HORTA QABO HEBELOO BAL QOF KALE KU SOO DARA

Cabdiraxman Aw Cali Balaq, oo midkale Balaq , Cabdillaahi DarawaL Balaq, Ismacii Aw Aadan –na eedayeediisu ma yeedhay.

Geedi nabadeedkii Dimuqraadiyada Socod Baradka ee Somaliland ayaa sedexdii Xusbi qaranba gudahooda ay ku shirabeen oo qabtaan shirarka golayaashooda dhexe ee lagu xulayey Marashaxiinta uga qaybgelisa Tartanka Madaxootayada iyo Hogaaminta dalka afarta sano ee innagu soo foole.

Haddaba shirabkii, habkii golayaashooda dhexe ee sedexda Qaran, ay u abaabuleyn iyo agaasinkii dimoqraadiyada dhexdooda midna caaro ma dheera waa sawaasawaa oo waxba kuma kala duwana.

Natiijooyinkii ka soo baxayna iyaga oo isku mid ah haddaan soo kooba waxay noqotay: “ horta qabo hebeloo bal qof kale ku soo dara.”

Sedexdii xusbi qaran mid waliba waxay ku qanceen in aan wax dhaamma lahayn hogaamiyihii tartankii hore ugu qayb galay. Taageerayaashoodu mid waliba wuxuu ku qancay in habka xusbigiisu xalaal yahay, xusbiyada kalana habka loo abaabuley uu xaaraan yahay.

Xusbiga kulmiye ayaa ugu horeeyey oo shirweynihiisu ku qabsaday Magaalada Burco. Goolaaftan ayaa ka dhacay waxay soo saareen in Murashaxooda kowaad uu ahaado mudane Axmed Maxamed Silaanyo. Hasayeeshee, waxaa halkaa balaq yidhi Cabdiraxman Aw Cali oo hungureeyey kursiga ku-xigeenka. Waxaa xusbigii ka baxay isaga iyo koox yar oo uu hogaaminayey.

Foosburburkii Kulmiye waxaa ka macaashay Xusbiga UCID oo aan xilligaa shirweynihiisii qaban. Waxaa ku biiray kooxdii ka baxday ka baxday.

Xusbigii UCID ayaa isaguna qabsaday shirweynihiisii. Isaguna tabtii Kulmiye yeelay ayuu yeelay. Halkaan midkale oo haweysta kursi Marashaxa xusbiga ayaa balaq yidhi. Hasayeeshee, Foos burburkiisii cidna kama faa’iidin oo meel kale oo ay u dig ragtaan ma helin raggii balaq yidhi.

Waxaa loo faanaba oo laga dhursugaba UDUB ayaa shirweynihiisii qabtay. Isaguna Cabdillaahi darawal oo hungureeyey in uu tartamo marashaxnimada ayaa balaq yidhi. Isaguna wuxuu maray halkii ay mareen walaalihiisii ka horeeyey. Wuxuu intaa dheeraa Ismaciil Aw Aadan oo muddo dheer ahaa Wasiirka hore ee Gudaha ee fircoon . Wuxuu Ismaciil hungureeyey xoghayaha Guud Xusbiga oo hore loo soo qorsheeyey. Halkaas oo Ismaciil ku luuqeeyey Eedayee.

Haddaba immika waxaynu taagan nahay halkii la taagnaa doorashiidi ugu danbeysey ee dalka lagu qabtay. Wuxuu shacbigu kala dooranayaa UDUB, UCID, iyo Kulmiye oo ay kala sedexdii hore oo kala ah Mudane Dahir Riyaale Kaahin, Mudane Faysal Cali Waraabe iyo Mudane Axmed Maxamed Silaanyo.

Waxaan Bogaadin u Dirayaa Mudanayaasha balaq yidhi e aan haysan xusbi ay ka dudaan iyo mid ay dudaan toona.

Hal kaa maanta sheekadu ha innoo joogto.

 

 

 

Hamud  Duale