Haween Waynaha Gobolka Saaxil Oo Maanta Hotel Ambassa dor Qado Sharaf Ugu Sameeyeen Marwada Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Iyo Xubno Wasiiro Ah Oo Wehelinayey


"Ujeedada kulankani wa wax wada qabsi iyo wada shaqayn, tusaalena uu u yahay Gobol walba inuu Hoosta iska soo dhiso oo uu muujiyo wada Shaqayn iyo wadajir nuuxda si loo horumariyo Ba ahiyaha aas aasiga ah ee haweenimo iyo Gobol Ahaanba," marwada madaxweynha Aamin- waris.....Daawo sawiro aad u tiro badan


Hargeysa (TNN):-Hawaeen Gobolka Saxil Ayaa Maanta Qado Sharaf U Sameeyey Marwada Madax weynaha Somailand Oo Ay Weheliyaan Xubno Ka Mid Ah Golaha Wasiirada Gaar Ahaan Kuwa Du m arka Ah Kulankan Oo Ay Marwada Madaxweynaha Ku Wehelinayeen Wasiirka Waxbarashada Marwo Samsam Cabdi Aadan, Wasiirka Deegaanka Marwo Shukri Xaaji Ismaaciil Bandare, Wasiir Ku Xigeenka Wasaarada Caafimaadka Marwo Nimco Xuseen Qawdhan, Wasiir Ku Xigeenka Wasaa radda Shaqada Iyo Arrimaha Bulshada Marwo Shurki Xariir Ismaaciil,

Wax Wada Qabsi Iyo Wadashaqayn Tusaalena Uu U Yahay Gobol Walba Inuu Hoosta Iska Soo Dhiso Oo Uu Muujiyo Wada Shaqayn Iyo Wajir Buuxda Si Loo Horumariyo Baahiyaha Aas Aasiga Ah Ee Haweenimo Iyo Gobol Ahaanba Gudoomiyaha Xuquuqal Insaanka Marwo Fadxiya Xaaji Xuseen, Maareeyaha Samafalka Marwo Aamina Maxamuud Diiriye, Iyo

Gudoomiyaha Ururka Haweenka Ee Now Marwo Aniisa Nuur Cigaal Ayaa Ujeedadiisu Ahayd Sidii Loo Xoojin Lahaa Xidhiidhka Wada Shaqayneed Ee Ka Dhexeeya Haweenka Gobolka Saaxil Iyo Haweenka Xukuumada Ku Jira Ee Ay Hormuudka Ka Tahay Marwada Koowaad Ee Madaxweynuhu.

Waxaana Halkaasi Ka Hadlay Haween Fara Badan Oo Ku Dheeraaday In Isku Duubnida Iyo Wada Shaqaynta Ka Dhaxaysa Dawlada Gaar Ahaan Haweenka Xilalka Ka Haya Iyo Marwadu Ay Tahay Mid Soo Jireen Ah Oo Ay Maantana Diyaar U Yihiin In Ay Dardar Gelin Iyo Xoojin Ku Sameeyaan Si Hawlihii Halkaasi Uga Sii Socdaan.

Ugu Danbayna Waxa Halkaasi Ka Hadashay Marwada Madaxweynaha Oo Uga Mahadnaqday Haweenkii Soo Qaban Qaabiyey Kulankan Sharafta Badan Ee Qado Sharafta Ah, Ee Ay Ku Sharfeen Ka Marwo Ahaan Iyo Haweenka Xilalka Ka Haya Xukuumada & Asxaabta Marwada Ku Wehelinaysay Qado Sharaftanba.

Waxaanay Marwadu Ku Dheraatay Ujeedada Kulankan Oo Ay Muujisay In Dadkeenu Inta Badan Xaga Qaloocda Ka Eegaan Kulamada Noocan Oo Kale Ah, Balse Kulankani Uu Yahay Wax Wada Qabsi Iyo Wadashaqayn Tusaalena Uu U Yahay Gobol Walba Inuu Hoosta Iska Soo Dhiso Oo Uu Muujiyo Wada Shaqayn Iyo Wajir Buuxda Si Loo Horumariyo Baahiyaha Aas Aasiga Ah Ee Haweenimo Iyo Gobol Ahaanba.

Sidoo Kalena Waxa Ay Marwadu Xustay Oo Ay Tusaale Ku Dayasho Mudan Ku Tilmaantay Haweenka Degmada Salaxlay Ee La Yidhaahdo Gaaroodi Oo Ay Marwadu Mahadnaq Aad U Balaadhan Halkaasi Uga Soo Jeedisay Iyada Oo Marwadu Tilmaantay Baahiyaha Daruuriga Ah Ee Ay Haweenkaasi U Qabteen Degmada Salaxlay Oo Ay Ugu Muhiimsan Yihiin Dhakhtarka Dhawaan Laga Hirgeliyey Salaxlay Iyo Dugsiga Boodhinka Ah Ee Salaxlay, Waxaanay Sheegtay In Taasi Ay Ku Tusayso Marka Wanaaga Meel Looga Soo Wada Jeesto Ee La Isku Duubnaado In Dalka Iyo Dadkaba Wax La Tari Karo, Si Taasi Looga Dhabeeyana Ay Waajib Ku Tahay Haween Weynaha Somaliland In Ay Isku Duubnaadaan Ka Marwo Ahaan Iyo Ka Haween Ahaana Ay Diyaar U Yihiin Marwalba In Ay Garab Istaagaan Cid Kasta Oo Ka Mid Ah Haweenka Fikir Wanaagsana La Yimaada.





Timacade News Desk
Hargeisa ,Somaliland