Hayada
Wadaniga ah Ee ODHA Oo Xaflad balaadhan ku sagootidey Seddex
Gabdhood oo Internaship ahaa uga keentay Wadanka Egland.
Hargeysa (TNN)-Hayada wadaniga ah
ee ODHA ayaa xaflad balaadhan oo ay ku
sogootineyso u qabatey 3 gabdhood oo aqoonyahano ah oo ay hayada ka
keentey wadanka england si ay dalkoo da hooyo ugu qataan Internship
ay muddo 3 bilood ah ay dalka kujogeen.Seddexdan gabdhood o o kalla
ahaa Caasha Nuur Axmed,Faysa Idiris Muuse Iyo Xanaan ayaa mudadii 3
bilood aheyd ee ay joogeen waxay shaqo tabobarnimo ah kulajoogeen
SONYO,Save the children iyo Hargeisa Gro up Hospital.
Gudoomiyaha Hayada wadaniga ah ee ODHA
Marwo Faadumo Siciid Ibraahim oo
kahadashey xafl adii gabogabada aheyd ayaa sheegtey in Barnaamijkan
oo ay hayada Wadaniga ah Ee ODHA ay biladay sanadkan uu socondoono ,Lodkanina
ay ahaayeen groupkii ugu horeeyey ee yimadaa.ku wa kuxigaana ay
imanayaan Bisha December.
Marwo Faadumo Siciid Ibraahim oo kahadashey muhiimada ay leedahey in
Bulshada somaliland ee kunool qurbuhu ay dalkooda hooyo soo arkayaan
waaxay xustey in mudadii ay joogtey sanadkan bishii june dalka
egland ay lasoo kulantey qoysas badan oo dhallinaro hablo ah oo
jaamacadaha kabxay oo ilaa 12 hablood ahi ay soo direen cvyadooda
kadibna seddexdan gabdhood ay aakhirkii nasiib uyeesheen iney dalka
yimadaan.Waxay Gudoomiyaha Hayada Wadaniga ah ee ODHA.Faadu mo
Siciid Ibraahim Ay xustey in mudadii ay jogeen ay dalka gobaladiisa
kalla duwan ay soo wada mareen iyagoo hawlo shaqo iyo dalxiiba
utagey dhamaan gobolada dalka.
Caasha Nuur Axmed oo kamid ah gabdhihii ay ururka odha ka keeneen
dalka englan oo kahadashey munaasibadaasi ayaa sheegtey iney aad ugu
mahadnaqayaan ururka odha oo dalka keenay waxay sheegeen iney aad
ugu heleen mudadi ay jogeen dalka iyagoo uamahad celiseys ida
wacneyd ee ay ulashaqeeyeen,Dallada dhallinyarada Somaliland Ee
SONYO.Waxaaney caashi sheegtey in ay tahey fursad aad uqaali
ah,waxaaney umahadnaqdey dhamaan madaxda odha iyo shaqalaha xafiiska
odha.
Faysa Muuse Iyo Xanaan oo iyguna kamid ahaa gabdhihii ay ODHA ka
keentey wadanka egland oo kahadley xafladaasi ayaa aad ugu
mahadnaqey Odha Iyo Hayadihii kalla duwanaa ee ay lashaqeenaayeen
waxaanay xuseen inenanaey ilaawi doonin wakhtii aadka ufiicnaa ee ay
kuqateen dalkoda,waxaaney sheegey iney xidhii fiican wada
yeelandoonaan ODHA iyo dhamaan hayadaii kalal duwanaa ee ay
lashaqeynayeen.
Sidoo kalle Agaasimaha Dallada SONYO Sicidi Mohamed Axmed,Sarkaal
sare oo kasocdey Hayada Badbaada caruurta ee Save the Children iyo
Md Xasan Maxamed Cabdala{Xasan Waraabacade] oo kamid ahaa dadkii
xafladaasi kahadley ayaa
sheegey iney umahadnaqyaa ODHA waxay tilmaameen muhiimada ay
leedahey in Aqoonyahanka Dhallinyarada eekunool dalka dibadiisa iney
dalkodoa hooyo kusoo qataan tabobar shaqo oo kooban.
xafladasi oo aheyd mid aad u heersareysay ayaa ku dhamaatey
siwanaagsan.
Axmed Maxamed Shaqalle
Shaqalle02@gmail.com
Hargeysa Somaliland
|