Hanuunka iyo Taqwada Eebbe

 


Bisha Ramadaan ee barakaysan waa in qofku si dhab ah u safeeyaa iimaankiisa oo ku sifoobaa sifooyinka Muuminka xaqiiqda ah,oo kasbada ajarka bisha.
Hanuunku waa u hoggaansiga dhamayska tiran ee qofku u hoggaansamo waxa diinta Islaamku farayso,waa ka xorowga qofku ka xoroobo wax kasta oo aan Islaamku farin, waa qofka oo waxa niyaddiisa ku soo dhaca iyo hadalka ka soo baxa iyo hawl uu ku dhaqaaqo fulinteedba u eega waxa diintu ka qabto,waa qofka oo si dhab ah u fahma noloshan iyo ujeeddada Alle u abuuray,ee ah in uu Alle keliya caabudo,oo u dareemo in waxyaalahan Alle ku nimceeyey,ee u sakhiray in ay yihiin kuwo u suurtagelinaya gudashada cibaadadan loo abuuray,waxa Alle inoo soo dejiyey Kitaab oo wuxu inoo soo diray Rusul,oo waxa layna kala tusay waddada saxa ah iyo ta khaladka ah,markaa qofkii ku hanuuna amarradaa Alle iyo qofkii aan ku hanuuninba abaalkiisuu heli doonaa:
قل يا أيّها النّاس قد جاءكم الحقّ من ربّكم فمن اهتدى فإنّما يهتدي لنفسه ومن ضلّ فإنّما يضلّ عليها وما أنا عليكم بوكيل(يونس)
Aayadda:dheh(Rasuul Allow)dadyohow waxa xaqiiqo idiin yimi xaqii,oo xagga Rabbigiin idiinka yimi,kii hanuunaa naftiisa ayuu hanuuniyey kii baadiyoobana isagaa is baadiyeeyey oo is lumiyey,aniguna wakiil idinkama ihi.
Diinta Islaamku waa hanuun waana xaq,dadka diinaha baadilka ah sheeganaya waxa u ah waxtar iyo hanuun diinta xaqa ah,ee xagga Alle ka sugnaatay:
هو الّذي أرسل رسوله بالهدى ودين الحقّ ليظهره على الدّين كلّه وكفى بالله شهيدًا(الفتح)
Aayadda:Isagu(Alle)waa ka u soo diray Rasuulkiisa hanuunka iyo diinta xaqa ah,si ay u daboosho oo uga kor marto diinaha kaloo dhan,Alle ayaana marag iigu filan.
Quraanka iyo diinta Alle ayaa ina baraya dariiqa hanuunka:
إنّ هذا القرآن يهدي للّتي هي أقوم ويبشر المؤمنين الّذين يعملون الصّالحات أنّ لهم أجراً كبيراً(الإسراء)
Aayadda:Quraankani wuxu kugu hanuuninayaa jidka saxa ah,oo waxa uu ugu bushaaraynayaa Muuminiinta samaynaya camal saalix ah ee wanaagsan,in ay leeyihiin ajar weyn.
waxana og hanuunka dhabta ah ee qofku hanuuno Allihii abuuray,oo Alle wax kasta cilmi buu u leeyahay,oo wuu og yahay illeyn Isagaa abuuray wax kasta'e:
قل كلّ يعمل على شاكلته فربّكم أعلم بمن هو أهدى سبيلا(الإسراء)
Aayadda:dheh(Rasuul Allow)cid kasti qaabkay doonto haw camal fashee,Rabbigiin ayaa og oo u cilmi badan ka ku hanuunsan waddada saxda ah.
Waxa Alle Ummadda u soo diray Rasuullo bara,oo u fasira sida ay dadku Allohood u caabudayaan,iyo sida ay noloshooda oo dhan uga dhigayaan mid waafaqsan Manhajka Alle u dhigay:
وأطيعوا الله وأطيعوا الّرسول فإن توليتم فإنّما على رسولنا البلاغ المبين(التغابن)
Aayadda:Adeeca Alle oo adeeca Rasuulka,haddii aad diiddaan oo dhabar jeedisaan, waxa Rasuulka korkiisa ah gaadhsiin cad keliya.
Qofkii ku hanuuna xaqa ee adeeca amarka Alle,iyo amarka Rasuulka wuxu naftiisa u horseeday wanaag iyo khayr,oo naf kastaaba gaarkeed bay u helaysaa waxa ay shaqaystay iyo hanuunkeeda:
من اهتدى فإنّما يهتدي لنفسه ومن ضلّ فإنّما يضلّ عليها ولا تزر وازرةٌ وزر أخرى (الإسراء)
Aayadda:kii hanuunaa wuxu hanuuniyey oo hadeeyey naftiisa,kii baadiyooba oo lumaana naftiisa ayuu lumiyey,oo nafina denbiga ay naf kale leedahay ma xambaarto, oo looma raaco.
Dadka hanuuna ee Alle Jannada abaal uga dhigo,waxay mar kasta sameeyaan shukri iyo mahad naq,ay Allohood uga mahadinayaan hanuunkaa uu siiyey,ee ay Jannada ku heleen:
وقالوا الحمد لله الّذي هدانا لهذا وما كنّا لنهتدى لو لا أن هدانا الله لقد جاءت رسل ربّنا بالحقّ ونودوا أن تلكم الجنّة أورثموها بما كنتم تعملون(ألأعراف)
Aayadda:waxa ay yidhaahdaan:Alxamdulillaah waxa mahad leh Allihii na hadeeyey, ma aanu ahaanneen kuwa hanuuna oo hadooba,haddii aan Alle na hadaynin oo na hanuunin,xaqiiqa'e waxa Rususha Rabbigayo la yimaaddeen xaq,oo waxa loogu baaqayaa looguna dhawaaqayaa:waa taas Jannadii aad ku dhaxasheen camalkii aad samayn jirteen.
Qofka Muslinka ah ee Alle hadeeyey,haddii uu la kulmo dhib ka soo gaadha gaalada waa in uu u sabraa,oo Allihii hadeeyey talosaartaa Isagaa ilaalinayee:
وما لنا أللا نتوكل على الله وقد هدانا سبلنا ولنصبرنّ على ما ءاذيتمونا وعلى الله فليتوكل المتوكلون(إبراهيم)
Aayadda:maxaannu Alle u talosaaran weyney Isagaaba na hanuuniyeyyey oo na hadeeyeye,oo waa in aannu u sabirnaa dhibta aad noo geysanaysaan,oo Alle ha tala saarteen oo ha tawakuleen kuwa cid talosaaranayaa.
Waxa jira dadka kuwo hawadooda raaca,oo aan hammigooduba xaqa iyo waxa loo abuuray danayn,oo nolosha Adduunku u tahay yoolka iyo hadafkooda:
أفرأيت من اتّخذ إلـهه هواه وأضلّه الله على علم وختم على سمعه وقلبه وجعل على بصره غشاوة فمن يهديه من بعد الله أفلا تذكرون(الجاثية)
Aayadda:ka warran qofka ka yeelanaya hawadiisa Illaah,ee Alle lumiyey lumin cad,oo Alle daboolay maqalkiisa iyo qalbigiisa,oo ka dhigay mid araggiisa dabool saran yahay,oo yaa hadaynaya oo hanuuninaya Alle ka sokow,waar miyaanay fekeraynin.
Dadkaa lumay ee baadiyoobey,waxay hanuunka ka door bideen baadida iyo lumista:
أُولئك الّذين اشتروا الضّلالة بالهدى فما ربّحت تجارتهم وما كانوا مهتدين(البقرة)
Aayadda:kuwaasi waa kuwii ku iibsaday hanuunkii baadinimo,oo wax faa'iido ah ganacsigoodu ma laha oo ma faa'idayaan,mana aha kuwo hanuunaya.
Dadka lunsani waxay ku mashquulsan yihiin oo ku maqan yihiin,nolosha Adduunka iyo daba orodkeeda,haddaad waani is tidhaahdona kaa qaadan maayaan:
قالوا سواء علينا أوعظت أم لم تكونوا من الواعظين (الشعراء)
Aayadda:waxay odhanayaan waa isugu kaayo mid haddaad na waaniso iyo haddaanad na waaninba.
Dadkaa Alle caasiyey ee hanuunka ka doortay kuna iibsaday baadinimada,iyo lumistu waa kuwo war moog ah oo khaladkooda iskula wanaagsan,isuna haysta kuwo fiican:
هل ننبئكم بالأخسرين أعمالا الّذين ضلّ سعيهم في الحيّاة الدّنيا وهم يحسبون أنّهم يحسنون صنعًا أولئك الّذين كفروا بأيات ربّهم ولقائه فحبطت أعمالهم فلا نقيم لهم يوم القيامة وزنًا(الكهف)
Aayadda:ma idiinka warramaa kuwa camalkoodu khasaaray,waa kuwa nolosha Adduunka u ordaya ee isu malaynaya in ay wanaag falayaan,iyagoo xumo ku jira, kuwaasi waa kuwa beeneeyey Aayadaha Rabbigood iyo la kulankiisa Qiyaamaha, markaasay burtey oo burburtay shaqadoodii iyo waxqabadkoodii,oo wax qiimo ah ama miisaan ah oo ay leeyihiin Qiyaamaha ma jirto.
Gaalada iyo dadkan lumay haddii aad is tidhaahdo xaqa u sheeg,hadalkaagu uma dhacayo oo uma daadegayo,waxad moodaysaa in ay ku maqlayaan oo ku soo eegayaan,laakiin qalbigooda ayaa hanuunka ka daboolan:
وإن تدعوهم إلى الهدى لا يسمعون وتراهم ينظرون إليك وهم لا يبصرون(الأعراف)
Aayadda:haddaad ugu yeedho hanuunka kuma maqlayaan,waxadna aragtaa iyagoo ku soo eegaya oo ku fiirinaya,iyagoo ah kuwo aan waxba arkayn(oo aanu khayrku u muuqanayn).
Waa waajib ina wada saaran in aynu dadka hanuunka ugu yeedhno oo khayrka u sheegno,kii Alle hadaynayo ayuun baa hadoobaya oo hanuunaya'e,waxad ogaataa in ay jiraan dad aan hanuunayn oo lunsan,inkastoo aad si kastaba ugu dadaasho in ay khayrka iyo hanuunka raacaane:
ومنهم من يستمعون إليك أفأنت تسمع الصّمّ ولو كانوا لا يعقلون ومنهم من ينظر إليك أفأنت تهدى العمي ولو كانوا لا يبصرون(يونس)
Aayadda:waxa ka mid ah kuwo ku dhegaysanaya,oo miyaad maqashiin karaysaa kuwo dhega la' haddii aanay caqli qaadanayn,oo waxa ka mid kuwo ku soo fiirinaya oo ku soo eegaya,oo miyaad hadeeynaysaa oo hanuuninaysaa kuwo indha la', haddii aanay waxba arkayn(xaqa haddaanay arkayn).
Qofka Muslinka ah ee hanuunka Alle ku mannaystay,waa in uu dadka kale dhamaan la wada jeclaadaa hanuunka,oo isagoo dadka khayrka ugu yeedhaya u adeegsadaa dariiq wanaagsan oo aan xoogxoog ahayn,maagid iyo dhibina aanay ku jirin ee ay ka muuqato naseexo iyo hogatusaalayn debecsan,isagu kama masuul aha hanuunka qofkaa,laakiin waa in uu gaadhsiiyaa xaqa oo dariiqo wanaagsan ku gaadhsiiyaa:
ولو شاء ربّك لأمن من في الأرض كلّهم جميعاً أفأنت تكره النّاس حتّى يكونوا مؤمنين(يونس)
Aayadda:haddii Rabbigaa doono waxa dad dhulka joogaaba Alle way rumayn lahaayeen oo xaqa raaci lahaayeen,ma waxad dadka ku dirqiyaysaa oo ku khasbaysaa kuna karhaysaa in ay Muuminiin noqdaan.
Adiga in aad gudbiso oo xaqa dadka si fiican oo debecsan ugu sheegto ayaa kula gudboon,Alle ayaa hadayn kara oo hanuunin kara dadka:
وما أكثر النّاس ولو حرصت بمؤمنين(يوسف)
Aayadda:dadka intiisa badan kuwo hanuunaya oo Muuminiin noqonaya ma aha, inkasta oo aad ku dadaasho in aad xaqa u sheegto oo waaniso.
Bal arrinka iyo xaalka ay ku dhamaanayso dadka hanuunka diida ee baadiyooba aan wax ka milicsanno:
ويوم يحشرهم كأن لم يلبثوا إلا ساعة من النّهار يتعارفون بينهم قد خسر الّذين كذّبوا بلقاء الله وما كانوا مهتدين(يونس)
Aayadda:maalinta dhamaan la soo xaadirinayo ee la soo wada saarayo,waxad mooddaa in aanay saacad keliya oo maalinta ka mid ah Adduunka soo joogin, dhexdooda way is garan doonaan,waxa xaqiiqadii khasaaray kuwa beeniyay in ay nala kulmi doonaan(Qiyaamaha),mana ay ahayn kuwo hanuuna.
Abaal marinta Alle siiyo dadka jidkiisa ku hanuuna ee Alle ku hadeeyo xaqa,waxa ka mid ah Janno ay ka mabsuudaan,oo Alle uga mahadnaqaan:
إنّ الّذين ءامنوا وعملوا الصّالحات وعملوا الصّالحات يهديهم ربّهم بإيمانهم تجري من تحتهم الأنهار في جنّات النّعيم دعواهم فيها سبحانك اللهمّ وتحيّتهم فيها سلام وءاخر دعواهم أن الحمد لله ربّ العالمين(يونس)
Aayadda:kuwa Alle iyo Nebigiisa rumeeyey,ee sameeya camalka wanaagsan,Alle ayaa iimaankooda ku hadeeya oo ku hanuuniya Jannooyin nimco ah,oo ay webiyo hoostooda marayaan,yeedhmadooda iyo odhaahdoodu waa:Allow adaa nasahan,waxa ay isku salaamayaanna waa salaam,waxa ugu dambaysa ee ay odhanayaan waa Alxamdulillaahi Rabbil caalamiin(mahad Alle ayaa iska leh caalamiinta Rabbigooda).
Taqwada ama cabsida Eebbe waa dhuuxa iimaanka,oo waxay qofka ku hoggaamisaa camalka wanaagsan,waxana ay ka reebtaa xumaha,oo marka qofku hanuunka uu la yimaaddo waxa uu gaadhayaa heer uu gaadho cabsida Alle,oo ka dhigto hugiisa oo kale,taqwada qofku wuxu ku kasbadaa in uu helo Alle raalliinyihiisa,iyo Alle raxmaddiisa iyo denbi dhaafkiisa,waxa qofka Alle keliya ka cabsada,ee u caabuda sidii uu arkaayo oo niyadiisa iyo khushuuciisa oo dhan ka dhiga,mid la nool cabsida iyo cibaadada Eebbe,waxa hubaal ah oo Alle ballan qaaday in qofka arrinkaa laga helo ay u waajibtey Janno iyo wanaag uu Ifka ku noolaado,oo wax kasta Alle u sahlo oo u fududeeyo,oo ku gacan qabto cibaadadaa uu u gudanayo sida niyadda ah,iyo taqwadaa dhabta ah ee uu Alle ka cabsanayo:
يا أيّها الّذين ءامنوا اتّقوا الله حقّ تقاته ولا تموتنّ إلا وأنتم مسلمون (العمران)
Aayadda:kuwa Alle iyo Nebigiisa rumeeyow,Alle ka cabsada cabsida teeda xaqa ah ka cabsada oo Alle ka baqa,oo ha dhimannina idinkoo Muslimiin ah mooyee.
Mar kasta waxa Alle innagu boorrinayaa cabsidiisa iyo taqwadiisa:
وتزّودوا فإنّ خير الزّاد التّقوى واتّقوني يا أُولى الألباب(البقرة)
Aayadda:ka dhigta cabsida saad waxa saadka ugu khayr badan saadka cabsida'e,oo iga baqa kuwa qalbiga iyo caqliga lehoow.
Waxa dhamaan Rusushii Alle inoo soo diray ina farayeen oo dadka u sheegayeen,in Alle laga baqo oo taqwo lala yimaaddo,keligiisna la caabudo:
فاتّقوا الله وأطيعون وما أسئلكم عليه من أجر إن أجري إلا على ربّ العالمين(الشعراء)
Aayadda:Alle ka cabsada oo i adeeca,idinma weydiinayo xoolo iyo ajartoonna,aniga ajarkaygu xagga Rabbiga caalamiinta ayuu iiga sugnaaday.
Qofka Muslinka ah waxa laga rabaa in uu camal wanaagsan sameeyo,sida salaadda oo uu Allena ka baqo oo ka cabsado:
وأن أقيموا الصّلاة واتّقوه وهو الّذي إليه ترجعون(الأنعام)
Aayadda:waa in aad salaadda oogtaan oo tukataan,oo Allena ka cabsataan oo ka baqdaan,xaggiisa ayaad u noqon doontaane.
Waxa Manhaj ahaan Alle Ummadda u dhigay oo u jideeyey,in ay dadku cabsida Eebbe isku kaalmaystaan oo isku taageeraan,kuna wada dhaqmaan:
وتعاونوا على البرّ والتّقوى ولا تعاونوا على الإثم والعدوان(المائدة)
Aayadda:isku caawiya oo isku kaashada wanaagga iyo cabsida,oo ha isku caawinnina denbiga iyo cadawtinimada.
Ka fogaanta iyo ka dheeraanta xumaha oo aad iska ilaaliso,waxa ay caddaynaysaa in taqwadaada iyo cabsidaadu miisaaman tahay,oo ay wanaagsan tahay:
وقهم السّيئات ومن تقي السّيّئات يومئذ فقد رحمته وذالك هو الفوز العظيم(غافر)
Aayadda:iska ilaaliya xumaha qofka iska ilaaliya xumuha oo ka baqdaa,maalinta Qiyaamaha Alle wuu u naxariisanayaa,oo arrinkaasi waa guul weyn.
Dadku waa in ay Alle ka baqaan oo xusuustaan in ay jirto maalin la xisaabinayo:
واتّقوا يوماً ترجعون فيه إلى الله ثمّ توفّى كلّ نفس ما كسبت وهم لا يظلمون (البقرة)
Aayadda:ka baqa maalin aad xagga Alle u noqonaysaan,oo naf kasta loo oofinayo oo ay helayso wixii ay kasbatay iyadoo aan la dulmiyaynin.
Aakhiro qofna qof wax uma qaban karo,wuxu helayaa qof kasti camalkiisii:
واتّقوا يوماً لا تجزي نفس عن نفس شيئاً ولا يقبل منها شفاعة ولا يؤخذ منها عدلٌ ولاهم ينصرون(البقرة)
Aayadda:ka baqa Maalin aanay nafina naf wax u qabanayn,oo aan shafeeco laga aqbalyn oo aan waxba la weydiinayn,oo cidina u gargaarayn.
Alle subxaana watacaalaa,wuxu ina farayaa in aynu cabsi iyo taqwo lahaanno,oo eegno oo nafteenna sii xisaabino,si berri waxa aynu la kulmaynaa u noqdo abaal marin wanaagsan iyo Janno.
يا أيّها الّذين ءامنوا اتّقوا الله ولتنظر نفس ما قدمت لغد واتّقوا الله إنّ الله خبير بما تعملون (الحشر)
Aayadda:kuwa Alle iyo Nebigiisa rumeeyow,Alle ka baqa oo naftu ha eegto waxa ay berri u horomarsanayso,oo Alle ka cabsada Alle wuxu u yahay khabiir oo wuu ogyahay waxa aad samaynaysaane.
Qofka Muslinka ahi waa in uu adeecaa amarka Eebbe,oo uu u shaqaystaa maalinta aan camalkiisa iyo taqwadiisa mooyee wax kale waxba taraynin,oo carruurtiisu aanay xataa waxba u qaban karin,ee isaga iyo cabsidiisii iyo camalkiisii ay noqonayso:
يا أيّها النّاس اتّقوا ربّكم واخشوا يوما لا يجزي والدٌ عن ولده ولا مولودٌ هو جاز عن والده شيئًا إنّ وعد الله حقّ فلا يغرّنّكم الحياة الدّنيا ولا يغرّنّكم بالله الغرور (لقمان)
Aayadda:dadyohow Rabbigiina ka baqa,oo ka cabsada maalinta aan Aabbena ilmihiisa wax u taraynin,Ilmuhuna aanu Aabbihii waxba u qabanaynin,Alle ballantiisu waa xaq,ee yaanay idin dagin nolosha Dunidu oo xagga Alle idinka dagin.
Waxa Illaahay Isagaa korreeyee,inoo sheegayaa in cabsida iyo taqwadu la mid yihiin huga ama dharka la xidho,oo qofku qalbigiisa ka huwanayo cabsida Eebbe,oo wax kasta oo uu qabanayo u qabanayo isagoo Alle ka cabsanaya,oo in Alle arkayo og:
يَا بَنِي آدَمَ قَدْ أَنزَلْنَا عَلَيْكُمْ لِبَاسًا يُوَارِي سَوْءَاتِكُمْ وَرِيشًا وَلِبَاسُ التَّقْوَىَ ذَلِكَ خَيْرٌ ) الأعراف)
Aayadda:Bini-Aadamkow waxannu xaqiiqadii idiin soo dejinney dhar aad ku qarsataan xumihiinna(cawrooyinkiinna) iyo baalal,dharka cabsida ayaana ah ka khayrka badan.
Qofka cabsada ee Allihisa ka baqaa,waxa uu helayaa abaalgud Ifka iyo Aakhiroba ah:
يا أيّها الّذين ءامنوا اتّقوا الله وقولوا قولا سديدًا يصلح لكم أعمالكم ويغفر لكم ذنوبكم(الأحزاب)
Aayadda: kuwa Alle iyo Nebigiisa rumeeyow,Alle ka baqa oo dheha hadal iyo qowl wanaagsan,Alle ayaa idiin wanaajinaya camalkiinna oo denbigiinnana dhaafaya'e.
Dadka Alle aan ka cabsan ee ku gaaloobay waxa duufsaday oo ay raaceen Shaydaanka iyo hawadooda,oo haddii aad Alla ka cabsi ugu yeedho way kibrayan:
وإذا قيل له اتّق الله أخذته العزة بالإثم فحسبه جهنّم ولبئس المهاد(البقرة)
Aayadda:haddii lagu yidhaahdo Alle ka baq oo Alle ka cabso,waxa qaadaysa kibir iyo is weyneyn denbi ah,waxa ku filan Jahannama oo ah meesha ugu xun hooy ama meel loo noqdo ugu xun.
Shaydaanku wuxu baqa geliyaa dadka raaca ee uu hufsado,ee gaalada ka dhigo,dadka Muslinka ahise cid aan Alle ahayn kama baqaan oo kama cabsadaan::
إنّما ذالكم الشّيطان يخوف أوليائه فلا تخافوهم وخافون إن كنتم مؤمنين(العمران)
Aayadda:kaasi waa Shaydaanka baqa gelinaya kuwa la jira ee raacay,ha ka biqina ee Aniga iga baqa,haddaad tihiin kuwo Muuminiin ah.
Cidda Alle ka baqda ee cabsi iyo taqwo la timaadda,Alle wuxu ugu ballan qaaday in uu la jirayo oo wehel u yahay:
ألا إنّ أولياء الله لا خوف عليهم ولا هم يحزنون الّذين ءامنوا وكانوا يتّقون لهم البشرى في الحيّاة الدّنيا وفي الآخرة لا تبديل لكلمات الله ذالك هو الفوز العظيم(يونس)
Aayadda:waar hooy awliyada Alle ma aha dushooda wax baqdin ah iyo murugo midnaba,kuwa Alle iyo Nebigiisa rumeeyey ee ahaa kuwo cabsada,waxay leeyihiin bushaarooyin ah nolosha Dunida iyo Aakhiroba,kelmedaha Alle lama beddeli karo,oo arrinkaasi waa guul weyn.
Cabsida iyo taqwaddu waxay ku dhaxalsiisaa liibaan iyo khayr If iyo Aakhiro ah:
قل متاع الدّنيا قليل والأخرة خير لمن اتّقى ولا تظلمون فتيلا (النسّاء)
Aayadda:waxad tidhaahdaa(Nebi Allow)raaxada Adduunku waa wax yar oo kooban, oo Aakhiro ayaa u khayr badan kii Alle ka cabsanaya,iyadoo aan wax yar qofna laga dulmiyaynin.
Muslinka Alle taqwadiisa iyo cabsiddisa ku dhaqma ee qabatima,waxa Alle ku abaal mariyaa in uu geliyo Jannadiisa aan ilina arag,dhegina maqal,oo aan qofna maskaxdiisa ku soo dhicin,oo aan qiimeheeda Alle mooyee cid kale garanayn:
مثل الجنّة الّتي أعدّ للمتّقون فيها أنهارُ من ماء غير ءاسن وأنهارٌ من لبن لم يتغير طعمه وأنهارٌ من خمر لذّة للشاربين وأنهارٌ من عسل مصفًّى ولهم فيها من كلّ الثمرات ومغفرة من ربّهم كمن هو خالدٌ في النّار وسقوا ماءً حميمًا فقطع أمعاءهم(محمد)
Aayadda:Jannada loo diyaariyey kuwa cabsada ee Mutaqiinta ahi waxa ay la mid tahay,mid ay dhexdeeda yihiin webiyo biyo ah oo aan xumaanayn,iyo webiyo caano ah oo dhadhankoodu aanu is beddelayn,iyo webiyo khamri ah oo cabbitaankoodu macaan yahay,iyo webiyo malab ah oo saafi ah,waxa sidoo kale Jannada ay ka helayaa nooc kasta oo midhaha ah iyo denbi dhaafka Rabbigood,sida kuwii cabsan waayey ay ugu waarayaan Naarta,oo la waraabinayo biyo kulul oo jarjaraya xiidmohooda.
Qofkii Alle ka cabsada waxa Illaahay u fududeeyaa nolosha,oo wuxu u waasiciyaa irsaaqda oo meelo aanu ka filayn ka siiyaa:
ومن يتّق الله يجعل له مخرجا وَيَرْزُقْهُ مِنْ حَيْثُ لآ يَحْتَسِبُ وَمَن يَتَوَكَّلْ عَلَى اللَّهِ فَهُوَ حَسْبُهُ (الطلاق)
Aayadda:kii Alle ka cabsada ee ka baqda waxa Alle u sameeyaa makhraj iyo jid uu dhibaatada kaga baxo,wuxuna ka irsaaqaa meel aanu ka filaynin,oo qofkii Alle talosaarta Isagaa Alle ku filan qofkaa.
Alle haddii aad ka cabsato oo ka baqdo wuxu ku siinayaa denbi dhaaf,oo Alle quluubta ayuu daalacanayaa oo ogyahay kii ka cabsanaya,ee taqwo la yimaadda:
ومن يتق الله يكفر عنه سيئاته ويعظم له أجراً( الطلاق)
Aayadda:kii Alle ka cabsada ee ka baqda,waxa Alle dhaafaa denbiyadiisa oo ajarkiisana weyneeyaa.
Alle wuxu mar kasta weheliyaa oo la jiraa kuwa ka cabsada,ee ixsaanka fala:
إنّ الله مع الّذين اتّقوا والّذين هم محسنون(النحل)
Aayadda:Alle wuxu la jiraa oo wehel u yahay kuwa cabsada,ee ah kuwa ixsaankana sameeya.
Cidda Alle keligii ka baqda oo ka cabsataa,wax kasta oo ay qabanayaanna ku saleeya taqwada iyo cabsida Eebbe,waxa gargaar iyo gacan qabasho iyo waxtarba ugu filan Allaha weyn,ee ay kelidii caabudayaan ee ka cabsanayaan:
أليس الله بكاف عبده ويخوفون بالّذين من دونه ومن يضلل الله فما له من هاد ومن يهد الله فما له من مضلّ أليس الله بعزيز ذي انتقام(الزمر)
Aayadda:miyaanuu Illaahay Addoonkiisa ku filnayn,waxay kugu bajinayaan waxyaalo kale oo aan Alle ahayn,kii Alle lumiyo ee baadiyooba cidina ma hadayn karayso,kii Alle hadeeyo ee hanuunana cidi ma lumin karayso,miyanu Alle ahayn mid aargoosigiisu daran yahay,mayee wuu yahaye.
Waxan Allaha awoodda leh ka baryaynaa in uu innagu hanuuniyo jidka xaqa ah,oo inaga yeelo kuwa keligii ka cabsata,ee noloshoodu taqwada iyo cabsida Eebbe ku dhisan tahay.Aamiin,Aamiin,Aamiin

 

 

 

Saeed Ibrahim Hussein
As/w/w