Hool Cusub Oo Lagu Soo Kordhiyay Xarunta Agoomaha oo Saaka Xadhiga Laga Jaray iyo Shirkada Omaar oo Adhi Ugu Deeqday

 

Meelaha maanta waxqabadka u baahan xaruntan agoomaha ayaa ka mid ah oo maanta hadaan ilaahay inoo bixin ganacsade Jaamac Oomaar lamaba dhex joogeen”.

Gabiley (TNN):- Badhasaabka Gobolka Gabiley Maxamed Axmed Aw Cabdi (xabiib) ayaa maanta xadhiga ka jaray dhisme cusub oo lagu kordhiyay xarunta agoomaha ee  magaal ada Gabiley. Xaflada xadhiga lagaga jarayay dhismahaasi cusub oo ay maal galiyeen labada muwaadin ee ree Canada Dr Siciid Muxumed Maax iyo ayaa saaka lagu qabtay barxada wayn ee xarunta agoomaha magaalada Gabiley.


Badhasaabka gobolka Gabiley Maxamed Axmed Aw Cabdi (xabiib) ayaa munaasibadaasi xadhiga lagaga jarayay uga mahadnaqay dhamaan dadkii sida hagar la,aanta ah ugasoo qayb qaatay aasaaskii xarunta agoomaha, dadkii fikirka lahaa, ciddii gacanta ka siisay inuu dhimahan xarunta agoomuhu suurta galo, ganacsadaha wayn Jaamac Oomaar  Se ed oo uu ku tilmaamay Aabaha iyo Hooyada caruurta xarunta agoomaha, jaaliyahada wadamada Holland iyo dhamaan cidii waxsoo tartay agoontaa yaryar ee cidda u maqani ay inaga tahay.

Badhasaabka Gobolka Gabiley waxaa kale oo mahadnaq iyo duco usoo jeediyay labada shakhsi ee mutadawiciinta ah ee hirgaliyay dhismaha hoolkaasi cusub ee lagusoo  kord hiyay xarunta agoomaha. Dr Sicii Muhumed Maax ayuu badhasaabku ku amaanay  wada ninimada iyo sidoo kale inuu baal dahab ah kaga jiro taariikhda iyo waxqabadka gobolka Gabiley. Sidoo kale wuxuu badhasaabku uga mahadnaqay Dr. Siciid doorkii uu ka  ciyaar ay qaadhaankii dhakhtarka uu kalidii Toban Kun oo doolar kusoo taburucay, istoodhka xarunta agoomahana isagu dhisay.

Xabiib sidoo kale wuxuu halkaasi uga duceeyay Faadumo Cabdi Maxamuud oo lagu  shee gay inay tahay gabadh da,ayar oo wali ku jirta wakhtigii waxbarashada jaamacada  wax aanu ilaahay uga baryay in aqoonta ay baranayso ilaahay u fududeeyo hamiga nololeed ee ay xambaarsan tahayna ilaa uga dhigo if iyo aakhiroba mid anfaca.

Badhasaabku wuxaa kale oo uu munaasibadaasi kaga dhawaaqay in C/qaadir Xaaji  Ask ar oo ah ganacsade dagan wadanka maraykanka goobtaasi ka balan qaaday inuu  maan ta siinayo xarunta agoomaha $300 (sadex boqol oo doolar), sidoo kale waxaa uu  badha saabku balan qaaday inuu isagu shakhsiyan u keeni doono caruurta agoomaha ah, Dac as, Buugaag, Qalimaan, Waysooyin iyo Qalabka dhulka lagu nadiifiyo.

“reer gabiley waa dadka ugu badan ee wax bixiya, oo anigaygan idinla hadlayaaba  Bur co iyo meelo kale oo badan waxbaan kusoo bixinay. Laakiin xaga jaaliyadaha dibada  m arkaad eegto faan iyo magac waxay inaga tahay ma garanayee laakiin waa la inooga badiyaa inay hurno oo aynu dadkeena wax u soo qabano. Meelaha maanta waxqabadka u baahan xaruntan agoomaha ayaa ka mid ah oo maanta hadaan ilaahay inoo bixin  gan acsade Jaamac Oomaar lamaba dhex joogeen”. Waxay ka mid ahaayeen hadaladii  gudo omiyaha gobolku ka sheegay xafladaasi.

Waxaa kale oo isaguna halkaasi hadal dheer oo iskugu jiray mahadnaq, ka xogwaramid Xaalada guud ee xarunta Agoomaha, iyo sidoo kale baahiyaha xarunta agoomaha ee wakhtigan u baahan in wax lagala qabto maamulaha xarunta agoomaha Cumar Cabdi (Cumar dheere) waxaa uu ka waramay taariikhdii kala duwanayd ee xaruntaasi isagoo sheegay in xarunta agoomaha la furay 2001dii oo ay fureen inamo ka mid ah jaaliyada reer Norway iyo odayaasha reer Gabiley iyo sidoo kale in caruurta xarunta agoomaha lagu bilaabay 40 caruur ah oo lagasoo kala ururiyay dhamaan tuulooyinkii ay ka  koobna yd Gobolka Gabiley oo wakhtigaasi ahaa Degmo.

Cumar dheere wuxuu si qoto dheer uga waramay in caruurtii agoomaha ahayd ee  xaru nta lagu bilaabay ay maanta marayaan ilaa iyo heer jaamacadeed iyadoo ay inta  maan ta joogtaana u kala qaybsan yihiin dugsiyada sare, hoose/dhexe iyo jaamacada.

Maamulaha Xaruntu wuxuu sheegay in xaruntani ay tahay hoy ay ardaydu seexdaan, goob ay wax ku bartaan iyo sidoo kale masaajid xarunta ku dhex yaala oo uu sheegay cumar inay u dhiseen haayad islaami ah.

Cumar dheere wuxuu si qoto dheer uga sheekeeyay oo uu halkaasi uga duceeyay inuu if iyo aakhiroba liibaano Ganacsadaha wayn ee Jaamac Oomaar Seed oo uu sheegay inuu xaruntani marka xaga ilaahay laga yimaado isaga ku tiirsan tahay. Waxaa kale oo uu  maamuluhu halkaasi uga mahadnaqay dhamaan cidii xaruntaasi gacan ka gaysatay oo uu sheegay haduu maanta halkan uga mahadnaq is yidhaahdo aanu dhamayn karayn.

Maamulaha xaruntu wuxuu halkaasi ka sheegay in ay xaruntu leedahay baahiyo faro badan aan hadal iyo qoraal toona lagusoo koobi Karin waxaanu sheegay inay caruurtu u baahan tahay waxa uu u baahan yahay waxa uu u baahan yahay ilmaha gurigii aabihii iyo hooyadii.


“Baahiyadu way badan tahay waad dareemi kartaan hoy wax lagu barto waa hoy  gur yaha aad kasoo toosaan oo kale ah, waa hoy ay ku jiraan 80 qof oo ay doonayaan  raa shinkoodii wixi raashinka lagu karinayay bal hada qiyaasi sideetan u baahan Qalinkii, buugii, dhuxushii, girgirihii iyo waxkasta oo qof bini aadam ahi u baahdo. Waxaa kale oo baahidayada ka mid ah dhismaha oo aan wali nagu filnayn waxaananu aad u jeclaan lahayn in la noo dhiso Hool cuntada iyo akhriska aanu u wada isticmaalo” waxay ka mid ahaayeen kalmadihii uu maamulaha xaruntu ka yidhi xafladaasi xadhiga lagaga jarayay hoolka ay dhiseen labada mutadawac

Waxaa kale oo halkaasi ka hadlay Sheikh C/laahi Makaawi oo ka waramay waxa ay  dii nta islaamku ka tidhi agoomaha isagoo sheegay in ilaahay quraankiisa ku yidhi “Nabi  Mu xamedoow CSW agoonta ha huruufin, hadal xuna ha odhan” waxaa kale oo uu sheekhu sheegay in xadiis laga weriyay Nabi Muxamed CSW ee uu sheegay in qofka agoonka xanaaneeya ay janaada isla galayaan isagoo ishaaray labada farood ee murdisada iyo farta dhexe ay iskugu jiraan ay Nabi Muxamed iyo qofka agoonta xanaaneeya ay isku noqonayaan.

Sheekhu C/laahi wuxuu gebogebadii hadalkiisu carabka ku adkeeyay aadna ugu  dheer aaday aaxaadiista iyo aayadaha ka waramaya qofka agoonta wax tara iyo kaalinta uu aakhiro ka galayo.


Sheik Maxamed Ibraahin Seed oo isagu ka wakiil ahaa labada muwaadin ee u hawl galay sidii ay kaalin muhiim ah uga ciyaari lahaayeen waxqabadka iyo horumarka curdinka ah ee la bilawday gobolka cusub ee Gabiley ayaa munaasibadaasi kaga waramay inay Dr Siciid iyo Faadumo oo labadooda midna $1,000 (kun doolar) midka kalana ($3,000) sadex kun oo doolar soo bixiyeen, dhismihiina dhamaystirmay iyadoo ay ku baxday $4,350 (Afar kun sadex boqol iyo konton doolar) inta dheerna afarta kuna ay balan qaadeen.

Seed wuxuu halkaasi ka sheegay inay labada muwaadinba lacagta isaga kus oo  hagaa jiyeen isagoo labadaba si faahfaahsan uga waramay waxqabadkooda ilaahayna uga baryay inuu ilaahay ka abaal mariyo agoontaasi ay ka soo ducaysteen. Dr Seed wuxuu munaasibadaasi ka sheegay in ay Faadumo oo ah ardayad wax ka barata Jaamacad ku taala wadanka Canada ay xagaagii sanadkii hore oo ay timid wadanka xog badan ka qa aday xarunta agoomaha isla markaana balan qaaday inay dhaqaale usoo raadin doonto ay wax kaga qabato marba baahiyaha ugu daran ee haysta xarunta agoomaha.

Dhanka kale waxaa iyaguna munaasibadaasi ka hadlay Boqorka Habar Awal Muxumed Geele Seed iyo jiif Caaqil Cabdi Ciidle Amaan oo labaduba ka xog waramay taariikhdii xa runta iyogoo labaduba sheegay inay ka soo qayb qaateen soo uririntii iyo fikirkii lagu aa saasay xarunta iyo abaabulkii bilawgii dhismaha quruxda badan ee ay maana  hadhsana yaan.

Labada oday ee Boqorka iyo Jiif Caaqilkuba waxay canaan usoo jeediyeen jaaliyadaha reer Gabiley ee ku nool qurbaha oo ay sheegeen in gobolada kale iyo wadamo faro badan oo Asia iyo Koonfurta Maraynkaba ay soo dhiseen jaaliyadohooda qurbaha ku nooli kadib markii ay soo mareen dagaalo iyo burbur faro badani.

Dhismaha hoolka cusub ee lagu daray xarunta agoomaha ayaa wax wayn ka tari doona baahidii ay u qabeen inay helaan hool ay caruurtu seexato iyadoo tirada caruurta xarunta agoomaha ku jirtaa sanadba sanadka ka danbeeya sii korodho. Xarunta waxaa hore uga qayb qaatay dhismayaasheeda Shirkada Omaar, Ninkii Talyaaniga ahaa ee dhisay dayrka iyo hoolkii ugu horeeyay, Dr Siciid Muhumed Maax oo istoodhka dhisay iyo Masaajidka oo ay ka caawisay haayada islaami ah oo la yidhaahdo QARNUL IFRIIQIYA.
 

 


Weriye C/risaaq Axmed Hayaan (ilkacase)
Timacade News Network TNN
Gabiley Office Somaliland
ilkacasenews@hotmail.com