Hibadu Waa Karti Dabiici Ah
W/Q: Axmed Iid Aadan

 


Haddii aan idhaahdo: “Dadka oo si dabacsan had iyo jeer loo la hadlaa waa arrin ay hibo ku jirto, ee ma aha arrin ay cid kastaaba iska yeel yeeli karo.” Waxa laga yaabaa in aan la garan ama aan muhimmad la siinnin waxa aan ka hadlayo. Laakiin haddii aan idhaahdo: “M adaxweynihii hore ee Soomaaliland, Alle ha u naxariistee, Maxamed X. Ibraahin Cigaal siy aasiyiinta dadka afka soomaaliga ku hadla marka loo fiirsado waxa uu ka mid ahaa kuwa ugu fiican, haddii aanu ka ugu horreeyaba noqon, waayo siyaasadda ayaa uu hibo weyn u lahaa.” Waa la wada fahmayaa ujeeddada hadalka. Sababtu waxa weeyi in ay dadkeen nu dhanka siyaasadda uun had iyo jeer wax ka qiimeeyaan.

Dadkeenna in badan oo ka mid ahi inta ay makhaayadaha fadhiistaan ayey hadal badan w aqtiga ku lumiyaan. Haddii uu qof kastaaba ugu yaraan isweydiin lahaa su’aasha ah,“Hort a maxaa aan ku fiicanahay?” Sida maanta la yahay lama ahaadeen, ee ugu yaraan xooga a horu socod ah ayaa hab dhaqannada qaarkood laga samayn lahaa!

Qof kasta oo bani’aadam ahi waxa uu leeyahay karti gaar ah oo uu Ilaahay ugu deeqay. Kartidaas waxa aynu u naqaannaa “hibo”, waana deeq weyn oo aad u qaali ah. Iyada oo qiimaha weyn ee ay leedahay ka hadlaysa ayey beri fog soomaalidu tidhi: “Hibo Ilaahay ku siiyey habeen la iskama qaado!”

Waxa la yidhaahdaa hibada ama hibooyinka uu qof leeyahay hore looma ogaado. Waxa la ogaan karaa marka uu qofku dhowr sano jiro ama uu weynaado. Waxa dhici karta in iyad a oo aan hibadii uu qofku lahaa la ogaanin uu qofka laftiisuba dhinto oo ay noqoto karti la la hoyday.

Hibadu waa karti iyo garasho dabiici ah oo uu xiise weheliyo, kuwaas oo qofka u fududee ya hawl ama xirfad in uu qabto. Waxa jira siyaalo dhowr ah oo aqoonyahannada mawduu  can wax ka qoraa ay qabaan in lagu baadhi karo hibooyinka, gaar ahaan kuwa qarsoon. Siyaalahaas waxa ka mid ah in uu qofku waxyaalaha uu xiisaha gaarka ah iyo dardarta u hayo ka sooco waxyaalaha kale. Waxa ka mid ah dadka ay aadka isugu dhow yihiin ee si ay daacadnimo ku jirto wax ugu sheegi kara in uu qofku weydiiyo bal in ay u kala sheega an waxyaalaha ay iyaga la tahay in uu ku fiican yahay iyo waxyaalaha kale. Waxa ka mid ah in uu qofku kartidaa gaarka ah ka dhex baadho waxyaalaha ay qabashadoodu u fudud dahay iyo waxyaalaha uu qabashadooda xiiseeyo.

Dadka qofba wax baa uu jecel yahay, oo jacaylka iyo xiisaha waa lagu kala duwan yahay. Laakiin awoodaha kala duwan ee ay dadku wax ku qabtaan kartiyo waaweyn baa ku dhex qarsoon. Nin shisheeye ah oo siyaalaha hibooyinka lagu aqoonsan karo wax ka qoray ay aa ku dooday dareennada xooggan ee dadka ku dhaliya in ay hawl ama xirfad ay qabtaan iyo hibada in uu xidhiidh ka dhexeeyo. Waxa uu ninkaasi sheegay in dareenka jaadkaas ah i aanu wax kale ahayn, ee uu yahay natiijo ay hibo qarsooni soo saarto.



Axmed Iid Aadan
ahmediid@hotmail.com