Hogaamiyayaashii SNM Oo Dareen Cadho Leh Ka Bixiyay In La Xusi Waayo Maalinta Qaranimada Somaliland
 


“UDUB Wuxu La Shir Yimaado Ayaanu Haynin,Haddii Xaflada Ay Tagaan In Lagu Buuqo Oo La Tuur Tuuro Ayay Ka Baqeen Oo Waa Ka Gabasho” Eng. Maxamed Xaashi Cilmi


“Waa Ceebtii Ugu Waynayd Ee Ay Xornimada U Soo Hooyaan Maamulka Rayaale, Waa Qaran-Diidnimo, Ragii Ummadan Ugu Qaalisanaa Dhiigoodii Ayaa Ku Maqan Qaranimada” Mujaahid Ibraahin Dhago- weyne

Hargeysa, May 19, 2010 (TNN) - Qaar ka mid ah hogaamiyeyaashii ururkii dalka xoreeyey ee SNM, ayaa dareen cadho leh ka muujiyay xusid la’aanta maalinta qaranimada Somaliland ee 18-ka May, taas oo xukuumaddu baaqashadeeda ku sababaysay qaadashada kaadhadhka cusub ee  cod  bix nta. Hase ahaatee Mujaahidiinta SNM ayaa baaqashada xuska 18-ka May oo aan shalay la xusin ku tilmaamay marmarsiiyo aan la aqbali Karin oo xukuumaddu ku baajisay xuskaasi.

Ugu horeyn Guddoomiyaha xisbiga Kulmiye, Muj.Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo oo ahaa  g uddoomiyihii ugu mudada dheeraa SNM ayaa isagoo ka hadlaya dareenkiisa ku wajahan xuska  m aalinta qaranimada Somaliland waxa uu yidhi, “ 18-ka May waa maalin, Ilaahay waxan uga  barya yaa umadda inuu sanadkan sanadkiisa ku gaadhsiiyo bash bash iyo barwaaqo, waa maalin dhib badan loo soo maray,waa maalintii lagu dhawaaqay gooni isu taaga Jamhuuriyada Somaliland, inkastoo lagu jiro hawl qaran oo qaadashada kaadhadhka ah hadana may mudnayn in la xusi  wa ayo 18-ka May, Madaxweynuhu wuxu u hadlay siday isaga la noqotay. Siyaabo badan baa loo xusi karaa munaasibadan ma garanayo wax inaga joojinaya”.

Eng.Maxamed Xaashi Cilmi, oo ka mid ahaa aasaasayaashii ururkii SNM ee dalka xoreeyey isla  ma rkaana xilal kala duwan ka soo qabtay SNM iyo Somaliland, ayaa isagu si weyn u naqdiyay  maam ulka Rayaale ee qaban waayay xuskii 18-ka May, waxanu yidhi, “horta maalintani waa maalin weyn, haddii diiwaan gelin lagu jiro, fasax waa loo qaadi kari lahaa oo maalinta ku xigta uun baa Komishanka Doorashooyinka la odhan lahaa nooga dhiga oo dib waa loo dhigi kari lahaa, sidaas ayaa loo farsameyn kari lahaa, marmarsiiyo laga dabaalan kari lahaa ayay heleen, maalintan in la xuso oo la qadariyo waa muhiim.waxan odhan karaa wakhtiga uun baa iskaga hagaagaye UDUB wuxuu la shir yimaado uun baanu heyn oo haddii xaflada ay tagaan in lagu buuqo oo la tuur  tuu ro ayaa suurtoobi laheyd, kolkaa inay gabasho ka tahayna ka soo qaad. Calanka UDUB maanta isagaa ugu rakhiisan calamada, calanka Somaliland iyo ka Kulmiye ayaa ugu qaalisan, halkaaba ka garo”

Dhinaca kale Mujaahid Ibraahin C/laahi Xuseen (Dhago weyne) oo ka mid ahaa hogaamiyayaashii ugu waaweynaa ururkii xaq u dirirka SNM oo isna ka hadlaya dareenkiisa ku wajahan sababta  ke entay in la xusi waayo maalinta qaranimada Somaliland ee 18-ka May. mar uu shalay u  waramay ey wargeyska Haatuf, waxa uu yidhi “Ummada reer somaliland waxan ku tahniyadaynayaa  maa linta qiimaha iyo qaayaha badan ee qalbiyadeena ku xardhan ee aynu xornimadeena la soo  noqo nay ee 18-ka May, qaranimadaas oo ay dhiig badan u soo daadiyeen, hanti badanina kaga  lunt ay, in badanina u shihiiday inay ilaashadaan dawladii ilaalin kari waydaye waataa maalintii  qiim aha badnayd dabaal dagi kari wayday ee baqatay, waxan leeyahay maalin la baqo maaha oo  qar ax laga baqo, ka wax qarxinaya inay qabtaan ayey ahayd oo ay sharciga horkeenaan oo dadka hortooda lagu xukumo. Waxan leeyahay haday difaaci kari waayeen qaranimadii ummadani u soo halgantay meesha ha iskaga tagaan oo ha baneeyaan.Waxan la dhuumanayaa qaranimadii waa wax laga xishoodo oo ceeb ah, fadeexad ayey dawlada ku tahay, waxaanan leeyahay waa  ceeb tii ugu waynayd ee ay xornimada u soo hooyaan maamulka Rayaale.Caalamka dawlada aan  difaa ci Karin dalkeeda iyo dadkeeda waxa la yidhaahdaa way fashilantaye ha is casisho ayey  aduuny adu tidhaahdaa, mar hadaanad difaaci karaynin ummadaada waxba uguma filnid, cudur daar ma laha, ka warwareeg malaha, wixii intaa soo raacaa waa qarandiidnimo. Hadaanad duhur cad  difa aci karaynin dalkaaga iyo qaranimadaada waxba kama jiraan weeyi waxaad meesha ku joogtaa.

Waxa xaqiiq ah oo marag ma doon ah in aanay dawladu garanayn qiimaha ay 18-ka May ugu  fad hido ummada reer Somaliland, taangi, madfac iyo dayuurado ayaa looga gaban waayey haday nabadgalyo daro jiri lahayd, waase lagala soo dhex baxay, ragii ummadan ugu qaalisanaa  dhiigo odii ayaa ku maqan maalintan qaranimada, waanu dhuumanaynaa oo qarax ayaanu ka  dhuuman aynaa maaha wax la qaadan karo.

Dalkan dhibaatooyinkii ka dhacay ee aynu ogayn ee la inagu soo weeraray waxaynu ognahay in ummadu aanay wali wixii baadhitaankii ka soo baxay aanay ogeyn oo aanay jawaab cad oo  arim ahaa baadhitaanka khuseeya helin, dawladu waaban sii dhuumanaynaa baabay ku darsadeen, m arkaa hadii aanay xukuumadu waxba baadhi Karin ha tidhaahdo waxba ma hayno, hadii ay  dawla du cadayn waydo wixii dadku u dhintay, waxa cad in ay iyadu qayb ka tahay”

Mujaahid Ibraahin C/laahi Xuseen (Dhago-wayne) isagoo ka hadlaya baaq uu u dirayo ummada reer Somaliland, waxa uu yidhi “waxaan ummada reer Somaliland ugu baaqayaa inay ilaashadaan xornimadooda iyo dalkooda, waanan ku hambalyeynayaa ciidan aynu u dabaaldegi weynay ee 18-ka May.

Source:Haatuf