Hogaamiyayaasha UCID Iyo WADDANI Oo Madal Loo Dhan-yahay Iskugu Duurxushay

 

 


Labadan masuul oo hore saaxiib dano ka dhaxeeyaan ahaa, balse siyaasadu kala fogeys ay..........


Hargeysa (TNN) Guddoomiyayaasha xisbiyadda siyaasada Somaliland ee UCID iyo Waddan i Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) iyo Eng Faysal Cali Waraabe, ayaa markii ugu horeysay madal ay ku kulmeen isugu duur xulay.

Labadan masuul oo hore saaxiib dano ka dhaxeeyaan ahaa, balse siyaasadu kala fogeys ay, isla-markaana uu soo kala dhex galay khilaaf sababay in Waddani la aasaaso, iyadda oo sababo badan jireen, ayaa maanta ku kulmay madal uu ku sugnaa Madaxwaynaha So maliland, waxayna si duur xul iyo cadaan ahba isugu tureen weedho siyaasadeed.


Guddoomiyaha Waddani Cabdiraxmaan Cirro oo ka hadlayey munaasibadii lagu furay shir waynaha lixaad ee dallada SONYO, ayaa dhalinyarada amaanay, isaga oo tilmaamay in ax saabtu ay dhalinyarada kaga dayanayaan inay wakhtiga shirarkooda ilaaliyaan “qolooyin ka xisbiyadu waxay dhalinyarada ka baranayaan inay wakhtiga ilaaliyaan (wakhtiga gudd oomiyaha la badalayo oo kale)”ayuu yidhi Cirro oo markaa ka dib madasha ka baxay.

Guddoomiyaha UCID Eng Faysal Cali Waraabe, oo isna markaa ka dib hadlay ayaa isaga oo ku soo halqabsanaya hadal xidhiidhiyaha Munaasibadu ku tiraabay markii uu u yeedhay Guddoomiyaha Waddani oo ahaa “Guddoomiyaha xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani” ay uu Faysal yidhi “Waddani imika ayuu ku soo biiray saaxada xisbiyada, markaa inuu Mucaar ad yahay iyo Inuu Muxaafid yahay kala hubsada, mucaaradka aad tidhaahdeen waad ku deg-degteen”

Faysal Cali Waraabe, waxa kale oo uu sheegay “Anagu waanu yar xamanaa oo Waddani oo waxaanu nidhaahnaa shoode Kulmiye”ayuu yidhi.


 


Timacade News Desk
Hargeysa,Somaliland