HORNWATCH oo si Ba’an Uga Dayrisay Tacadiy adda Rayidka ee Xukuumadda Rayaale

 

Beesha caalamka iyo Deeqbixiyayaasha doorashooyinka Somaliland oo loogu baaqay inay cadaadis diblumaasiyadeed saaraan xukuumadda


“Waxaad mooddaa in xukuumaddu u qaadatay go’aanka Guurtida ee muddo-kordhintu inuu u fasaxayo xadgudubka muwaadiniinta iyo weriyayaasha dalka”


“Cadaadiska xooggan ee axsaabta mucaaridka dawladdu saartay haddii uu sii socdo gebi ahaanba waxa uu saaxadda ka saari karaa jiritaanka axsaabta mucaaridka”


War-murtiyeed HORNWATCH ka soo saaray Hargeysa

Gudida Ilaalada Xuquuqda Aadamiga Geeska Afrika ee HORNWATCH, ayaa si ba’an uga qayliyey tacadiyo iyo xad-gudubyo xukuumadda Madaxweyne Rayaale ku hayso shacabka iyo suxufiyiinta warbaahinta madaxabannaan.


Guddiga Ilaalada Xuquuqda Aadamiga Geeska Afrika oo warsaxaafadeed ka soo saaray falalka bini’aadanimada ka dhanka ah ee xukuumaddu ku kacday muddada bilaha ah ee sannadkan lagu gudo jiro oo keliya, waxa Guddigu nasiib-darro aan damiirka aadamuhu ka aamusi karin ku tilmaamay xad-gudubyo isugu jira xadhig iyo jidh-dil oo hay’adaha sharci fulinta ee xukuumadda Rayaale si aan loo aabo yeelin ugu hayso muwaadiniinta ay u aragto inay ka aragti duwan yihiin siyaasaddeeda iyo suxufiyiinta ka hawlgala hay’adaha warbaahinta madaxabannaan oo xadhig iyo falal lagaga jajabinayo qalabkooda loo geysto.


Waxaanay Guddiga HORNWATCH ku xuseen qoraalkooda in tacadiyadda xukuumaddu ku kacaysaa libin-laabmeen intii ka dambaysay muddo-kordhintii lixda bilood ahayd ee Golaha Guurtidu xilka ugu sii dheereeyey Rayaale iyo Axmed Yuusuf. Sidaa daraadeed waxa Guddigu ugu baaqday beesha caalamka iyo dalalka Somaliland ka taageera doorashooyinkaba inay cadaadis ku saaraan xukuumadda sidii ay u joojin lahayd xad-gudubyadaas.


Warsaxaafadeedkaas oo uu ku saxeexan yahay Guddoomiyaha Guddiga Ilaalada Xuquuqda Aadamaha ee HORNWATCH Mr. Saleebaan Ismaaciil Bullaale, isaga oo dhammaystiran waxa uu u qornaa sidan:


“Guddiga Ilaalada Xuquuqda Aadamiga Somaliland waxa uu nasiib-daro ku habsatay Somaliland u arkaa tacadiyo fool xun oo aan damiirka aadamigu u adkaysan karin xad-gudubyo xukuumadda Madaxwayne Rayaale ku hayso rayidka, kuwaas oo ay ka mid yihiin xadhigga iyo jidh-dilka weriyayaasha madaxabannaan la beegsadaan hay’adaha sharci-fulinta ee xukuumadda Somaliland, iyagoo weliba suxufiyiinta qaarkood ka burburiyey agabka ay ku hawlgalaan sida kamaradaha.


Xadhigga wariyayaashu ma aha mid ciidammada ammaanka Somaliland marmar dhif ah ku kacaan, balse waxa uu noqday mid joogto ah kuna baahsan gobollada dalka oo dhan, una eg mid qorshaysan.


Tan iyo bilowgii sannadkan oo haatan bishii afraad gebagebo tahay, waxa ciidammada ammaanka Somaliland albaabada u laabeen hal wargeys oo madaxbannaan oo la odhan jiray YOOL, kana soo bixi jiray caasimadda dalka ee Hargeysa. Sidoo kale waxay xukuumadda Madaxwayne Rayaale xabsiga u taxaabeen in ka badan 8 wariye oo ka kala hawlgeli jiray wargeysada, raadiyayaasha iyo TV-yada madaxabannaan. Tacadiyaddan xannuunka badani kuma koobna weriyayaasha oo keli ah ee waxa ciidammada ammaanku la beegsadaan gabbood-fallo isugu jira xadhig iyo jidh-dilba muwaadiniinta rayidka ah ee taageerayaasha u ah xisbiyada mucaaridka.


Xaaladdu waxay ka sii dartay markii Golaha Guurtidu muddada dhammaadka xilka Madaxwaynaha iyo ku-xigeenkiisa ugu dareen 6 bilood oo kale.


Markaad u fiirsato tan iyo muddo-kordhintii Guurtida intii ka dambaysay korodhka xad-dhaafka ah ee xadhigga sharci-darrada ah, xabsi-ku-haynta rayidka intay xidhaan hay’adaha sharci-fulinta Somaliland iyo madaxda gobollada iyo degmooyinka dalku iyada oo aan maxkamad la horgeyn muddo bilo ah, laguna hayo saldhigayada iyo jeelasha dalka, waxaanad mooddaa in xukuumaddu u qaadatay go’aanka Guurtida ee muddo-kordhintu inuu u fasaxayo ku xadgudubka joogtada noqday ee muwaadiniinta iyo weriyayaasha dalka.


Arrinta kale ee walaaca weyn ku dhalisay Guddiga Ilaalada Xuquuqda Aadamiga waxay tahay iyadoo habayaraatee ka hadalka xadgudubyadan baahsan ee haatan ay ka wado xukuumadda madaxwayne Rayaale dalka aan lagu soo hadal-qaadin wadahadallada qalaalasaha siyaasadeed ee dalka oo haatan ka bilaabmay in si fool-ka-fool ah u wadahadlaan madaxda sare ee dhinacyada isaga soo horjeeda siyaasadda dalka.


Tacadiyadda xuquuqda iyo xorriyadaha dastruuriga ah ee dalka Somaliland ee hay’adaha sharci- fulinta Somaliland ku hayaan shacbiga, saxaafadda xorta ah iyo cadaadiska xooggan ee axsaabta mucaaridka ay dawladdu saartay oo hadduu sii socdo gebi ahaanba waxa uu saaxadda ka saari karaa jiritaanka axsaabta mucaaridka, habkaas oo guud ahaan si weyn uga jira guud ahaan waddamada Geeska Afrika ee aynu jaarka nahay sida Jabuuti, Eritrea, Itoobiya iyo Suudaan oo aanay haba yaraatee dalna ka jirin axsaab mucaarid ah.


Guddiga Ilaalada Xuquuqda Aadamiga Geeska Afrika waxay ugu baaqayaan beesha caalamka, iyo deeqbixiyayaasha doorashooyinka Somaliland, in cadaadis diblomaasiyadeed lagu saaro xukuumadda joojinta tallaabooyinka u muuqda minjo-xaabinta nidaamkii curdinka ahaa ee dimuquraadiyadda Somaliland iyo dastuurkii dumuquraadiga ahaa ee dalka.


Waxaannu ugu baaqaynaa xukuumadda Somaliland inay si degdeg ah u joojiso falalka xadgudubyada qorshaysan ah ee sifaha sharci-darrada ah ugu xidh-xidhayso shacabka, gaar ahaan kuwa dawladdu dareento inay siyaasaddeeda ka soo horjeedaan. Weriyaha haatan sifo sharci-darro ah ugu xidhan dalka waxa magaciisa la yidhaa Cabdillaahi Xasan Darwiish oo magaalada Ceerigaabo uga soo warrama wargeyska OGAAL, shabakadaha internetka ee Qarannews iyo Hadhwanaagnews, waxaana weriyahaas Sabtidii doraad lagu riday xukun aan sharciga waafaqsanayn oo hal sanno oo xadhig ah, lix bilood oo mihnadiisa laga xayiray iyo ganaax dhan 400,000 shll. Weriye Darwiish ay ciidammada booliska Ceerigaabo bishan 14keedii xabsiga u taxaabeen, kadib markuu qoray warbixin uu kaga hadlayo musuqmaasuq ku dhex baahsan habka loo maamulo Wakaaladda Biyaha ee magaalada Ceerigaabo


Tilmaanta keli ah ee dimoqraadiyadda Somaliland ka jirtaa waxa kaliya oo ay ahayd saxaafadda xorta ah ee dalka ka hanaqaaday tan iyo 1991kii, nasiib-darro waxay wariyayaasha iyo hawlwadeennada saxaafadda madaxabannaani bartilmaameed u noqdeen tacadiyo ay si joogto ah ula bar-tilmaameedsadaan hay’adihii u xilsaarnaa in iyagu ilaaliyaan xuquuqda muwaadiniinta.


Nasiib-darrada kale ee ka jirta Somaliland waxay tahay in saraakiisha xukuumadda ee geysta xadgudubyada xuquuqda aadamiga ay ku naaloonayaan awoodda iyo shaadhka dawladnimo oo uga ah xijaab adag oo ka hortaagan in dunuubta iyo gabbood-fallada xuquuqda aadamiga ee ay ku kaceen wax laga su’aalo, caddaaladdana la horgeeyo.


Guddiga Ilaalada Xuquuqda Aadamiga Geeska Afrika waxay ugu baaqayaan ergada haatan wada dhammaynta khilaafka iyo qalalaasaha siyaasadeed ee ka dhex oogan xukuumadda iyo mucaaridka dalka in arrimaha wadahadallada bud-dhigga u ah ay ka mid noqoto xaaladda liidata ee xuquuqda aadamiga Somaliland ku sugan yahay iyo wax-ka-qabashadeeda.”







Source: Jamhuuriya Online