L

 

WAR-SAXAAFADEED

 

Liisaska Qoraalkooda la idiin soo gudbiyey, waa waxa sababta u ah Khilaafka Xisbiga ka dhex taagan, ummadda reer Somaliland-na way ogtahay. Khilaafkan oo ay abuureen ma suuliyiin ay ka mid yihiin xubnihii Shir guddoonka Shirweynihii 3-aad ee Xisbiga KULMIYE oo awood aanay lahayn ku takri-falay.

Sidaasi daraadeed, waxaannu Guddida Diwaangelinta ugu baaqaynaa inaanay ku dhex milmin khilaafka KULMIYE dhexdiisa ah, dibaddana ay ka joogaan, iskana ilaaliyaan in sh arciyadda cidi gacan-maroojiso.

Waxa kale oo aannu idinla socod siinaynaa in xallinta khilaafka KULMIYE dhexdiisa ay ga canta ku hayaan Golaha Guurtidu, ayna u baahan tahay in la dhawro waan-waanta soc ota.

Gabo-gabadii, waxaannu idiin soo gudbin doonaa Liisaska Golaha dhexe, Guddida Fulinta iyo go’aamadii Shirweynaha 3-aad ee KULMIYE marka Khilaafka Xisbigu Dhamaado.

 

Muuse Biixi Cabdi

Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE