Holland: Dadka Muslinka ah oo soo dhaweeyay dacwad ku oognayd nin xisbi siyaasi ah oo ku ad-adag Muslinka

 

Waxa dhawaan ay maxkamad ku taal dalka Holland ogolaatay in mar-labaad dib loo eego oo loo furo dacwad ku oognayd nin magaciisa la yidhaa, mr Geer Wilders, oo ah hogaamiyaha xisbiga P V V, ee ay siyaasadiisu aad ugu janjeedho garabka midigta, dacwadan hada dib loo eegayo oo sanadkii hore ninkan siyaasiga ah lagu soo oogay ayaan wax horumar samayn oo u xasaagatay arimo sharci dartood, dacwada hadaba eega ay maxkamadu garwaaqsatay in dib loo eego ayaa ninkan waxa lagaga soo oogay meelo kala duwan sida, ururo ay leeyihiin dadka Muslimka ah ee Holland ku dhaqan, ururo u dooda xaquuqal insaanka iyo weliba dad kale oo daneeya samo-ku-wada-noolaanshaha bulshada. Ururadan iyo dadkani waxay ku soo eedeeyeen ninkan siyaasiga ah inuu ku xadgudbay dadka muslinka ah iyo diintoodaba iyo weliba ayay yidhaahdeen sharciga dalkan Holland u yaal oo dhigaya in la xurmeeyo oo la tixgaliyo u madaxbanaanida caabudaada iyo ku dhaqmista Diidamaha, ka dib markii ninkan siyaasiga ahi uu si aan gabasho iyo tudhis lahayn dhaleeco iyo aflagaado badan ugu gaystay diinta Islaamka, iyo isaga oo weliba Filim dacaayada ah ka sameeyay diinta Muslinka iyo dadka caabduaba, Filimkaasi oo la odhan jiray '' Fitna ''. Waxa kale oo lagu eedeeyay ninkan in cambaarayantiisa ku jeeda diinta Islaamku ay tahay mid uu ku abuurayo kala fogaansho iyo isku soofeyn dadyowga kala diinta, midabka iyo dhaqanka ah ee dalkan Holland ku wada nool.

Mr Gert Wilders oo looga yeedhay maxkamada shalay ( 20 jan ) laguna wargeliyay halka xaal marayo iyo sida ay dacwadii loo haystay u labakaclaysay ( asalaysay ), ayaan wax garawshiiyo ah arintaa ka muujin ee ku adkaystay inaanu wax danbi ah ka galin sharciga dalka u yaal, hadii ay maxkamadu ku talaabsato arintan ay hada wadana ay noqonayso ayuu yidhi, in maxkamadu ay ku xadgudubtay qodob ka mid ah dastuurka dalka u yaal oo odhanaya '' inuu qofku u madaxbanaan yahay rayigiisa '' .Oo taasina ay tahay ayuu raaciyay mid isaga iyo dadka uu matalo oo boqolaal kun ah xad gudub ku ah !. Siyaasiyiin kale oo kala xisbiyo ah oo arinta wax laga waydiiyay ayaa iyagu siyaalo kala duwan uga hadlay arintan iayada oo qaarkood ka gawsqabsadeen in ay taageeraan labad dhan midna, waxase ay ku soo koobeen rayigooda in la sugo maxkamada iyo talaabooyinka ay qaado, oonay haboonayn in arimo garsoorku ku jira la faragaliyo. Dhanka kale waxa aad u soo dhaweeyay arintan oo ku tilmaamay talaabo loo baahnaa in la qaado, dadka kala duwan ee ajaanibka ah iyo weliba ururadii iyo dadkii dacwada iyagu ku oogay ninkan siyaasiga ah oo ku tilmaamay arin guul u aha wada noolaansha iyo sharciga dalka u yaal, hadii ay go' aansato maxkamadu in dacwadaa lagu soo oogo oo markaan lagu helo waxa uu mudna doonaa ciqaab nooc ay noqotaba !.

F G, Waxase hadaba aad iskugu murugsan oon sinaba loo kala saari karanyn xadka u dhaxeeyaana aanu marnaba cadaanayn ee uu had iyo jeer qasnaanayaa, gaara ahaan marka aad joogto dalalkan reer Galbeedka ah ee Diimuqraadiyada ku dhaqma Labadan xeer ee kala ah, 1- inuu qofku u madaxbanaan yahay diintiisa iyo dhaqankiisa iwm, loona tixgaliyo weliba 2- Inuu qofku u madaxbanaan yahay rayigiisa oo wax kasta ka dhiibto oon lagu qabsan karin, mudan yahay in lagu xurmeeyo, dacwadan hada la isku haystaa waxay ku arooraysaa labadaa xeer, oo qolaba mid cuskanaysaa.

 

 

 

 



Qalinkii: Cali Cumar Xasan