HINDISE
AY LABA WASIIR( CAWIL&DUCALE) ULA TAGEEN DEEQ BIXIYAYAASHA OO AY
GANAFKA KU SOO DHUFTEEN

Wakiilada
wadamada Deeq-bixiyeyaasha ee Somaliland ka taageera ge e
di-socodka dimuqraadiyadda iyo doorashooyinka ee xaruntooda
mag aa lada Nairobi ee dalka Kenya, ayaa ganafka ku dhuftay hindise
ay wa siiro ka tirsan xukuumadda Madaxweyne Riyaale la tageen
magaalada Nairobi si ay deeq-bixiyeyaasha ugu soo qanciyaan inay ka
dabciyaan shuruu daha ay hore ugu xidheen xukuumadda Rayaale inay
fuliso ka hor inta aanay deeq-bixiyeyaashu sii deyn kharashka ay u
qoondee ye en inay ku bixiyaan doorashada Madaxtooyada ee
Somaliland, isla mark a ana aanay doorashadu dib uga dhicin
wakhtigii loo cayimay.
Sida ay Haatuf u xaqiijiyeen ilo xog-ogaal oo ku sugan Nairobi,
wakiilada dalalka Somaliland ka taageera doorashooyinka ee ay ka
midka yihiin wadamada UK, USA, Sweden, Norway, Demark iyo Midowga
Yurub ayaa u sheegay wasiiro xukuumadda Rayaale ka socday oo dhawaan
socdaal ku tegay magaalada Nairobi inaanay deeq-bixiyeyaasha waxba
ka bedeli doonin shuruudihii ay hore ugu xidheen inay fuliso
xukuumaddu dhinace eda, si loo dhammaystiro qabyadda
carqaladda ku ah qabsoo mida doora shooyinka
Madaxtooyada, taas oo ay kow ka tahay in xuk u umaddu ay
bixiso saamiga kaga soo hagaagay xukuumadda Rayaale kharashka
doorashada ku baxay oo dhan 25%, iyadoo ay deeq-bixiyeyaashu ugu
dambayn u qabteen xukuumaddu inay kharashkaas ku shubto 21-ka bisha
June 2009 oo ku beegan maanta.
Wasiirada Maaliyadda iyo Arrimaha Dibadda, Cawil Cali Ducaale iyo
Cabdi l laahi Maxamed Ducaale oo toddobaadkii hore socdaal ku tegay
dalka Kenya ayaa la sheegay inay Deeq-bixiyeyaasha ula tageen
hindise ay ku doonayaan inay deeq-bixiyeyaashu wax kaga bedelaan
shuruudihii ay hore u soo bandhigeen, waxaanay wararka laga helay
kulamadii ay wasiiradaasi la yeesheen wakiilada deeq-bixiyeyaashu
tibaaxeen inay ka codsadeen deeq-bixiyeyaasha in xubnaha Komishanka
doorashooyinku sidooda ahaa, balse la bedelo laba xubnood oo keliya,
iyadoo ay deeq-bixiyeyaashu shuruudahoogii ay ka mid ahayd in
xubnaha Komishanka lagu kaabo xubno dheeraad ah. Sidoo kale waxay
wasiirada xukuumadda Rayaale ka dalbadeen wakiilada deeqbixiyeyaasha
in shaqada Interpeace loo xilsaaray badh laga siiyo Komishanka, isla
markaana loo ogolaado inay wax ku yeeshaan awoodaha kharash-bixinta.
Waxa kale oo ay wasiiradu codsadeen in deeq-bixiyeyaashu ka
tanaasulaan qodob ka mid ahaa shuruudahoodii oo dhigayey in la dhiso
guddi Xeer-beegti oo ka madax banaan Komishanka, kana gar-naqda
cabashooyinka doorashooyinka ka soo baxa, taas oo ay wasiiradani ku
tilmaameen inay dhismaha guddidani ka hor imanayso shuruucda dalka,
sidaas darteed ay guddidu noqoto guddida kormeerka doorashooyinka ee
ay komishanku magacaabo.
Tibaaxaha laga helay Nairobi ayaa sidoo kale sheegay inay wasiirada
Maaliyadda iyo Arrimaha Dibaddu wakiilada deeq-bixiyeyaasha u
sheegeen in 25% kharashka doorashooyinka ee xukumadda laga sugayay
ay shubi doonaan marka ay iyagu dib ugu laabtaan Somaliland. Taas oo
u muuqata inay wasiiradani Nairobi tageen iyadoo aanay xukuumaddu
waxba ka fulin shuruudihii ay deeq-bixiyeyaasha bil ka hor u soo
bandhigeen, waxaanay ahayd in kharashka la sii shubo ka hor safarka
wasiirada ee Nairobi haddii ay dhab ka tahay inay xukuumaddu diyaar
u tahay inay bixiso saamiga kharashka ku soo hagaagay ee 25%.
Inkasta oo ay Mr. Cawil iyo Cabdillaahi Yare isticmaaleen xeelad
kasta oo ay kaga dhaadhicin karaan deeq-bixiyeyaasha hindisaha ay la
humbaaleeyeen Nairobi, haddana waxay wararku tibaaxeen inay ku
hungoobeen, isla markaana ay wakiilada deeq-bixiyeyaasha wejiga kaga
dhufteen qorshihii wasiiradu Nairobi la tageen.
Wararku waxay tibaaxeen in deeq-bixiyeyaashu u sheegeen wasiirada
inaanay komishanka wakhtigan jira u arag mid wanaagsan, sidaas
darteed loo baahan yahay in lagu xoojiyo xubno kale, iyagoo u soo
bandhigay xubnaha wasiirada ah khaladaad badan oo dhacay oo ay
Komishanku waxba ka qaban kari waayeen.
Wakiilada Deeq-bixiyeyaasha ayaa sidoo kale wasiirada u sheegay inuu
hindisahoogani yahay mid aan loo dhamayn oo uu dhinac keliya ka
yimid, sidaas darteed aanu noqon karin mid ay aqbali karaan.
Ugu dambayntiina waxay wakiilada Deeq-bixiyeyaashu u sheegeen
wasiirada xukuumadda Riyaale inay dhawaan soo saari doonaan war ku
saabsan tallaabooyinkan ugu dambeeyay ee la xidhiidha arrimaha
doorashooyinka Somaliland, iyagoo ku tilmaamay hindisaha xukuumadda
Riyaale inuu yahay mid loo isticmaalayo xirfad lagu doonayo in dib
loogu riddo qabsoomida doorashooyinka Madaxtooyada.
Si kasta ha ahaatee weji-gabaxa ay wasiiradani kala soo kulmeen
Nair obi, ayaa lagu tilmaamay mid ay masuuliyiintani ku dileen
sumcadii Som aliland ku dhex lahayd dalalka deeq-bixiyeyaasha
ee gacanta ka geysta hawlaha dimuqraadiyeynta iyo doorashooyinka
Somaliland, waxaanay tallaabadani noocan geyaysiin kartaa in
wadamadii lacagta badan ku bixiyey hawlaha doorashooyinka Somaliland
ay ka aamin baxaan suurta-galnimada doorasho xor iyo xalaal ah oo ka
dhacda dalka.
Haatuf
|