HESHIIS DHEX MARAY HOGAANKA XISBIGA KULMIYE IYO GARABKII AXMED XAAJI CADAMI

 

Hogaanka Xisbiga Siyaasiga ah ee Kulmiye Iyo garabkii uu hogaaminayay Mudane Axamed Xaaji Cadami ayaa heshiis kala saxeexday ay ku soo afjarayaan khilaafkii ka dhashay Shirweynihii Xisbiga ee ka dhacay Burco .
Garabka Axmed Xaaji Cadami ayaa ah garabkii ogolaaday go’aamadii ay soo saareen Guddidii dhexdexaadinta.

Heshiiskan waxa ku saxeexan Mudane Axmed Maxamed Siilaanyo Gudoomiyaha Xisbiga iyo Axmed Xaaji Cali Cadami Haddaba Nuqul Ka mid ah Heshiiska oo soo gaadhay Shabakada wararka ee ToggaHerer ayaa u qornaa Sidan:

"Hoggaanka xisbiga kulmiye iyo guddi u hogaaminayey Mudane Axmad Xaaji Cali Cadami oo ah dhinacii ogolaadey go'aamadii iyo soo-jeedintii ay soo sareen guddidii dhex-dhexaadinta, waxa ay yeesheen shir bishii Okotobar,2008.Xubnaha guddida uu hoggaaminey Mudane Axmed Xaaji Cali Cadami waxa ay ka koobnayeen xubnahan:-

1,Axmad Xaaji Cali Cadami.
2.Xildh. Axmad Cabdi Nuur(kijandhe).
3. Xildh. Siciid Cilmi Rooble.
4.Cabdilaahi Ismaaciil Cabdi (Bidhan).
5.Awil Galeydh
6.Cabdilahi Jamac Calas.
7.Feysal Daahir Amuud.

Hoggaanka iyo guddidu iyaga oo ka duulaya go'aamadii iyo soo-jeedintii guddida dhex-dhexaadinta isla markaana falanqeeyey arrimo kale oo muhim u ah xisbiga oo aan ku xusneyn go'aamadii guddida dhex-dhexaadinta oo ay ka mid yahiin balaadhinta dimoqoraadiyada,maamul wanaaga,kobcinta dhaqaalaha iyo la dagaalanka musuq-maasuqa, kaabista iyo wax-ka-bedelka barnaamujka xisbiga iyo dhameystirka distoorka qaranka.

Munaaqasho dheer oo qaadatey dhawr malmood ka dib,hogaanka iyo guddidu waxay ku heshiyeen sidan soo socota;-

B. Qodobada Hadda la Ambaqadaayo fulintoodu Waa kuwan Hoos Ku Qoran:

1. In sixitaan iyo dheeli-tir lagu sameeyo guddida fulinta ee xisbiga,ayaa oo dib-u-shandheyn iyo kaabis lagu sameynayo xilalkii hore loo magacaabey.

2. In hoggaanka xisbigu magacaabo guddi farsamo oo dib-u-eegis,kaabis iyo wax-ka-bedel ku sameyeysa barnaamujka xisbiga si uu u noqodo mid la janqaadi kara marxalada doorashada,isla markaasna soo bandhiga fariin qeexaysa ujedooyinka iyo himilooyinka xisbigu ka leeyahay ololaha doorashada soo socota.

3. In la sameeyo guddi sare oo gacan ka geysata tallada iyo tayeynta hawlgalka xisbiga.

4. In la qabto munaasabad lagu gunaanado wada hadaladii soconayey,isla markaana loo dardar-gelin lahaa midnimada xisbiga.

T. Qodobada Heer xisbi Looga sii Hawlgelayo, fulintoodana lagu aadinayo doorashada ka dib:

Marka uu ku guuleysto xisbiga kulmiye doorashada soo socota ee madaxtooyada,waxa uu furi doona distoorka qaranka asaga oo wax-ka-bedel iyo kaabis ku sameyn doono. Waxaana lagu heshiiyey in dorashada horteeda laga sii hawlgalo, fulinteedana la hirgeliyo marka lagu guleysto doorashada qodobada soo socoda:-

1. Abuurista jagada rai’sal wasaare awood leh, si talada wadanka looga wada muuqdo.Taas oo wax weyn ka tari doonta wada-jirka iyo midnimada dalkeena.Diyaarinta qaabka uu isbedelku yeelanayo iyo fulinta qodobkan waxa u xilsaaran gudoomiyaha iyo guddida fulinta xisbiga.

2. Ayadoon mabda ahaan xisbiga Kulmiye waxba ka qabin balaadhinta dimoqoraadiyada iyo furista axsaabta xilliga uu guuleysto xisbigu, waxaa wada hadal rasmi ah KULMIYE kala galayaa Ururada Siyaasadeed, sida Qaran ee ku hawlan inay ku soo biiraan saaxadda Siyaasadda.

3. Kala madaxbanaaneynta waaxyaha dawlada sida; fulinta,sharci-dejinta iyo garsoorka.

4. Madaxbanaaneynta dhoofka xoolaha,shidaalka,iwm.

5. Xaqiijinta madaxbanaanida hayadaha dawlada ee madaxabanaan sida, hanti-dhawraha guud,xeer-ilaaliyaha guud,baanka hayada shaqaalaha IWM, iyo in la dhameys tiro qabyada kale ee ka jirita distoorka qaranka iyo tafsiirkiisaba.

6. In la abuuro National Database Center si lagu uruuriyo maclumaadka dalka ee la xidhiidha kheyraadka dalka tirakoobka iyo maclumaadka muwadiniinta,

J. Hogaanka xisbiga iyo guddidu waxey ku heshiyeen in qodobadan la geliyo barnaamujka xisbiga lagana ansixiyo shir Golaha Dhexe ah oo aan caadi aheyn oo la qabto xiliga ay suurto-gal noqoto. "

 

 


Togaherer