Hiigsiga UDUB, Heeryada KULMIYE, Hoga shada UCID Iyo Hayaanka Geediga

 

Waxaa si qurux badan oo gabo-gabo ku dhaw u socota diwaangalintii Qaranka oo ka mid noqon doonto mucjisooyinka Jamhuuriyada Somaliland ku talaabsaday sanadihii la soo dhaafay.

Waxa haatan faraha lagu hayaa Qaban qaabada shirweynihii Xisbiga ugu weyn Somaliland ee UDUB, iyada oo ergooyinkiina si xawli ah isaga kala imanayaan gobolada dalka gudihiisa iyo Dibadiisaba.

Waxaana markii labaad mucaaridku soo celiyay musharixiintii shan sanadood ka hor lumiyay kalsoonida shacabka. Waxa kaabiga inagu soo haya Doorashooyinkii Madaxtinimada ee JSL.

Xisbiga haya Talada Somaliland ee UDUB oo ah xisbigii ugu horeeyay ee Somaliland lagaga dhawaaqo tan iyo markii Somaliland la soo noqotay madaxbanaanideeda, isla markaana uu bud-dhigeeda lahaa ruug cadaagii siyaasadeed ee Somaliland Marxuum Maxamed Xaaji Ibrahim Cigaal ayaa si is daba joog ah ugu Guulaystay Saddexdii doorasho ee Golaha Deegaanka, Madaxtooyada iyo Barlamaanka, ka dib markii ay heleen codkii ugu badnaa ee Shacabka Somaliland.

Hadaba, haatan oo la isku diyaarinayo doorashadii afraad ee dhex marta xisbiyada Qaranka ee Somaliland, ayaa waxa isweydiin mudan yaa ku haboon in codka la siiyo asxaabta jirta iyada oo xisbi kasta lagu qiimaynayo wixii laga arkay intii uu jiray dheef, dhib, dhalanteed iyo dheelitir intaba.

Hadaba, innaga oo ka tusaale qaadanayna odhaahda siyaasadeed ee tidhaahda "Ma jiro mucaarid guulaystaaye, waxa guuldaraysta Dawlada" bal aynu eego xisbigii aynu talada u dhiibanay halkii aynu joognay maalintaas iyo halka aynu maanta marayno si aynu u ogaano cidda aynu codkeena siinayno, innaga oo soo qaadan doona balanqaadyadii ugu waaweynaa ee UDUB gashay shan sano ka hor iyo waxa ka fulay.

1- Hirgalintii Nidaamka Xisbiyada Badan:

Dawladii intii aan la abuurin nidaamka asxaabta talada haysay oo uu ka soo jeedo xisbiga talada haya ee UDUB, waxa ay ku dhawaaqday in nidaamkan beelaha ah ee marka madaxweyne la doranayo loo yeedhi jiray salaadiinta iyo caaqilada qabaailka in ay ka guuri doonaan oo Somaliland ay u rari doonaan Nidaamka casriga ah ee aduunyadu ku dhaqanto, kaasi ah nidaamka asxaabta badan ee haatan Somaliland lagaga dhaqmo, iyada oo markii doorashoyinkii ugu horeeyay ay UDUB ku guulaysatay ay balantaasi kaga dhabaysay, abuurtayna jawi wadanka gudihiisa mucaarid iyo muxaafidba asxaab lagu abtirsado, kana soo baxday balantii ahayd in golayaasha dawlada oo dhami codka shacabka ku iman doonaan.

Hadaba, waxa is weydiin leh balantaasi reer UDUB ma ka soo baxeen oo maanta ma ka guurnay nidaamkii beelaha oo ma ku abtirsanaa asxaab qaran?

Aragti ahaan waxay iigu muuqataa in 90% balantaasi reer UDUB ka soo baxeen, amaanteeda iyo raganimadeedana ay leeyihiin, halka wadamada jaarkeena ah ninka dawladda haystaa uuni musharax, madaxweyne, kalidii tar-tame iyo guulaysteba yahay. Balse maanta ay xukuumada Somaliland ee UDUB abuurtay jawi aynu kula tartami karno.

2-Fidinta Maamulka

Waxa kale oo reer Somaliland naf dhuun gashay ku ahayd tan iyo maalintii aynu ka go'nay Somaliya sidii aynu xadkeena u gaadhi lahayn ee aynu goboladeeni maqnaa ee Sool, iyo Sanaag Bari u soo ceshan lahayn, taasi oo aan dhicin wixii ka horeeyay October 29, 2007, ka dib markii siyaasad mudo dawladda Somaliland ka soo shaqaysay oo taageero ka heshay shacabka Somaliland ee goboladaasi degan dib ugu soo ceshaynay goboladeenii maqnaa oo maanta xataa diwaangalintii Qaranku ka dhacay.

Fidinta maamulkuna waxay ka mid ahayd waxyaabihii ugu horeeyay ee UDUB inoo balan qaaday, hadaba, maanta taasina ma muuqataa in ay ka dhabeeyeen oo 90% maanta dhulkii Somaliland gacanteena kujiro? Hadii aynu xaalada wadanka la socono filimaayo cid beeninaysaa arintaasi inay jirto.

3-Qadiyada Ictiraaf Raadinta JSL

Si aynu beesha caalamka uga mid noqono, Somaliland waxay u baahan tahay dadaal dheeraad ah oo aynu ku qaadno guud ahaanba aduunka, gaar ahaan inta aynu diinta, dhaqanka, midabka, afka iyo gobolkaba wadaagno.

Haddaba, si aynu taasi u helno Xukuumada Xisbiga UDUB waxay qaaday ololeyaal tiro beelay oo ay ku kala bixiyeen wadamada reer Yurub, Maraykanka, Asia, iyo Afrikaba, Waxaana safaradaasi ka soo baxay waxyaabo aad muhiim ugu ahaa Somaliland.

Waxa iyadoo ayba adag tahay in lagaa dareemo inaad joogto wadan sidan u weyn, markii ugu horaysay Raisal wasaarada Ingiriisku ku soo dhaweeyay dalkiisa wafti uu hogaaminayo Madaxweynaha Somaliland " Waxaan dalkan Uk ku soo dhaweynayaa Madaxweynaha Somaliland iyo xubnaha wasiirada dawladiisa ee la socda" ayuu yidhi Raisal wasaraha Ingiriisku isagoo markaasi ka hadlayay barlamaanka Uk gudihiisa.

Waxay Somaliland soo ceshatay dhamaanba xidhiidhadii xukuumadaha wadamada jaarka, iyada oo ay maanta qaarkood ka fikirayaan xilliga ugu haboon ee ay Somaliland aqoonsan lahaayeen " Waxa naga dhex guuxaya ictiraafka Somaliland wakhtigan xaadirka ah" ayuu yidhi la taliyaha Madaxweynaha Jabuuti mar uu Hargeysa Saxaafada kula hadlay dhawr todobaad uun ka hor.

Sidoo kale gabadh dhinaca siyaasada arimaha Dibada, iyo maamulkaba kala talisa Madaxweynaha Maraykanka Barak Obama ayaa tidhi wax yar uun ka hor intii aanu xafiiska Obama la wareegin " Maamulka Bush wuu ka gaabiyay qaddiyada Somaliland, waxase maamulka Obama miiska u saaran arinta qaddiyada Somaliland" ayay tidhi Susan Rice ( American foreign policy advisor and United States Ambassador to the United Nations).

Haddaba, waxa isweydiin mudan, inkasta oo qadarka goorta ictiraafka Somaliland Ilaahay hayo, UDUB ma muujisay dadaalkii looga baahnaa oo ma garaacday meesha ay talada aduunku ka go'do ee USA iyo Uk, mana gaadhsiisay meel aynaan gaadhnin waligeen? Waxaan hubaa, wixii qadarka Alle ka sokeeya in xataa mucaarid iyo muxaafidku ka markhaati yahay dedaalka dheeraadka ah ee aan la dafiri karin.


4-Kala soocida Muwaadinka iyo Ajaanibka

Inkasta oo aanay wadamo badan oo Afrikada 60kii xornimada qaadatay ka suurto galin in ay wadamadooda ka hirgaliyaan diwaan galin ay ku kala saaraan muwaadiniintooda iyo ajaanibka la joogga, ayay Somaliland oo aanay cidina ictiraafin, balse beesha caalamka waxoogaa taageero ah ka heshay ka suurto gashay taariikhda markii ugu horaysay in Somalilanderku ka duwanaado ajaanibka iyo Somalida inteeda kale, kadib markii diwaangalin 50% ay dawladu bixisay kharashkeeda, inta kalena ay ku dareen dawladaha deeqda bixiyaa laga hirgaliyay min Boorame ilaa Badhan.

Waxa iyada horumar iyo kobac buuran Somaliland ka samaysay intii UDUB talada wadanka JSL haysay dhinacyada Waxbarashada (Tuulo walba oo iskuulo laga furay), Caafimaadka, Ganacsiga, iyo sahaminta khayraadka dabiiciga ah (Survey markii ugu horeysay lagu ogaaday xaddiga khayradka) ee wadankeena ku duugan, in kasta oo ay jireen duruufo badan oo aan saamixin meelaha qaarkood halkii aynu jeclayn.

Hadaba, hadii aynu maanta horumarka caynkaas ah gaadhnay, markaynu bar-bar dhigno halkii aynu maraynay markii aynu UDUB dooranay, ma horumar baa jira mise dib u dhac?

Si kasta oo fikirka loogu kala duwanaado waxa jira waxyaabo u baahan in geesinimo lagu muujiyo oo aynaan qarin karin (Qayrkii ninkii aan waxba u quudhini isagaa Quus ah), Isla markaana aynaan haynin mucaarid ina taabsiiyay wax uu kaga duwan yahay, ama kaga dadaal badan yahay dawlada haatan haysa, balse iyaga oo dibada jooga aynu aragno nidaamka siyaasadooda, ma muuqato sabab ay mucaaridku kaga guulaysan karaan xisbiga talada haya.

Kabasii darane Xisbiyada Mucaaridka ah ee Somaliland waxay taariikhda aduunka ku soo kordhiyeen bog cusub, kaasi oo ah in markii ugu horeysay musharax xisbi oo guuldaraystay doorashadii hore mar labaad uu u diido in xisbigiisa dhexdiisa lagula tartamo oo waliba uu isagii ninkii ka guulaystay mar labaad yidhaa waan la tartamayaa.

Ma jirto meel ay aduunyada nidaamka axsaabta badan ku dhaqantay ay ka dhacday, Waxaase hore loo ogaa uun in musharaxa doorashadii hore ku guulaystaa mar labaad fursad xisbigiisu u siiyo inuu mar labaadna u tartamo xisbiga hadii aanu fadeexado kale ama aanu iskiis uga tanaasulin.

Dadka siyaasada Somaliland rog rogaa waxay ku macneeyeen arintan korid la'aanta iyo kursi jacaylka ka muuqda xisbiyada mucaaridka JSL. Waxaana fadeexadaasi u sii raacda in xataa ay hogaamiyaasha lumiyey kalsoonidii shacabka doorashadii hore shuruudo ku xidhaan wareejinta maamulka xisbiga oo u baahan dhiig cusub oo dardar galiya xisbiga.

"Waxa kaliya oo aan wareejinta maamulka xisbiga ka firi karaa hadii aan ku guulaysto doorashada Soo socota oo kaliya" ayuu yidhi Gud. Xisbiga Kulmiye mar la waydiiyay goorta uu haldoorka xisbigiisa fursad usiinayo maamulka xisbiga.

" Xataa hadii aan waayo doorashadan soo socota, waxaan ku hadhayaa maamulka xisbiga" ayuu isna yidhi Gud. Xisbiga Mucaaridka ah ee Ucid mar lawaydiiyay inuu ogol yahay maamul cusub oo cisbigiisu yeesho.

Guntii iyo Gabo gabadii, habsami u socodka diwaangalinta, heeganka cadawga, hiigsiga ictiraafka iyo horumarka dalka ee hogaanka talada haya ee UDUB. Habaarka, hiifka, hugunka iyo heesaha cadhadu ka muuqato ee ka soo hooraya saxaafada iyo idaacada Horyaal ee Kulmiye (Amba dhamay qadhaadhkee waa inaad dhadhamisaa), iyo hogashada UCID ee aanay muuqan hayaan dhaw oo uu ku hanto hogaaminta dalku, waxay horseed u tahay haldoorkii Bahweynta UDUB oo Mar labaadna sii hanta Hogaanka Hasheena Maandeeq.
 

 



Ahmed Ismail Abdi (Xaaji)

Qurbe-Jooga Xisbiga UDUB