QUDUS

Waxaan salaamaya dhamaan dadka muslimiinta ah gaar ahaan
soomaaliland
yar iyo wa ynba. Heestan gaabani waxay ka hadlaysaa [Falastiin ] , sida
af iyo adinaba loo daa wa naayo.Waxaan sameeyay 2011, markii 28 la garaacayay [Qasa ], maanta ayaan
diiwaa nkayga ka soo helay.
War galin: Way u fasaxantahay [fanaankii doona in uu codaysto aniga
xagayga
Aan ku soo dhawaadee waxa uu yidhi:
Bayd one
qoqobaha dhexdoodiyo
kala qaybsanaantaa
carab qiima tirayoo
qoolkiyo mareegtaa
qoorta loogu xidhay baa
falasdiin qunbacashada
qudha oon ka bixin wali
qabri lagu xabaaloo
waa quus nasiibkood
qasa iyo janiin iyo
qudus baad ka aragtaa
qolka lagu xareeyoo
qayb bay ka guureen
mana qorin illaahay
qasdi inay mideeyaan
Baydk labaad 2
meeday quruxdi joogtiyo
quwadii islaamkiyo
qiiradii walaaluhu
qoomamadu ma farax baa
qamuunyadu ma daawaa
qaylada haweenkiyo
waayeelka qoortiyo
qudha laga jaraayaa
qushi iyo ma yeelbaa
qasa iyo jiniin iyo
qudus baad ka argtaa
qolka lagu xareeyoo
qayb bay ka guureen
mana qorin ilaahay
qasdi inay mideeyaan
Kooraska
qasa iyo jiniin iyo
qudus baad ka aragtaa
qolka lagu xareeyoo
qayb bay ka guureen
mana qorin ilaahay
dhammaad
|
Mawliid
Aadan Caydiid (Qolqol) |
|