Golaha Madaxbanaan
ee Wadatashiga iyo Toosinta Qaranka oo Somaliland lagag dhawaaqay
Marka hore waxa aan
ummadda reer Somaliland meel kasta oo ay joogto leeyahay Ramadaan
Kariim. Bishan bisheedana ku gaadha badhaadhe iyo barwaaqo.
Intaasi ka dib, waxa farxad weyn ii ah anigga oo ah
Ibraahim
Cabdillaahi Xuseen (Dhegoweyne)
,oo ah Afhayeenka Golaha Madaxbanaan
ee Wadatashiga iyo Toosinta Qaranka, in maanta oo ah Arba ca,
10 July, 2013,ku dhawaaqno oo shaacino jiritaanka Golahan cusub iyo baahiyhii
keenay abuurit aankeeda iyo ujeedooyinkeeda,ka dibna markii aanu aragnay:
1. Xalaada guud ee dalku maraayo
2. Gooni isu taagii iyo qadayadii madax banaanida Somaliland oo
mad madow la geliyay, isla markaas na dalkii go'doon laga geliyay
beesha caalamka.
3. Balan qaadyadii ay xukuumadda ku gashay xilligii ololaha
doorashada madaxtooyadda ee 2010 oo aan intoodii badnayd la fulin
ama la hirgelin.
4. Eexdii,
qabyaaladdii,
musuqmaasuqii
iyo hantiboobkii oo maraaya
meel aan hore loo arag abid.
5. Hantidii ummada iyo awoodii dowladnimo oo loo isticmaalaayo in
lagu furfuro laguna kala qeybiyo midnimadda shacabka SomalilandL
laguna cabudhiyo saxaafadda madaxabanaan iyo Xisbiyaddii qara nka.
6. Taladii dalka oo gacanta u gashay
shakhsiyaad aan loo igman , oo
dano gaar ah leh oo runtii aan dalka iyo dadka toona midna u
tudheynin.
7. Sida ay isku-milmeen xukuumaddii, golayashaashii sharci dejinta,
iyo garsoorkii qaranka halkaas oo ay ku luntay isku-dheelitirkii
awoodeed ee dalka
8. Aragnay wax ka qabasho la'aanta cabashooyinka beelaha iyo weliba
isku-dhacyadda dhexmara.
9. Niyad jabka, shaqo la'aanta, quusta, rajo xumada, iyo tahriibta ku
habsatay ummadii SL guud aha ana, gaar ahaana dhallinyaraddii
lafdhabarka u ahayd dalkan.
10. Sida Dastuurkii iyo
shuruucdii dalkani lahaa loogu tumanaayo.
11. Wadatashigii
& isku tanaasulkii ay Somaliland ku soo caano
maashay intii ay jirtay oo loo bedel ay in aan la isku joojin.
12. Beelihii darafyadda oo ka maqan dha dhaaradii taladda dalka iyo
awood qeybsigii.
13. Caadaalad daradii
oo si weyn ugu baahday dhamaan dalkii oo dhan
iyo go'aanadii maxkamadaha oo aan la fuluneynin.
14. Ilihii dhaqaale ama dakhliga sida
Dekadda, Haamaha shidaalka,
Macjarkii , Hey'adii wadooyinka,
Dayactirka (levy),
lacagtii
gurmadka, 2% loo qoondeeyay horumarka goboladda bariga oo si toos
loo hoos geeyay Madaxtooyadda iyada oo
dano gaar ah loo isticmaalo.
15. Dhaqaalaha ka soo gala dalka kheyraadka dabeeciga ah sida
shidaadlka, macdanta,
kalluunka,iw m. oo
si gaar ah loogu takri
falaayo heshiisyadoodana aan la soo marin baarlamaanka
16. Dhimashadii , dhaawicii , dildilaaci , riiqdii , qeybsanaatii,
qabyaaladii ay inaga tagtay doorashadii golaha degaanka (28/11/2012)
ee xukuumada SL musuq maasuqday.
Haddaba, isku soo wada duuboo markii aanu araganay in dalka
halis ku
jiro oo cagta saaray tubtii ama dhabihii ay
dowladuhu ku burburi
jireen , ayaa wada tashi dheer oo ka dhacay dalka gudihiisa iyo
debediisaba, lagama maarmaan noqotay in loo midooba sidii loo
bad baadin lahaa jiritaanka Qar animadda JSL.
Sidaasi awgeed waxa
abuurmay Gole Madaxbanaan oo la magac baxay ,GOLAHA MADAXBANAAN EE
WADATASHIGA IYO TOOSINTA QARANKA. Waxa la isla gartay in sida ugu
dhakhsiyaha badan leh loo qabto Dood Cilmiyeed lagu lafo guraayo
laguna dersaayo xal u helida dhibaatooyinka iyo caqabada ha faraha
badan ee inna horyaala si loo helo Midnimo Qaran.
Fadlan wixii tallo iyo tusaale ah ee khuseeya horumarka iyo danta
dalka waxa aad nagala soo xidhii dhaan emailadan:-
wadatashiga@gmail.com ama
wadatashiga@hotmail.com.
ALLA MAHAD LEH
Ibraahim Cabdillaahi Xuseen (Dhegoweyne)
Afhayeenka Golaha Madaxbanaan ee
Wadatashiga iyo Toosinta Qaranka
|