Haweenka Qurbajooga Reer Cardiff ee dalka Uk Oo Deeq Lacageed Soo Gaadhsiiyey Cisbitaalka Dhimirka Ee Gobolka Gabiley

 



Deeqdani oo ahayd $10200 deeqdan lacageed oo ahayda tii ugu badneyda ee abid loogu de eqo dhismaha cisbitaalka dhimirka ee gabiley, oo ay soo direen haweenka ee kaadhif.......... Daawo Sawirr
ada


Gabiley (TNN):- Haweenka Qurbajoog reer gabiley ee ku dhaqan Magaalada Cardiff ee dalka uk, ayaa habeenkii xaley ahaa deeqdii lacageed ee abid ugu badneyda soo gaadhsiiyey cisbi taalka dhimirka ee gobolka gabiley.

Xaflad balaadhan oo deeqdani lagula kala wareegayey ayaa lagu qabtey hotel askar ee magaalada gabiley,waxaan kasoo qayb galey Maayerka magaalada gabiley shucayb maxamed muuse, Gudoomiyaha ururka samo-kaal keyse x.muuse cilmi, safiya aw aadan meecaad, maryan xadi, mawliid

Deeqdan lacageed oo qadarkeedu ahaa $10,000 oo dollar, ayaa haweenka qurbajooga u dhashay gobolka gabiley ee kunool magaalada kaadhif ee dalka uk u soo wakiisheen Maryan aw xasan faahiye iyo safiya muxumed ibraahin, waxaaney deeqdaasi ku wareejiyeen maayerka degmada gabiley iyo masuuliyiinta ururka samokaal.

Ugu horeyn waxaa halkaasi ka Hadley Gudoomiyaha ururka samokaal keyse x.muuse cilmi, waxaanu aad u mahadceliyey haweenka soo direy lacagtaasi, waxanu kula dardaarmey inay marwalb ak awarhayaan gobolkooda waxaanu yidhi “waxaanu maanta deeqdii ugu badneyda abide e qurbajooganasoo gaadhsiiso ay caaw nasoo gaadhay

lacagtaasi oo dhan $10,000 , waxaan rajaynayaa inay waxweyna ka taridoonto dhismaha cisbitaalka dhimirka,walaalaheen reer kaadhif waxaweyn ayey ina tareen, waxaan rajeyneynaa inay jaaliyadaha kalena kusoo hirtaan gobolkooda.”


Maryan xadi iyo safya aw aadan oo ka mid ah xubno ururka samo kaal ayaa muhad celieyey haweenka reer gabiley eeku dhaqan magaalada kaarif ee dalka uk,waxaaney baaq u direen jaaliayadaha kale ee reer gabiley eek u dhaqan dunida ,si ay uga qayb qaataan horumarka gobolka gabiley


Xildhibaan cibaado maax cilmi ahna gudoomiyaha arimaha bulshada goalaha deegaanka gabiley,ayaa aad u amaantey haweenka reer kaadhif ee deeqdan lacageed soo direy,runtiina
Maryan awxasan faahiye iyo safiya maxamed ibraahin ayaa u duceeyey dhamaan dadka dhimirka wax ka qab, waxaaney ilaahay uga baryeen inuu caafiyo, waxaaney maamulka gobolka iyo dadweynaha reer gabiley ugu baaqeen inay ka sheqeeyaan horumarka gobolka, oo ay iska daayaan qabyaalada iyo is nacaybka, waxaaney balan qaadeen inay ka shaqayn doonaan horumarka gobolka,oo ay indho inadhay
.doonaan baahiyaha gobolka inta ay dadka joogaan. Waxaan hadaladoodii ka mid ah” qofka qurbaha joogaa wuxuu jecelahay wanaag gobolka inuu marwalba maqlaan, dadweynaha reer gabiley waxaa moodaa inay marti ku yihiin, dadweynah qurbajooga gabiley waa kuwa dadka ugu liita, reer gabilayoow iska day qabyaalada oo haku koobnaato horumarka gobolka gabiley.”

Gabogabdii waxaa xafladaasi soo afmeerey duq degmada gabiley shucayb maxamed muuse,waxaanu u duceeyey haweenka reer gabiley eek u dhaqan magaalada kaarif ee dalka ingiriiska, waxaanu yidhi “ walaalayaal dadkeen dhimirka waxa ka qabaa maysoo iibasan ee inaga ayaa lagau eegayaa, waxaan loo baahan yahay inaynu marwalba daryeelno, runtii samokaal waxweyn ayey qabteen oo kun shilin ayey ku dhiseen cisbitaalkaa dhan, walalayaal waxaanu qurba jooga ugu baaqayaa inay sidaa haweenka reer kaadhif oo kale u gaqayb qaataan dhismaha cisbitaalka dhimirka iyo hurumarka gobolkab.”ayuu yidhi maayerku

Maah markkii ugu horeysay ee haweenka reer gabiley eek u nool qurbuhu ay deeq lacageed soo gaadhsiiyaan, deeqdan lacageed ee ay so direen haweenka reer kaadhif ayaa noqoneysa deeqdii ugu badney ee abid la soo diro ee lagu caawiyo dhismaha cisbitaalka dhimirka gabiley.






C/raxmaan Xaaji
Timacade News Desk
Gabiley ,Somaliland