Xooluh una waxa kaloo u caddeeyay in dadka sida tooska ah uga faa’iidaysan doona amase u ma nafacaadsan doonaa ay yihiin xoolo dhaqatada laftooda.

Fikrad ahaan waxan u arkaa mashruucan mid waxtar weyn u yeelan doona horumarinta xoolaheena. Waa talaabo si toos ah ugu jihaysan horumarka degaanada daaqsiinta leh, kor-u-qaadista wax soo saarka xoolaha iyo nolosha dadkeena reer miyiga ah.

Xoolaheena waynu ku faannaa, shakina kuma jiro inay xooluhu yihiiin udub dhexaadka dh aqaalaha dalka iyo tiirka nolosha dadkeena miyi iyo magaalaba. Kama maarano cad iyo ca ano iyo quraac beer ah. Dalku malaha xeryo ama meelo lagu dhaqo xoolaha oo loogu tala galy kobcinta wax soo saarkooda sida tayaynta hilbka iyo badinta caanaha (commercial feedlots and dairy farms). Sidaa awgeed, waxa lagama maarmaan ah in aynu ugu tagno xoolaha goobta lagu dhaqo oo ah miyiga si wax loogu qabto, dadka xoolaha dhaqana lagu siiyo taakulaynay u baahanyihiin. Taasina waa qodob uu mashruucani xambaarsanyahay. Sidaa awgeed miyaanay ahayn in laga faa’iidaysto inta laga hor imanayo. Wasaaradda X annaanada Xoolaha waa waajibkeeda qaan iyo masuuliyadeeda, waana sababta ay u ful inayso mashruucan iyo kuwo kaleba iyadoo la shaqaynaysa hay’adaha kale ee dawlad sid a wasaradaha degaanka iyo reer miyiga.

Dadku, sida caadadu tahay, kollayba ma jecla isbedelka, khaasatan kan dibeda kaga yim aada wayse ogolaadaan haddi la qanciyo. Anigu waxan qabaa inaan dhibaatooyinka maan ta haysta xoolaha lagu eegin xoolo dhaqatada, ilamana aha in la yidhaa qarniyo iyo qarni yo iyo awoow ka awoow ayaa lagu soo dhaqayay sidan ee ha loo daayo sidaa.

Guntii iyo gabagabadii waxan kula talin lahaa dadka isku soo abaabulay ka soo horjeedka taalaabadan oo aan leeyahay ka waantooba, indhaha fura , oo da’yarta iyo jiilka soo ko raya wax uga taga. Bal isku daya inaad is-weydiisaan su’aalahan: Sidee loo yareeyaa xa alufka dhul daaqsimeedyada? Sidee wax looga taraa biyo la’aanta haysata xoolaha iyo x oolo dhaqatada? Sideebaa xoolaha tayadooda logu dadaalaa si ay ula tartamaan xoolaha dalalka suuqyda dibeda loo dhoofiyo? Sideebaa loo hir gelin karaa habab la jaan-qaadi ka ra kuwa maanta la isticmaalo ee xannaanaynta xoolaha. Dawladda waa maxay waajibaa dka saran wax ka qabadka dhibaatooyinkan?

Waxa hubaal in wax jawaab ah aydaan u haynin su’aalahan. Haddaba hadii ay dawladu t aladan keentay, waa in tallo lagu darsadaa sida ugu fiican ee mashruucuna ku hirgeliyo. Wadahadal iyo wadatashi waa in lagu dhameeyaa. Qori iyo xabad xal ma keenaan aan ah ayn cadaawad iyo colaad beelaha dhexdooda. Qaranka iyo nabad gelyada dalkan ha la dhowro.

Wa bilaahi tawfiiq

Dr. Hussein Nur