Honbaro Libaaxbiy sow wada, Kulmiye wuxu soo wada UDUBtii hore oo an biyo ismarin

 

Waxan dhamaan salaamaya shacabka sharafta iyo karaamada mudan ee Jsland meel ey jooganba, waxakaloo an aad u salaamaya dhamaan shabakadaha Jsland ee wararka iyo madadaalada naga haqba tirey e noo heelan ee waqtigooda qaaliga ahna noo hura

Odaygii abu xikamka ahaa ee Alamse la odhan jirey ilaahey naxariistii jano ha ka  waarabi ye eyaa halheys u lahaa GADHKU maaha GADHKAAD MOODEEN, wuxu jawaabtaasi yidhi Oday Alamse mar ey dhalinyaro isqabsatey, xikmadaasi Alamse waxey noqotey mid taabo gashey oo runtii tisqaadey, waxaan leeyahay Kulmiye iyo UDUB ISBADAL doonku maaha ISBADALKAAD MOODEEN, markalana waxaan leeyah labada xisbi ee Kulmiye iyo UDUB  Riya ha qaawan baa idaha ku qosle ee sheeko kale oo ad ku ololeysan oo idinka iib baxeysa sha cabka u sheega oo ka daaya waxan idinka suurtoobi karin.

Waxa runtii wax laga xishood ah sida qaldan ee loo isticmaaleyo eryga Isbadal doon, maa ha inuu xisbiga kulmiye iyo UDUB ku ololeyan waxanu nahay isbadal doon. Runtiina  shacab ka soomaliland aad bey uga dharaggsan yihiin siyaasada labadaasi xisbi. haddii la soo  uru riyo afkaarta shacabka inta badani ma'mba aaminsan inuu maanta jiro xisbi la yidhaahdo Kulmiye oo Isbadal Doonihi sababtoo ah raggii Kulmiye lafdhabarta u ahaa ama bud dhiga u ahaa ee asaasayaashii ahaa dhamaantood wey ka wada huleelen oo waad la wada  soc otan halkey ku danbeyeen.

Waxa maanta runtii hormood u ah Kulmiye oo safka hore ugu jira siyaasada xisbiga una  t aliya koox hore UDUB uga tirsaneyd iyo koox kaloo iyan ka tirsaneyd maamuladii marxuum Cigaal, runtii ma haboona in ey sheegtan siyaasiyintii hore ee UDUB ka soo digo rogotey islamarkan xilal u soo qabtey xisbiga UDUB iyo dawlada Rayaale ee maanta jirta, in ay  sha cabka codkood ku ololeyaan waxaan caqliga saliimka ahi qaadi karin, waxan leeyahay  siya asinta Kulmiye ee cusub islamarkan ka tirsaneyd UDUBtii hore maxaad hore Isbadal iyo hormar dalkan ugu soo dabaali weydeen markii ad xilalka ad heysen ama midida  daabke eda heyseen? ma maantoo u kulmiye yahay gacan uurku jirta eyaad isbadal ku  hadaaqey san oo ad shacabka ku beerlaxaawsaneysan?

Waxaan leeyahay shacabka ama taageerayaasha Kulmiye, kulmiyahani maanta  hormood ka u ah kulmiye maaha kaad moodeysan ee waa UBUBoo shaadir idin soo hagoogatey.

Beenaale markhaatigiisu fogeyaaye bal il eega madaxda maanta kulmiye u sharaxan ama horboodeysa ee safka hore ugu jirta haddii ey ku guuleystan doorashada la filayo in ey dhacdo bishan June, dhamaan waxey ka mid ahaan jireen maamulkan UDUB islamarkan waa madaxdii iyo wasiiradii hore ee UDUB iyo maamulkii Cigaal oo an biyo ismarin, waxan leeyahay maxaad iska hagaraneyseen shalaytoole markaad midida daabkeeda ad  heyse en e ad isbadal doon u noqon weydeen?

Kuwani waa madaxdii hore ee UDUB maanta waa madaxda mustaqbalka ee Kulmiye, muxuu yahay isbadalka la sheegaya ama u ku ololeynayaa Kulmiye ama u ku naaloonaya, NINKA UU ILAAHEY WAXA SIINAYO UBADKIISU SIIYA, maanta madaxdani hoosada ku xusani waa kuwii hore inoo soo marey-

Muj. Siiraanayo waa wasiirkii hore/ gancasiga, iyo maaliyada, ee dawladii Marxuum Cigaal ilaahey naxariistii jano ha ka waraabiye
Muj. Musa bixi waa wasiirkii hore / daakhiliga
Dr. Gaboose waa wasiirkii hore ee daakhiliga
Inj. Maxamed Xaashi Cilmi waa wasiirkii /Ganacsiga iyo maayarkii caasimada Harg.
Nuux Sh. Omar waa wasiirkii hore / Ganacsiga
Muj. Maxamed Kaahin waa wasiirkii hore / gaashandhiga
Abdi aw Daahir waa wasiirkii hore / caafimaadka iyo xoghayihii UDUB
Abiibtimacde waa wasiirkii hore / beeraha
Muj. Abdillahi Iiman Dirwal waa wasiirkii hore / dibudajinta
Fuad Adencade waa wasiirkii hore ee Dhirta iyo daaqa

Ninwalba marka u ka soo boodo madaxtooyada ee u waqtigu ka dhamaado eyuu afka  ga canta galiyaa oo u maciisadaa waxan ahey isbadal doon islamarkan waxan kusoo biirey xisbi hebel, ma qabo ama ma aaminsani inuu faraq weyni u dhaxeyo kulmiye iyo UDUB, waa yo labaduba waxey inoo soo wadan kuwii eynu so aragney xukunkooda, hana filna in ey waxbadan soo kordhinayaan, aan argoosi iyo ficiltan aheyn Kulmiye iyo UDUB.

Bal u fiirso hadalada ka soo yeedheya Muj. Musa Biixi isagoon wali ku guuleysan  doorash adii madaxtooyda, eyuu leeyahay ma aqbali doono hadaanu nahay Kulmiye heshiiseydii dawladu la saxeexatey Dawlada u madaxda ka yahay md. Dahir Rayaale mudadii labada sanadoo aheyd ee doorashadu dib u dhacday, waa dhibaatooyinka fooda inagu soo haya haddii aan loo meel dayin codka shacabka, ninka ama gabadha siisa cod labadaasi xisbi kulmiye iyo UDUB waa qof aan mustaqbalka JSL aan dan ka la heyn, waa qof DAB IYO DHAQAX ISKU DUFTEY

http://www.jamhuuriya.info/index.php?art_id=13450&categ=&expand=&file=view_article.tp

Waxa isna halkan idinku soo lifaaqaya hadalad iyo hanjabaada Muj. Cali Gurey uu ku  daa dafeynaya doorashadu oo leh ila hadda ma aaminsanin doorasho qabsoomeysa June,  taa so u leeyahay ma jirto waqti rasmi ah oo la caymey, Waxey soomalidu tidhaada MULACA CARUURTUNA WAA KU CIYAAR, MULUCAN WAA KU QOORGOOYO, XISBIYADA MUCAARIDKA AH EE KULMIYE IYO UCID WAXEY DOORASHADU U CAYMANTAHAY BISHAN JUNE, UDUBNA ILA HADDA MA AAMINSAN DOORASHO DHACEYSA SIDA KA MUUQATA. http://www.geeska.net/content/view/1112/1/

Waxaad Maanta doorashadan mooda in ey UDUB iyo Kulmiye ba ku soo heshiiyeen sidii  mur an iyo fadqalalo loo abuuri lahaa, waxan haddaba leeyahay shacabka soomaliland ee sharafta iyo karaamada mudan ha eersanina gacantiina iyo codkiina ee ka fiirsada inaad siisan codkiina Kulmiye iyo UDUB oo an maanta waxba isdhaami siyaasadooduna ey tahay mid aan isdhaamin, wuxu kulmiye soo waadan waa wasiir Fua'd Adencade iyo wasiir Abdi Aw Daahir iyo wasiir Abdillahi Darwaal, Maxamed Xaashi iyo Gaboose iwm. kuwaaso hore dhamaantood inoo soo wada marey islamarkan ahan jirey UDUBtii hore.

Haddaba waxaa hubaal ah oo waliba marag ma doon ah inuu xisbiga kaliya ee isbadal  do onku yahay xisbiga UCID, sababtoo ah maanta xisbiga UCID waxa safka hore ugu jira  mad ax nadiif ah oo an maamuladii hore ee dalkeena ragaadiyay ka soo qeybgalin, waa madax ka saliim ah dagaaladii sokeye ee dalkeena ka dhacay, waa madax sidata inta badan baasaaboor caalami ah oo aan dibada xiiso u qabin oo dalkooda u soo boholyooday sidii ey ugu shaqeyn laayeen, waa madax caalamka gaadhsiin karta kana biyo dhiijin doonta ictiraafka eynu rabno, runtii waa dhalinyaro an qabyaalad iyo goboleysi midna ku dhaqmin

Waxan leeyahay maanta wuxu dalku u baahan yahay badbaado, haddii ad u codkiina u  hu rtaan UCID waxa hubaalah inuu dalku badbaadi doono 100%, hadiise ad u codeysan  Kul miye iyo UDUB u diyaar garooba inuu dalku sadex qeybood u kala go'o, runtii waa  saada lada ka soo muuqata labada xisbi ee muranka iyo aargoosigu dhexmiranayo, waxaan  leey ahay shacabka soomalilandnoow DAB IYO DAGAX LA ISKUMA DHUFTEE KALA DHawRAY, haddii ad codkiina siisan UDUB waad khasaarteen, haddii ad siisan kulmiye waa kadar oo dibi dhal oo niman ciil iyo cadho qabaad dalkii gacanta u galiseen, maanta dalkeenu uma baahna AARGOOSI iwm, wuxu dalkeenu u baahan yahay badbaado, runtii badbaadaduna waxey ku jirta codkaaga oo ad siiso xisbiga qaran ee UCID-

Wa bilaahi tawfiq

 

 

 

Omar Darood Hassan
Gudoomiya Guud ee Nordic UCID