Haweenka Gobolka Gabiley oo xaflad si heer sare ah loo soo aga asimay, dhaqaalana loogu ururinayey Jaamacada Timacade ku qabtay magaalada London ee carriga Ingiriiska
 


London (TNN)-Xaflad milgaheeda aad yaabto, laguna qabtay madal aad u bilicsan,si la yaab lehna loo soo agaasimay,ayaa lagu qabtay magaalada London ee Carriga Ingiriisaka . Xafladaas, oo ay soo qaban qaabi yeen Haweenka ka soo jeeda Gobolka Gabiley,ee degan Dalka Ingiriiska , ayaa waxay dhaqaale loogu urur inayey Jaamacada Timacade ee magaalda Gabiley.


Xafladaasi , oo ay ka soo qayb galeen bulsho aad u tiro badan,ayaa waxay ku bilaanbatay jawi aad u qur ux badan , waxaan madashaa hadallo wadaninimo iyo guubaba leh ka soo jeediyey Xubnno ka tirsan Hawe enka Gobolka,waxaanay aad iyo aad ugu tuun tuunsadeen,iskana daba mareen ,  in haddi wada jir wax wa lbba lagu raadiyo, in wax badan loo qaban karo Dalkeenna Hooyo.


Dhinaca kale , xagga caweyska iyo madad daaladana , waxaa iyana madasha ku sugnaa fannaaniita caan ka ah ee Nuur Daalacay iyo Eid Jaamac Batalaale, oo iynana wacadro ka dhigay,aadna u soo jiitay dadkii xafladda iskugu yimid.


Xafladan ay soo qaban qaabiyeen Haweenka Gobolka Gabiley,waxay noqotay mid ujeedadii loo qabtay ka midho dhalisay , wax badanna u hir galeen, asxaab  badan oo aan muddo dheer is aragnna  kulmisay ,wax aanay ku soo gaba gabawday guul , jawi qurux badan iyo ray rayn.

 

 

Amina Jaamac
Timacade News Desk
London , UK