Hantidhawrka Guud oo Xabsiga u Taxaabay Xildhibaan,Sara akiil Sare iyo Shaqaale ka Tirsanaa Dawladda Hoose ee Boorama
 



Maayarka Boorama oo cabsi u magan-galay Maayar Jiciir iyo magacyada masuuliyiinta loo xidhxidh ay musuqmaasuqa


Boorama (TNN)- Ciidammada bilayska Somaliland, ayaa xabsiga u taxaabay shalay xildhibaan golaha d egaanka Boorama ah, saraakiil sare iyo shaqaale ka tirsanaa dawladda hoose ee magaalada Boora ma, kadib markii Hantidhawrka Guud ee ku soo oogay dacwado la xidhiidho fadeexado musuqmaa suq.

Hawlgal ballaadhan oo ciidammada boolisku ku ugaadhsanayeen saraakiil xilal muhiim ah hayey, qaar hore iyo shaqaale ka tirsan dawladda hoose ee Boorama, waxa ay ku qabqabteen ilaa 7 xubnood oo midkood yahay xildhibaan, kuwaasoo oo loo haysto arrimo ku saabsan lunsi hanti qaran.

Hantidhawraha Guud ee Qaranka Somaliland Mr. Maxamuud Aw Cabdi Ibraahim (Maxamuud-dheere) oo Jamhuuriya khadka telefoonka kula xidhiidhay xalay, ayaa xaqiijiyey inay iyagoo kaashanayey cii dammada booliska gacanta ku dhigeen shalay mudane ka tirsan golaha degaanka Boorama, kaasoo uu sheegay in lagu qabtay isagoo faraha kula jira fadeexado musuqmaasuq uu u isticmaalayey buu gaag lacag-qabasho oo been-abuur ah.

Mr. Maxamuud-dheere waxa uu xusay in xildhibaankaas oo magaciisa la yidhaa Xasan Yoonis lagu qabtay isagoo isticmaalaya juwanno been-abuur ah uu sifo sharci-darro ah ugu lunsan jiray cashuuraha ka soo xerooda kawaanka gawaraca ee magaalada Boorama.

“Maadaama xidhibaannada la soo doortay leeyihiin xisaanad (dhawrsanaan) oo aan la qaban karin haddaanu dembi cad faraha kula jirin…. Mudanaha ka tirsan golaha degaanka Boorama ee aannu xidhnay waxa qabashadiisa goob-joog ka ahaa Xeer-ilaalinta iyo saraakiisha ciidanka booliska, waxana la qabtay isagoo faraha kula jira musuqmaasuq oo juwanno been-abuur ah oo uu samaystay lacago kaga urursanaya kawaanka xoolaha lagu gawraco ee magaaladaas. Waxa kaloo iyagana aannu xidhnay laba wiil oo xildhibaankaasi suuqa ka qortay si ay ugu soo ururiyaan dakhliga uu sida khaldan u lunsan jiray ee ka soo xerooda kawaanka gawraca ee Boorama,” ayuu yidhi Hantidhawraha Guud ee Qaranka Somaliland.

Sidoo kale, waxa uu Hantidhawruhu sheegay inuu baxsaday xildhibaan kale oo isagan la yidhaa Mukhtaar Cabdillaahi, kaasoo uu xusay inuu qayb ka yahay eedaymaha xatooyada iyo musuqa loo qabtay mudanaha boolisku jeelka dhigeen shalay.

Waxa kaloo Hantidhawraha Guud uu Jamhuuriya u xaqiijiyey in sidoo kale isla shalay xabsiga loo taxaabay khasnajigii dawladda hoose ee Boorama, injineerkii guud iyo laba sarkaal oo hore u soo qabtay xilka xoghayaha fulinta dawladda hoose ee Boorama, kuwaasoo uu sheegay in xadhiggoodu ka dambeeyey xaalad degdeg ah oo la xidhiidha lacago aannu cadadkooda caddayn oo ay dukumantiyo been-abuur ah kagala baxeen khasnadda dawladda hoose ee magaaladaas.

Masuuliyiinta iyo saraakiisha bilaysku xabsiga u taxaabeen shalay waxay magacyadooda xilalkoodu kala yihiin sidan:

1- Xildhibaan Xasan Yoonis oo ah mudane la qabtay ee ka tirsan Golaha Degaanka Boorama;

2- Mr.Cabdikariim Sheekh Cismaan Xasan oo bil ka hor laga qaaday xilka Xoghayaha Dawladda Hoose ee Boorama;

3- Mr. Cabdinaasir Maxamed Qawrax oo isaguna hore u noqday Xoghayaha Fulinta Dawladda Hoose ee Boorama;

4- Mr. Maxamed Cali Khayre, Khasnajigii Dawladda Hoose ee Boorama;

5- Eng. Maxamed Cumar Garde oo ahaa injineerka guud ee Dawladda Hoose ee Boorama;

5- Mr. Axmed Weli Cumar oo ahaa shaqaale uu suuqa ka qortay xildhibaanka xidhan

7- Mr. Cabdillaahi Cali Xasan oo isna ahaa shaqaalaha ay suuqa ka qorteen xildhibaanka xidhan iyo ka fakadka ah;

8- Xildhibaan Mukhtaar Cabdillaahi oo ka tirsan Golaha Degaanka Boorama, balse baxsaday oo aan ilaa hadda la qaban.

Sidoo kale, Hantidhawraha Guud waxa uu daboolka ka qaaday inay ku daba jiraan masuuliyiin iyo saraakiil kaloo ka tirsan dawladda hoose ee Boorama, lugahana kula jira xatooyo xoolo dadweyne, waxaannu carrabka ku dhuftay in hawlgalkoodu sii socon doono ilaa ay gacanta ku dhigayaan masuuliyiinta ugu sarreeya dawladda hoose oo uu xusay in fartu si weyn ugu godan tahay. Waxaannu Hantidhawraha Guud si weyn ugu mahadnaqay ciidanka booliska iyo odayaasha magaalada Boorama oo uu sheegay inay gacan ka siiyeen hawlagada ay ka fuliyeen Boorama.

Hantidhawrka Guud oo beryahanba guluf baadhiseed oo culus ka waday dawladda hoose ee Boorama, ayaa la sheegay in lagu soo faqay fadeexado musuqmaasuq baahsan ah oo madax iyo minjaba aafeeyey, waxana ilo-wareedyo xogogaal ah oo Jamhuuriya helay tibaaxeen in qabqabashada xubnaha shalay xabsiga loo taxaabay uu hordhac u yahay hawlgal bartilmaameedkiisa ugu weyn yahay qabashada Maayarka Boorama Md. Cabdiraxmaan Shide Bile.

Geesta kale, ilo-wareedyadaas oo u dhuun-daloola ka baadhitaannada Hantidhawrka Guud ka wado Boorama, ayaa tibaaxay in Maayar Cabdiraxmaan Shide Bile markii uu bilaabmay hawlgalka lagu qabqabtay xildhibaanka saraakiisha dawladda hoose ee madaxda u yahay uu si degdeg ah uga baxay magaalada Boorama, kadib markuu baqay in isagana xabsiga loo taxaabo.

Warku waxa uu intaa ku daray in Maayarka Boorama uu haatan ku sugan yahay magaalada Hargeysa, isla markaana marti u yahay Maayarka Caasimadda Eng. Xuseen Maxamuud Jiciir oo isaga laftiisa lagu tuhunsan yahay arrimo la xidhiidha musuqmaasuq.

Haseyeeshee, ilahaasi ma caddayn ujeeddada safarka degdegga ah ee Maayar Cabdiraxmaan Shide kaga baxay shalay magaalada Boorama iyo halka uu waqtigan ku sugan yahay.

Dhinaca kale, waxa uu Hantidhawraha Guud daboolka ka qaaday inay ku daba jiraan masuuliyiin iyo saraakiil kale oo iyaguna lugaha kula jira arrimo la xidhiidha xatooyo xoolo dadweyne, waxaannu ku hanjabay in aanay ka hadhi doonin cid kastoo lunsata hanti qaranka Somaliland leeyahay.

source:Jam