Haween weyne Taageersan Musharrax Cabdillaahi Nuur Beegsi (Cawl) oo Dhoolatus weyn ku qabtay Hargeysa

 


Hargeysa (TNN)-Boqollaal ka mid ah haween weynaha taageersan murrashax Cabdillaahi Nu ur Beegsi (Cawl),.oo Xisbiga Kulmiye uga sharraxan Degmada Berbera ee Gobolka Saaxil, ay aa munaasibad dhoolatus ah oo ay cududooda ku muujiyeen ku qabsaday Hudheelka Cro wn ee Magaalada Hargeysa.

Agaasihii hore ee Wasaaradda Kalluumaysigiga iyo Khayraadka Badda Cabdiraxmaan Cawil Xasan, oo furitaanka munaasibaddan taageerada hadal ka jeediyay, ayaa sheegay in murr ashax Cabdillaahi Nuur Beegsi (Cawl), yahay ganacsade waayo-aragga oo ku sifoobay amm aano iyo hawlkarnimmo, islamarkaana yahay shakhsi mujtamaca dhexdeeda milgo iyo magac ku leh oo u qalma xilka.

Cawil Cawl, oo isna halkaas ka hadlay, ayaa u mahadceliyay haweenka taageerayada u muuj iyay murashaxa, waxaannu yidhi, “Waxaan idiinka mahadnaqayaa wakhtigiinna qaaliga ah ee aad u hurteen munaasibaddan aad taageerada ugu muujinaysaan Murrashax Cabdillaahi Nu ur Beegsi (Cawl), oo u tartamaya Doorashada Golaha Deegaanka Berbera, waxaan dhamma anteen u rajaynayaa inaynu guulaysano oo codkeena ku soo saaro murashaxa”

Cabdiraxmaan Jibriil oo ka mid ah Guddida Ololaha murrashxa oo halkaa ka hadlay, ayaa haw enka ku gubaabiyay inay si wanaagsan codkooda ugu huraan murrashax Cabdillaahi Nuur Be egsi (Cawl).

Qaar ka mid ah haweenka madasha isugu yimi oo iyaguna goobta ka hadlay, ayaa muujiyay taageerada ay u hayaan Murrashax Cabdillaahi Nuur Beegsi (Cawl), “

“Waxaynu taageeraynaa Cabdillaahi Nuur Beegsi, xaajiga sharafta, qiimaha iyo qaayaha bad an ee inagu culus, aad iyo aad buu innoogu culusyahay Xaaji- cabdillaahi, waxaan Ilaahay ka baryayaa inuu Iaahay innagu guuleeyi innaguna ku guulaysanno.” Sidaa waxa tidhi Koos oo ku hadlaysay afka haweenka.
 

Source:Berbera News