Hayada Wadaniga ah ee ODHA Oo Maanta kulan Madadaalo ah usameysay
Caruurta Darbijiifka ah
Marwo Faadumo Siciid
Hargeysa Jan 17,2011 (TNN)-Hayada
wadaniga ah ee ODHA ayaa kulan
madadaalo ah maanta ugu qabatey xarunteeda Dhallinyarada iyo
caruurta Ee magaalada Hargeysa Caruurta darbi jiifka ah ee
kunool caasimada Hargeysa.
Kulankani oo ahaa mid aad uxiiso badan oo ay soo qaban qaabisey
Hayada Wadaniga ah ee OD HA .waxaa caruurta darbijiifka ah
madadaalinaayey Afar nin oo Hayada Qaramada Midoobey uqaabilsan
Qaxootiga ee UNHCR ay ka keentey
wadanka Ireland.si ay caruurta Somaliland ugu sameeyaan Kulamo
madadaalo iyo ka qoslin ah.
Kulankani saaka oo ahaa mid aad uxiiso badan waxaa kasoo qayb galley
daawashadiisa wufuud kalla duwan oo isku jira ajaanib iyo wadani.
Gudoomiyaha Hayada Waddaniga ah ee
ODHA Marwo
Faadumo Siciid, oo kamid aheyd masuuli iintii saaka
kasooqayb gashey bandhigan madadaalada ahaa oo kahadashey bilawgii
bandhigani ayaa ugu horeyn umahad naqdey kasoo qayb galayaasha kalla
duwan ee bandhigani.
Marwo Faadumo Siciid waxay Sheegtey in kulankani ay qabsoomidiisa
iska kaashadeen Hayada Wadaniga ah ee ODHA Iyo hayada Qaramada
Midoobey uqaabilsan Qaxootiga ee UNHCR si ay c aruurta
Darbijiifka ah ee Somaliland Kunool Loo siiyo jaanis ay kuhelaan
iney kudaawadaan ban dhigani madadaalada ah.
Gudoomiyaha Hayada Wadaniga ah ee
ODHA,
Marwo Faadumo Siciid waxay xustey in Bandhigani madadaalada
ah ay sameynayaan Khubaro ka timid Dalka
IRELAND kuwaasi oo takhasus badan u leh bandhigyada kalla
duwan ee ay sameynayaan.
Gudoomiyaha Hayada Wadanig ah ee ODHA Mawro Faadumo Siciid Waxay
sheegtey in kulamada Noocani oo kale ah ay sii wadi doonaan
islamarkaana ay dadaalka ay ugu jiraan sidii caruurta darbijiifka ah
ee kunool Somalilandna u caawin lahaayeen una sii libin laabi
doonaan..
Sidoo kale Mudane Yuusuf Xasan Jaamac oo ah Madaxa Xuquuqda Caruurta
ee Hayada Wadda niga ah ee ODHA Oo isna munaasibadaasi
kahadley ayaa sheegey in ujeedada kulankani madad aalada ah
loo qabtey iney tahey in caruurta darbijiifka ah ee ku nool
Somaliland la dareensiiyo in loo maqan yahey oo aan la iloobin isla
markaana jaaniskan qaaliga ah ay kaga faaideystaan madadaalo iyo
farxadba.
Waxay Madaxda Sare Ee Hayada Waddaniga ah ee
ODHA ay aad ugu mahad naqeen Hayada Q aramada Midoobey
ee UNHCR. Oo wadanka keentey kooxda reer IRELAND ee ku takhsuusey
dh inaca madadaalada iyo kaqoslinta caruurta.
Kulankani madaalada ahaa ayaa mudooyinkii ugu dambeeyey noqdey kii
ugu xiisaha badnaa ee larko iyadoo caruur badan oo isku jirta
darbijiif iyo kuwa caadiga ahiba ay aad u riyaaqeen bad higano
oo ay soo bandhigeen kooxda khubarada reer
IRELAND ee takhsuska u leh madaadaalada ..
Axmed Maxamed Shaqale
Shaqale_88@hotmail.com
Hargeysa Somaliland
|