Hay'ada
wadaniga ah ee ODHA oo xaflad balaadhan oo Ay Ku soo dhaweyneyso ku
maamuustey fanaanka caanka ah ee Nuur Daalacey …
Hargeysa (TNN)-Hayada wadaniga ah
ee ODHA ayaa habeenkii 6/09/2011 ugu qabatey hotel maansoor ee
magaalada hargeysa Munaasibad balaadhan oo ay kumaamusayso hal
abuurka,f anaanka caanka ah ee Nuur Jamac
Aadan {Nuur Daalacey} oo
dhawanahanba safar kujoogey Somaliland.
Munaasibadani oo ururka wadaniga ah ee horumarinta bulshada
ODHA ay ugu tallo galeen Iney ku maamuusaan Nuurdaalacey oo
ah wadini dhab ah oolooga bartey iney soosaaro heeso Aad uxiiso
gelia bulshada Somaliland Oo kahadla wadaniyada.
Xafladani oo aheyd mid aad ubalaadhan oo ay kasooq ayb galeen
martsihara kalla duwan ayaa Ugu horeyn Gudoomiyaha Hayada wadaniga
ah ee ODHA Marwo
Faadumo siciid ibraahim ay aa erayo soo dhaweyn ah xafladaasi
kajeedisey.waxaney Faadumo siciid sheegtey iney aad usoo
dhaweynayaan Fanaanka Nuurdaalacey oo ah mid aad ugu dheer bulshada
Somaliland oo aaney Iloobi doonin sida wadaniyada leh ee marwalba
ugu qaybqaato horumarinta bulshada isagoo D oor firfircoon ka qaata
dadaalka loogu jiro citiraaf raadinta Somaliland.
Gudoomiyaha Hayada Wadaniga ODHA Marwo Faadumo Siciid Ibraahim waxay
sheegtey iney ugu tallo galeen iney fanaanka gudoonsiiyaan Shahaado
sharaf ay inbadan ka fikireen iney ka Diwaanaato kula bixiyo
waxaaney sheegtey in shaado sharaftan ay fanaanka gudoonsiinayaan Ay
kasameysan tahey Calankii Somaliland sigaarana ugu sharfeen fanaanka
iney Kumaamuusaan.
Gudoomiyaha Hayada wadaniga ah Ee ODHA Waxay gabogabadii fanaanka
kuboorisey inuu halk aasikawado dadaalkiisa,iyadoo martisharaftii
kallena soo dhaweysay. Alfanaan Nuur Jamac Aa dan{Nuur Daalacey}oo
ismunaasiabdaasi ahdalo kooban kasoo jeediyey ayaa umahadnaqey
Gudoomiyaha hayada wadaniga ah Ee ODHA faadumo Siciid Ibraahim iyo
Ururka ODHA ,Unnuga Wadaniyada Somaliland ,iyo dhamaan dadkii Soo
Qabanqaabiyey Xafladani.waxaanu sheegey inuu aad ugu faraxsan yahey
xafladani caawa maalintii uudalka yimid ilaa manta farxad iyo soo
dhaweyn uu kalla kulmey Somaliland uu aad ugu faraxsan yahey.
Sidoo kale waxaa iyana halkaasi kahadley Xasan waraabacade oo kamid
ah Qurjooga Somalilan d Ee Norwey isagoo fanaanka ku aamaaney
kaalinta qimaha leh ee uu ugu jiro Bulshadiisa una mahadnaqey Ururka
ODHA.
Xafladani waxaa sibaladhaan ugusoobandhigey Heeso dhaqanka iyo
ciyaaro hida iyo dhaqan ah iyo waliba gabey aad uqiimo badan Unnuga
Wadaniyada Somaliland oo ah ururka kaliyaata ug Firfircoon
Somaliland Ee Kashaqeeya Arimaha Wadaniyada.Fanaanka caanka ah Ee
Nuuradiin Ah med Oo isna xafladaasi kusuganaa ayaa kusoo bandhigey
heeso kalla duwan oo kusoo dhawey naayo Nuur daalacey isagoo
nuuradiin si balaadhan ugusoo Dhaweeyey Somaliland Fanaanka
Nuurdaalacey.
Alfanaan Nuur Daalacey ayaa xalay dadkiikasoo qayb galley xafladaasi
aad ugu heeseyiyadoo dakiina qiiro wadaninimo darted fadhiisam
waayey waxayna xalay u aheyd dhallinayarda iyo dadkii xafladaasi
kaqayb galley mid ay aad ugu faraxsan yhiin lakulanka fanaanka
caanka ah Ee Nuurdaalacey.Gabogabadii waxaa Gudomiyaha Hayada
Wadaniga ah Ee ODHA Gudoonsoosey Fa naanaka Caanka nuurdaalacey
Shaadosharaf iyo hadiyado kalla duwan.waxaneynoqotey xaf ladii ugu
balaadhneyd ee uu kaqayb gallo fanaanku.
Ahmed Mohamed Shaqalle
Shaqalle02@gmail.com
Hargeysa Somaliland
|