Hargeysaay Waxaad Hooy
U Tahay Hangash iyo Haybti Garanwaa Ku
Hungoobay Halgankaan kuu Soo Galiyo
Hannadadaan Waayey

Waxaan
salaamayaa saxaafada Somaliland inta tooshka la daba socota dul miga
iyo dibin daabyada dalka iyo dadka lagu hayo, waxaan kaloo
salaamay aa shacabka Reer Somaliland inta garaadka iyo garashada leh,
ee garanaya qiimaha Xoriyadu leedahay.
Illaahay ha u naxariisto mujaahidiintii dalkan u soo dhimatay inta
Noolna illa ahay ha garansiiyo waxay u soo dagaalameen.
Kow iyo labaatan sanadood (21) ayaa
laga joogaa markii SNM, Qaadatay go,aankii qadhaadhaa ee aan nin
waliba qaateen sida loo liqaana ay adkeyd waayo wuxuu ahaa go,aan
geeri iyo nolol u dhexeeyey oo weliba nin waliba ogaa in geeridu
badan doonto, laakiin gunnimadii iyo gumaysigii taliskii siyaad
barre ku hayey Reerka Isaaqa, ayaa sabab u ahayd guda galkii
fajacisada iyo filanwaaga ahaa ee lagu soo galay Burco
27.05.88,iyo
Hargeysa 31.05.88. iyaba waa taariikh wayse Tabaaloowday.
illaahay Subxaana watacaalaa: wuxuu Quraankiisa inoogu sheegay in ay
gef iyo denbi aad u weyn tahay dulmiga iyo tacadigu waxaanu yidhi
illaahay(SWC) : sidaan naftayda uga xaaraantimeeyey Dulmiga ayaan
Ummadayda na uga xaaraan timeeyey inay is Dulmiyaan.
Shalay taliskii siyaad Barre ayeynu
dulmi ka sheeganaynay oo kula dagaala nay, hadaba maantana ma Gaani
iyo Moorgan ayaa jooga oo mar labaad hargeysa
ka taliya oo ina dulmiyey mise Isaaq
baa is dulmiyey oo isugu awo od sheegtay wiilashoodii la qarameeyey?.
Somaliland weli aduunyadu uma aqoonsana dawlada jirta sidaa darteed
sha cbiga Reer S/l waxay samaysteen dhamaan hayadihii dawladeed oo
dhan iyo weliba xeerarkii ay ku kala bixi lahaayeen,laakiin nasiib
daro xukuumada jirtaa ma aha haba yaraatee mid lagu sheegi karo
xataa inay leedahay dhaqanka Aadamiga waayo dhan kasta oo laga eego
wey ka aradan yihiin la dhaqanka dadka iyo milgaha masuuliyadeed,
iskaba daa inay wax xukumaa ne waa Koox Reer
walba intii ugu xumayd ee aan waxba ka
xishooneyn xidid iyo
xigaal kulay ku tahay
aan waxa xeerineyn ee nolosha ku guul
daraystay ay isu Qayla diratay si ay
dalka u boobaan oo carabka iyo cidida u
mariyaan dhamaan hantida ummada
iyo qayraadka Dabiiciga ah ee illaahay
ku maney stay Somaliland una maleynaya inay kaga baxayaan
saboolnimada.
Maanta oo kale 31.05.88, Qof nool oo
looga sheekaynayaa ma jiro siday xaa lada Som/land gaar ahaan
Hargeysa ay ahayd, Rajo badan oo laga
filayey in cidi ka badbaadayso may jirin waayo taliskii siyaad barre
wuxuu ku talo galay inuu gebi ahaanba cagta mariyo kana tirtiro
gobolada woqooyi oo dhan Reerka isaaqa wixii hadhaana ay Raaciyad
noqdaan la adoonsado.
Hormo Sulub Miyaanaan Lahayn
Hanado Laayaana Miyaanaan Ka Hawl Gelin Maalintuu Rag isu Haaneedey
Hangashtiyo Miyaan Baandadii Hororka Loo Loogin (Cabdi-Baraar)
Wax laysula hadhay ma jirin diyaaradihii iyo dubaabadihii dalkan
lagu dumiye yna weydinkaa arkaya ee ay meel walba yaalaan
burburkoodii. Hargeysa waxa taariikhda
u gashay magaaladii intay diyaaraduhu duqeeyaan hadana dib u
fadhiisanayeen si ay shidaal uga qaataan ay dib ugu garaacaan. sidaa
darteed Isaaq inta dhimatay iyo inta noolba naf iyo maalba wuxu
isugu geeyey sidii hargeysa loo xorayn
lahaa,u malayn maayo in maanta layga baahan yahay inaan ka sheekeeyo
taariikhdii madoobeyd iyo habeenadii murugada iyo welwelka badnaa ee
xataa aduunka la waayey cid ka hadasha wixii meesha ka dhacayey,
iskaba daa cid tidhaahda ka daaya ee ku digasho iyo magacyo quudhsi
leh ayaa loogu yeedhi jiray marka la qabto intaan la dilin ama la
xidhin Qofka isaaq ku abtirsada amase loo maleeyaba.
Waxan xasuustaa Muj.Siilaanyo oo
BBCdu weydiinayso Axmedow hadii uu jiro
dagaal idinka dhexeeya idinka(SNM)iyo
Siyaad Barre maxaa aduunyadu uga hadli
weyday, jawaabtii Siilaanyo:
“Aniga
iyo Siyaad barre Aqal madoow oo daaqadaha iyo albaabadu u xidhan
yihiin ayaanu ku dhex dagaalameynaa Aduunyaduna debeday naga daawan
aysaa waxayna sugayaan ninka meydkiisa daaqada laga soo tuuraa ka uu
noqon doono ”
Hargeysa waa caasimadii
Somaliland:waxaa la filayey markii si wanaagsan oo gobanimo iyo
geesinimo leh looga xoreeyey cadawgii caqiibada xumaa ee cududaha
gooyey inay noqoto hooyadii Reer Somaliland oo dhan, Astaana looga
dhigo magaalo ay ka caagan yihiin dhamaan inta dulmiga iyo xumaan ta
jeceli, oo weliba laga sameeyo Maxkamad Dabagal ku Samaysa Dadkii
De nbiyada Dagaal Geystay. Si gaarana looga xurmeeyo intii hiil iyo
halgan u soo gashay dalkan iyo dadkaba, Laakiin nasiib daro waxay
noqotay magaalo xarun iyo hooy u ah Dhamaan Hadhaagii Siyaad barre
intii woqooyi u dhalat ay,ka sii darane weliba golaha xukuumada oo
dhan iyagaa gacanta ku haya ,kooxdaasu waxay xidhiidh toosa iyo
midaan toos ahaynba la leedahay dha maan qaybaha kala duwan ee
bulshaweynta Reer somaliland ka kooban tah ay,gaar ahaan dadka ka
soo jeeda deegaan ahaan Hargeysa iyo
degaanka ku xeeran,kuma jiraan Dadka wanaagsani sharafna wey iga
mudan yihiin laakiin waxaan ka hadlayaa inta Damiirka Dadnimo ka
Dhintay, 7dii sano ee u danbeeyey ha ugu daraadeene.
Dhacdooyinka Dhiilada Xanbaarsan
ee Ummadan laga galay iyo ku Tumasha da iyo Tacadiga lagu hayo
Qaybaha kala duwan ee Bulshada, Gaar ahaan intii ugu Qiimaha badnayd
ee lagu Tilmaami jiray Birmageydada,lama taabta anka iyo
Musqalbalka Ummada waxaa lagu bah dilaa cadaawad iyo Ceeb aa
nay lahayna loogu geystaa Hargeysa.
malaa waa iska amarada illaahaye Hargeysi
dhaqan uma laha ficilka xumaanta lagu diido ee xaqa iyo xumaanta
lagu kala saaro, markaa Run
buu noqonayaa hadalkii Muj Maxamed Xaashi
Cilmi ee ahaa” illaahayow
ummadayda sidooda iga dhig ama iyaga sidayda ka dhig."
Muj Axmed Siilaanyo
Xamar oo aanu xidid iyo xigaal midna ku
lahayn ayuu kaga adkaaday Siyaad Barre
iyo xulafadiisii,laakiin isagana waa Siilaanyo,e
Hargeysa oo uu dhalasho ahaan ka soo
jeedo ayaa lagaga adkaaday
isaga iyo SNM ba
“Nin Ku Xiga Naxliga Kuu Galaa Nudeyga Kaa Gooye,Mar Hadaanan
Naaskii Walaalnimo Idinka Nuugeynin Nugaalna Aan Tagee Reer Xirsow
Nacay Agtiinii”. (Faarax Nuur)
Tolow sidee wax u dhaceen?
wax kale ma dhicine waxaa meesha yaala xin iyo xumaan nin waliba
xawlalmariidka is gooyey.
“Dhidarkuba xabaalaha kuma dhaadheceenoo kuma dhiiradeen Ruux celin
kara dhawaaqee markuu meydka dhiiliyo dhaqdhaqaaq ka waayuu hore ugu
dhawaadaa oo dhinacyadiyo feedha sararaha ka dheegtaa” (Hadraawi).
Hargeysana waxaan leeyahay Dulmigaa illaahay xaaraantimeeyey
xalaaleyn mayno Halyeeyadii qaaliga ahaa ee dhiigoodu sida daadka U
Qulqulay Dooxa Hargeysana Hooyooyinkii
dhalay, Ubadkii iyo Ooryihii ay ka tageen maalin walba naga dul Ooyi
maayaan.
“Hadba Cududahaagaan Dayaa Cali Salaanoow Goormaan Ku Ciil Bixi
Tolkay Calan La ii Saarye”.(Salaan Carabey)
Somaliland guul
Xasan Cali Abokor
Ottawa Canada |
|