Hibada, Aqoondarrada iyo Waxbarashada
Qalinka: Axmed Iid Aadan
Dhibaatooyin badan ayaa dadkeenna haysta, waxana inta badan la isku
raacsan yahay, in ay dhibaatooyinkaasi ku sal leeyihiin “saboolnimo”
iyo “sinnaan la’aan”.
Saboolnimada iyo sinnaan la’aantu waxa ay ka mid yihiin waxyaalaha
nolosheenna adke eyey, in aynu hore u guurnana innaga hortaagan.
Saboolnimadu waxa ay keentaa ismaa ndhaaf joogto ah iyo in waxa la
dheefsanayo xalaal iyo xaaraan aan loo kala eegin,ee t ab kasta oo
wax lagu heli karaba loo xusulduubo. Sinnaan la’aantana waxa ugu
weyn ee sababaa waa qabyaaladda, waana wax halis ah oo waxa ay keeni
kartaa burbur kama-dambays ah.
Waxaas oo dhan haddana waxa guud ahaan u sabab ah aqoondarrada,
waxayna ka jir aan meelaha aanay aqoontu ka shaqaynin. Siyaalaha
lagaga bixi karana waa la badin ka raa, hase yeesho ee innagu waxa
aynu ku soo koobaynaa, si aanay dooddu mawduuc in tan ka ballaadhan
innoola gelin, laba arrimood oo kala ah: in hibooyinka ay dadkeennu
leeyihiin, gaar ahaan ardayda, la baadho lana dhiirri-geliyo iyo in
ay waxbarashadeennu noqoto mid nolosheenna iyo xaaladaha ka jira
suuqyadeenna shaqo xidhiidh la leh oo aan go’doon ka ahayn.
Qof kasta oo fayoobi waxa uu dhashaa isaga oo leh awood gaar ah oo
uu Ilaahay ugu d eeqay. Awooddaas gaarka ah waxa lagu magacaabaa “hibo”.
Waxa la yidhaahdaa hibad a ama hibooyinka uu qof leeyahay markaaba
lama ogaado. Waxa la ogaan karaa marka uu qofku dhowr sano jiro ama
uu weynaado ee uu waayo jiro. Waxa dhici karta hibadii qofka ku
jirtay iyada oo aan la ogaanin in uu qofka laftiisuba dhinto, uun
aakhirona uu ku biiro.
Waxa fiican ardaydu marka ay yaryar yihiin ee ay heerarka bilowga ah
ee waxbarasho ku jiraan in loo fiirsado waxyaalaha ay jecel yihiin
amaba ay xiiseeyaan. Ardayda qaar baa, tusaale ahaan, sheekooyinka
jecel, qaar baa laga yaabaa in ay hawlaha farsamada gacanta la
xidhiidha xiiseeyaan, qaar kalena waxa laga yaabaa in ay hawlaha
agaasinka iyo qabanqaabada xafladaha iyo kulannada waaweyn ku fiican
yihiin. Qaarba wax baa ay ku fiican yihiin. Qofku marka uu ogaado
waxa uu ku fiican yahay ayuu tallaabo wax-k u-ool ah qaadi karaa oo
uu berri-ka-maalin naftiisa anfici karaa, khayr kalena soo kordhi n
karaa.
Waxa ay u badan tahay in arrintaa aynu sheegnay aan lagu
baraarugsanayn amaba aa n weli si fiican loogu soo jeedsan. Waxa
dhacda mararka qaarkood in 45 ama 55 carruur ah meel lagu wada
xereeyo oo la yidhaahdo fasal bay ku jiraan oo wax bay baranayaan.
Ka dibna ardaygii shalay aad ogeyd isaga oo Saynis dhiganaya ayaa
waxa dhici karta in aad maalinta dambe suuqa ku aragto isaga oo
alaab iibinaya ama qabanaya aqoontii uu soo bartay wax ka fog oo aan
xidhiidh la lahayn. Ma xuma in qofka ardayga ahi uu shaqaysto haddii
uu doono oo taasi waa sharaf. Waxase aynu ka hadlaynaa waa in wixii
uu bartay uu yahay wax suuqa shaqada ka iibsamaya oo shaqada wax uga
tari kara iyo in kale. Weydiinta meesha soo geli kartaa markaa waxa
weeye “Qofka intaas oo sannad ood wax la soo barayey maxaa lala
doonayey? Kaalinta lala rabay maxayse ahayd?
Waqtiyadan dambe waxa la yidhaahdaa, fasalku in aanu 25 ilaa 30
arday ka badan ayaa wanaagsan. Taasi waxa ay u fiican tahay
ardayda,barayaasha iyo guud ahaan nidaam ka waxbarashada, waayo iyada
oo aan dhib la dareemin ayaa ujeeddadii waxbarasho si yar oo fudud
loo gaadhi karaa. Waan ogahay dalkeenna xaalado dhaqaale oo aan wax
badan innoo saamaxaynin in ay ka jiraan, haddana sida lamahuraanka
ahi waxa weeyi in waxa yar ee aynu haysanno aynu farsamaysanno.
Soomaalidu waxay ku maahmaahdaa: “Hibo Ilaahay ku siiyey habeen la
iskama qaado.” Dadka waaweyni iyagaa kala garanaya waxa ay ku fiican
yihiin iyo waxa kale. Laakiin hi bada ardaydeenna in la ogaado oo
goor horeba la dhiirri-geliyaa iyagana waa ay u fiic an tahay,
dhibaatooyinka ay aqoondarradu keentana wax bay ka tari kartaa.
Arrinta kale ee dhibaatooyinkaa aynu kor ku soo sheegnay wax ka tari
kartaa waa in ay waxbarashadeennu noqoto mid baahiyaha suuqa ka jira
dabooli karta. Qof kasta oo wax bartaa marka uu suuqa shaqada soo
galo in uu qof aqoontiisa ama xirfaddiisa loo baaha n yahay noqdaa
waa mid lagama maarmaan ah. Qof kasta oo dadkeenna ka mid ahi wax a
uu rabaa in uu nolosha la qabsado. Qof geeddi-socodka nololeed in uu
ka hadho jeceli ma jiro. Sidaa darteed aqoon shaqaynaysa ayeynu wax
badan ku qabsan karnaa.
Nin waxgarad ah ayaa laga soo xigtay in uu yidhi hadal uu macnihiisu
sidan u dhowaa: “Dhibaatooyinkeenna kuma xalin karno fikir la mid ah
kii aynu qabnay markii ay dhibaato oyinkaasi bilaabmeen”. Macnuhu
markaa waa in mar kasta casriyeyn, fikir cusub iyo isbe ddelada
xaaladaha ka dhasha oo lala jaanqaado loo baahan yahay, haddii kale
halka maanta joogo ayaa lagu qallalayaa.
Axmed Iid Aadan
ahmediid@hotmail.com
Durdurnet.wordpress.com
Hargeysa, Somaliland
|