Haweenka
Somaliland Ee Minnesota Oo Xaflad Taagero Madaxwaynaha Cusub Iyo Ku
Xigeenkiisa samaystay

Minnesota USA (TNN)-Haweenka
Somaliland ee Miinnesota ayaa soo qabanqaabiyey Xaflad aad u
balaadhan oo ay ku taageerayaan Madaxwaynaha Cusub Iyo Madaxwayne ku
xigeekiisa.
Halkaas oo ay ku soo bandhigeen Hido Iyo Dhaqan BuraanBur,Cayaar
Soomaali isugu Jira Baryo iyo Jaandheer, waa habeen aad u farxad
badnaa.
Haweenka Somaliland ee Minnesota waxay hanbalyo Udirayaan Madaxwayne
Siilaanyo iyo Saylici oo ay duco farabadan u soo dirayaan una
rajeynayaan inuu Ilaahay Xilka u fudaydiyo Waxaa La yidhi
Habeenkiina Waa Habar-Habar Maalintiina Waa Oday-Oday,Haweenku waxay
soo bandhigeen amaan farabadan oo ay u soo diyaariyeen Boqorada
Madaxwaynaha Aamina Waris, oo ay ugu hanbalyaynayaan inay noqotay
First Lady dii Somaliland.
Waxyna Fariin ay hawada usoo
marinayaan ku sheegeen inay Dumarka Somaliland oo dhan ay iya
du umaqan tahay loogana baahan yahay wixii haweenka ka maqan inay u
raadiso, waanu ku kalso onahay inay Amina Waris hawshaas ka
soo baxayso ayay dumarku sii raaciyeen.
Waxaa Qayb Libaax Ka Qaadatay Xaflada Gabadh Lagu Magacaabo
Mucjisadii Buraanburka Waa S hamso Geenyo oo soo bandhigtay
Buraanbur isugu jira Duco,iyo taariikh farshaxamaysan oo aan hore
loo arag, aad iyo aadna way u mahadsan tahay ayay leeyihiin
haweenkii xaflada soo qaban-qaabiyey.
Aniga oo ah Farshaxankii Xaflada ku sugnaana waxaan talo usoo
jeedinayaa Dawlada Cusub inay Dumarka Xuquuqdooda aanay Dulmiyin
iyada oo aan aaminsanahay Jiritaanka Somaliland waxa D
hidibada u taagay inay yihiin Dumarka, inay wax toosiyaan mooyaane
aanay marnaba isku dayin wax xumee, waxaanan jeclahay inaynu wacyi
galin ka bixino arintaas iyada ah aniga oo aaminsan in Dumarka
aduunka ku nool oo dhami ay dulman yihiin, iyada oo ay ka dhalatay
Dumarka Boqora da u sareysa waa Queen Elizabeth oo ku
mashquulsan uun Suit ka yar ee Blue ga ah ay xidhan ta hay,
waxaan Queen Elizabeth eey kuu soo jeedinayaa kolay qoraalkayga waad
akhrisanaysaaye waxba haysnabine dumarka wax u qabo Dulman.
Mujaahid Suufi
Independent Photographer
awbidaar@yahoo.com
|