HOGAANKA XISBIGA KULMIYE, HA KALA DOORTAAN GO’II SHAALKA AHAA, GIDAAR RAACII IYO NABADA
Somaliland waa dal aan wali
icitiraaf helin, balse ay ka qabsoomeen sadex doorasho oo kala
duwani, kuwaas oo aan inta badan ka dhicin Qaaradda Afrika,
Doorashooyinkaas oo kala danbeeyey, waxa ugu horeysay Doorashadii
Golayaasha Deeganadda ee qabsoontey 2002, Doorashadii Madaxtooyadda
ee iyana qabsoontey 2003 iyo Doorashadii Golaha Wakiiladda JSL oo
iyana qabsoontey 2005. Haddaba waxa hagardaamo ku ahaa horumarinta dalka JSL Xisbiyadda mucaaridka ah, oo markasta caqabado joogto ah kala hor imanaayey talaabo kasta oo xaga saxda ah loo qaado, iyagoo ka doorbidaayey danta ummadda, sidii ay kursiga u fuuli lahaayeen qiimo kata oo ay ugu kacayso, halka ay xukumaddu ay markasta xooga saarto horumarinta bulshadeeda danyarta ah, arrinka Kulmiyina waxa uu ka dhigan yahay (hal booli ahi ma dhasho nirig xalaal ah). Waxa jirta in aad moodo in xisbiyadeena macaaridka ahi ay daruus ka qaateen qalalaasaha siyaasadeed ee ka jira gobolka, duruustaas oo ay hada muuqato ifafaalaheedi, waxa aynu ka dhadhasan karnaa habdhaqanka xisibiyadda mucaaridka ee hadda jira, kuwaas oo hada ka soo horjeestay in ay dhacado doorasho xor ahi, balse ka doorbidaaya in ay muran geliyaan xeerarka iyo Dastuurka Qaranka. Waxaana jirey safaro kala duwan
oo ay hogaamiyaasha muwcaaridka ahi ugu baxeen mandaqdda aynu ku
nool nahay, sida safarkii uu gudoomiyaha Xisbiga kulmiyey ku tagey
dalka Kenya, iyadoo websaadyadda somaliland lagu baahiyey, in
Gudoomiyaha xisbiga kulmiye is arkeen Nuur Cadde iyo masuuliyiin
kale oo ka tirsan Dawladda Somaliya, ihalkaana ku wada qaatey
awaa-miir iyo arrimo badan oo ka dhan qaranimadda Somaliland,
waxaana la sheegay in ay isla qaateen sidii aaney doorashadu ugu
qabsoomi laheyn dalka, taas ay muuqato sida Kulmiye diyaarka ugu
yahay fulinta arrimhaas, waxaana marag ma doon ah sida Xisbiga
Kulmiey uga soo horjeestay qabsoomida doorashadda Madaxtooyadda ee
Gudiga Komishanka Doorashooyinka Qaranku u cayimay 31/05/09. Iyadoo
aaney jirin door uga banaan Golaha Wakiiladda, balse ay tahay arrin
u taal sadexda haay’adood ee kala ah Komishanka, Xukumadda iyo
Guurtida.
|