HOGAANKA
IYO XILDHIBAANADA XISBIGA KULMIYE QAAR KA MID AH OO DAGAAL XOOGAN
KULA JIRA XUKUUMADDA

Hargeysa (TNN)- Bishan iyo maalmahan ugu danbeeyey ayaa waxa si weyn
isu soo tarayay mucaarad ad iyo dagaal culus oo qaar ka mid ah
hogaanka xisbiga Kulmiye iyo xildhibaanada xisbiga Kulmiye ay kula
jiraan xukuumadda Madaxweyne Silanyo ee xisbiga Kulmiye.
Iyada oo mucaaradadasi socotay in mudo ahba, hase yeeshee waxa ay si
cad u soo shaac baxday bis hii June ee ina soo dhaaftay. Waxa
dhacday Md Cabdiraxman Talyanle oo ah Guddoomiye ku xigeenka xisbiga
Kulmiye ayaa hal asbuuc ka hor fajac iyo amakaag ku riday dhamaan
shacabka reer Somalilan d iyo dadka siyaasadda indha indheeya, kadib
markii uu ka codeeyey xil ka qaadistii
Guddomiyaha Max kamada Sare, ee uu la saftay mucaaridka
xukuumadda.
Dhinaca kale, xildhibaan Siciid Cilmi Rooble, Xildhibaan Axmed
Ducaale , Xildhibaan Ibraahim Kacaan iy o Xildhibaan Ibrahim Rayte,
kuwaasoo dhamaantood ah xildhibaanada xisbiga Kulmiye ee golaha wak
iiladda ayaa yaguna sidoo kale la saftay mucaaridka xukuumadda
Kulmiye, mooshinkii xilka lagaga qaa dayay guddomiyaha maxkamada
sare, taasoo fajac ku noqotay dadka badankiisa.
Ma aha keliya hal mooshin oo xukuumaddu keentay arrimaha hogaanka
iyo xildhibanada Kulmiye qaar ka mid ah ay xukumada ku mucaaradeen,
hase yeesee, waxa beryahan danbe soo shaac baxayay ifa faalo dagaal
iyo mucaaradad culus oo xisbiga Kulmiye in badan oo ka mid ah kala
hor imanayan xukuu madda Kulmiye amaba ay kala hor yimaaden.
Tusaale ahaan, waxa jira olole xoogan oo beelaysan, marna
siyaasadaysan oo maalmahan ka socda caasimada Somaliand ee Hargeysa,
kaasoo loogu diyaar garobayo ansixinta wasiiradii cusba ee Mada
xweyne Silanyo magacaabay dhowaan. Sidoo kale waxa jira shirar
beeledyo siyaadeysan oo lagu can baaraynayo xukuumadaa Somaliland.
Dhamaan ololahas iyo mawjadahaa mucaarad ee kala duwan waxa hormood
ka ah, sida warar xog og aal ah sheegayan iyo sida laga dheehan karo
fagaarayasha siyaasada xildhibanada iyo hogaanka Kul miye kuwa ugu
cad, sida Sicid Cilmi Roble iyo Cabdiraxman Talyanle.
Dhanka kale, waxa dad badan is waydiinayan sida Md Cabdiraxman
Talyanle oo ah gudomiye ku xigee nka xisbiga Kulmiye, isla markaana
ah xildhiban wakiilada, uu hadana dagaal iyo mucaaradad culus ug ala
hor iman karo xukumada. Sidoo kale waxa dad badan is waydiinayan
sida Sicib Cilmi Rooble oo ah xildhiban Kulmiye, isla markaana ah,
guddomiyaha guddi hoosadka arrimaha gudaha ee golaha wakiila dda, uu
dagaalka culus ugu qaaday xukuumadi ka dhalatay xisbigiisa Kulmiye.
Iyada oo dhinaca kale dadku is waydiinayan oo aan la garanayn
talaabadda ay ka qaadi doonto xuku umadda Siilanyo hogaanka iyo
xildhibaanada Kulmiye ee mucaaradka adag ku noqday xukuumadisa.
Sidoo kale waxa la is waydiinaya taladaba iyo jawaabta uu ka bixin
doono arrinkaas hogaanka sare ee xisbiga Kulmiye.
Gebegabadii, sida muuqata ayaa wakhtigan xaadirka ah Somaliland kama
jiro mucaarad tayo leh, iya da oo labada xisbi mucaarad ee UCID iyo
UDUB ay gudahooda isku mashqulsan yihin oo kala daadsan yihin. Sida
muuqata mucaaradka qudha ee xukuumada dagaalka kula jira yahay
xisbiga Kulmiye xildhib anadisi iyo hogaankisi qaar ka mid ah.
Maxamed Cumar Faarax
Hargeysa
|