Hoos Ka Akhriso Saamiga Beelaha Somaliland Ku Kala Leeyihiin Kuraasta Golaha Wasiirada

 

 

Goloha wasiirada Somaliland oo tiradooda guud marayso ku dhawaad...........



Hargeysa (TNN):-Mansabyada hay’adaha dawladda Somaliland gaar ahaan xukuumadda oo lagu saleeyo magacaabista xilalka kala duwan ee xukuumadda qaab beeleed oo lagu saleeyo xulashada xubnaha jagooyinka loo magacaabayo isla markaana masuulka xilka laga qaado la gu badalo masuul ay isku beel ka soo jeedaan taas oo xitaa marka laga tago jagooyinka golo ha Wasiirada, Agaasima waaxeedyada wasaaradaha ay gaadhay in beelo lagu qaybsado.


Goloha wasiirada Somaliland oo tiradooda guud marayso in ku dhaw konton xubnood oo isku gu jira Wasiirro, Wasiiru dawlayaal iyo wasiiro ku xigeeno ayaa xiligan isku badashay mid sal balaadhan oo keentay tiro badnaanteedu mid ay saamayn ku yeelatay nidaamka beelaysan iyo saamiqaybsiga kuraasida golaha xukuumadda lagu saleeyo. Beelaha Somaliland ayaa kur aasida golaha wasiirada u kala leh sidan soo socota:


Beesha Bariga Burco


1. Wasiirka Madaxtooyada
2. Wasiirka Duulista hawada
3. Wasiirka Macdanta
4. Wasiirka Dhalinyarada iyo Ciyaaraha
5. Wasiiru-dawlaha Waxbarashada
6. Wasiir-ku xigeenka Beeraha.

Beesha Galbeedka Burco

1. Wasiirka Arrimaha Gudaha
2. Wasiirka Deegaanka
3. Wasiirka Xanaanada Xoolaha
4. Wasiiru-dawlaha Maaliyadda
5. Wasiir-kuxigeenka Ganacsiga
6. Wasiir-kuxigeenka Caafimaadka.

Beesha Waqooyiga iyo Galbeedka Hargeysa

1. Wasiirka Maaliyadda
2. Wasiirka Arrimaha Dibadda
3. Wasiirka Ganacsiga
4. Wasiirka Warshadaha
5. Wasiirka Waxbarashada.

Beesha Gobolka Saaxil

1. Wasiirka Qorshaynta Qaranka
2. Wasiir-kuxigeenka Amniga ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha.

Beesha Salaxlay

1. Wasiirka Warfaafinta iyo Wacyigalinta
2. Wasiiru-dawlaha Madaxtooyada.

Beesha Balligubadle

1. Wasiirka Caddaladda
2. Wasiirka Diinta iyo Awqaafta
3. Wasiir-kuxigeenka Arrimaha Dibadda
4. Wasiir-ku xigeenka Arrimaha Bulshada.

Beesha Sayla-Bari
1. Wasiir-ku xigeenka Gaashaandhigga.

Beesha Gobolka Awdal

1. Wasiirka Arrimaha Bulshada
2. Wasiirka Beeraha
3. Wasiirka Xidhiidhka Goloyaasha
4. Wasiirka Boosaha iyo Isgaadhsiinta
5. Wasiiru-dawlaha Arrimaha Dibadda
6. Wasiir-kuxigeenka Qorshaynta Qaranka.

Beesha Gobolka Sool iyo Buuhoodle

1. Wasiirka Caafimaadka
2. Wasiirka Hawlaha Guud
3. Wasiirka Biyaha
4. Wasiiru-dawlaha Nabadaynta Gobolada Bari
5. Wasiir-ku xigeenka Arrimaha Gudaha.

Beesha Bariga Sanaag ee Gobolka Badhan

1. Wasiirka Gaashaandhigga
2. Wasiirka Kalluumaysiga
3. Wasiiru-dawlaha Xannaanada Xoolaha
4. Wasiir-kuxigeenka Macdanta.

Beesha Gobolka Selel

1. Wasiirka Dib-udajinta
2. Wasiir-ku xigeenka Caddaalada.

Beesha Fiqishini

1. Wasiir-ku xigeenka Warfaafinta.

Beesha Laga Tirada Badanyahay

1. Wasiir-ku xigeenka Hawlaha Guud.
 


Qaybaha kale ee Agaasimayaasha guud La soco…
 



Xigasho:Haatuf